Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiir dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), ayaa uga digay dhalinyarada

Somaliland balwadaha cunista qaadka iyo cabitaanka Sigaarka, wuxuuna tusaale usoo qaatay xaalad caafimaaddaro oo ay balwadahaasi geyeysiiyeen oo sababay inuu galo qaliin caafimaad oo galaafan gaadhay noloshiisa.

Saxardiid oo kasoo laabtay dhakhtar qaliin lagaga sameeyay wadnaha oo dalka Maraykanka ah, ayaa kusoo laabtay dalka maanta, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay Madaarka Diyaaradaha ee Caasimadda Hargeysa, iyadoo soo dhoweyntiisa ay ka qaybqaateen xubo wasiiro ah oo ka mid ah kuwa ugu miisaanka culus Golaha Wasiirrada, sida Wasiirrada Maaliyadda, Madaxtooyada, Duulista Hawada, wasiir ku-xigeeno, Madaxdhaqameedyo, xildhibaano iyo dadweyne kale.

Wasiir Dawleaha Maaliyadda Somaliland  Cismaan Saxardiid oo ka hadlay dareenkiisa ayaa ugu horayn mahad naq u jeediyay dhamaan dadkii u soo duceeyay intii uu Cisbitaalka ku jiray, oo ay ugu horeeyaan Madaxwenaha iyo marwada koowaad ee Qaranku, isagoo dhinaca kalena talooyin u soo jeediyay Shacbiga Somaliland, siiba dhalinyarada.

“Wasiiradii, Xildhibaanadii, Madaxdhaqameedkii, qurbo-joogii iyo dhamaan dadkii kale ee ila soo hadlayay ee ii soo duceeyay ayaan u mahad naqayaa. Waxa kale oo aan u mahad naqayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo marwada koowaad oo in badan iyo in badan ila soo hadlay, iina soo duceeyay” ayuu yidhi.

“Markii aan qaliinka galay, saddex dhakhtar ayaa ii yimi oo igu yidhi afar Xiddid ayaa la prepas-garaynayaa, markaa waxaad gelaysaa qaliin qof lagu sameeyo midka ugu adag oo ay adagtahay inaad ka kacdaa ee warqad saxeex, dabaddeed markiiba waxa niyada ku soo dhacay qoyskayga, Qaranka Jamhuuriyada Somalland, gaar ahaan waddada Ceerigaabo, waan ducaystay, qarankana waan u daceeyay iyo dadkiisa”ayuu yidhi.

Cismaan Saxardiid oo talooyin u jeedinayay Dhalinyarada caadaystay cunista ama isticmaalka Balwadaha kala duwan ee nafta u daran ayaa tusaale ku bixiyay naftiisa dhibaatooyinka ay u geysteen Balwadahaasi.

Waxaanu yidhi “Anigu qaliinka aan galay anigaa isu geystay oo Sigaar iyo qaad cunay, dhalinyaradda Somaliland ee soo koraysa waxaan leeyahay inanka Qaranka Somaliland u soo korayoow ha isku cunin qaad iyo sigaar aniga waxa sidaa ii galay waa labadaas”. Ayuu yidhi Cadaani, wuxuuna sheegay inuu nasasho ku jiri doono muddo lix bilood ah, isla markaana uu halkan u yimi si uu dadkiisa iyo dalkiisa ula wadaago waayaha dalka ka jira, isagoo ugu baaqay Bulshada Somaliland in ay isku duubnadaan. 

Dhinaca kale Xubnaha Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi oo soo dhaweynta kaddib, Warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka ayaa ku tilmaamay Wasiir Dawlaha Maaliyadda inuu yahay xubin muhiim ah oo ka maqnayd muddo dhawr bilood ah, waxayna sheegeen in ay Alla mahadii ay tahay oo ay ku faraxsan yihiin soo noqoshadiisa dalkiisa Hooyo.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *