hoobiyeMuqdisho(Araweelo News Network)Xarakadda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta Ciidamadda Dawlada Somalia iyo kuwa Huwanta AMISOM ayaa ka hadlay weerar xalay lala beegsaday Xarunta Villa Somalia ee

fadhiisinka u ah dawlada Federaalka Somalia  ee Muqdisho. Kadib markii Madaafiic lagu weeraray halkaa.

 

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaa oo ay ka danbeeyeen khasaare ku gaadhsiiyeen Ciidamada AMISOM  ee ku sugan Madaxtooyadda Villa Somalia, wuxuuna ku dooday Afhayeenka u hadlay Xarakadda Al-shabaab inay weerarkaa ku dhinteen ug yaraan shank a mid ah Ciidamada AMISOM, isagoo yidhi, “Xalay Mujaahidiintu madaafiic gaadhaysa illaa 10 madfac ayay ku rideen madaxtooyada Ridada halkaasi waxay ku dileen 5 katirsan ciidanka Afrikaanta,illaah fadligiis halkaas khasaare ayaa cadawga ka gaadhay”ayuu yidhi Abuu Muscab oo u hadlay Al-shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in duqaynta Madaafiicda  ay tusaale u tahay in aanay dawlada Somalia gacanta ku hayn amaanka Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Xukuumadda Somalia ayaan dhinaceeda ka hadlin weerarkaa iyo inta uu leegyahay khasaaraha ka dhashay, wuxuuna weerarka noocan ahi u muuqdaa mid muujinaya in Al-shabaab  ku jirto abaabul iyo inay dib uga bilawdo Magaalada Muqdisho weeraradii hore uga dhici jiray iyo dagaalkii u dhexeeyay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada Somalia.

Duqaynta Madaafiicda Villa Somalia ee xarunta Dawlada Somalia ayaa kusoo beegmay iyadoo ay dhowaan weeraro qaraxyo khasaare geystay ka dhaceen Magaalada Muqdisho, kuwaas oo kusoo beegmay xili ay wadooyinka Magaalada ee mihiimka ah xidhnaayeen, si amaanka amagaalada loo sugo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *