Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa safar kedis ah ugu baxay Magaalada

 

xeebta ah ee Berbera. Kadib markii uu maanta gelinkii danbe ka anbabaxay qasriga Madaxtooyada.

Lama ogga ujeedada safarka Madaxweyne Siilaanyo ee magaalada Xeebta ah ee Berbera, balse warar la xidhiidha safarkiisa ayaa sheegaya inuu halkaa u tegey sidii uu ugu soo nasan lahaa, isagoo ay u qorshaysantahay inuu laba sadex maalmood joogo, isla markaana u dabaal tago xeebta Batalaale.

Madaxweyne Siilaanyo ka hor intii aanu ka bixin qasriga Madaxtooyadda, wuxuu kulamo isdaba joog ah la yeeshay Odayaasha iyo waxgaraddka Awdal iyo sidoo kale Odayaal iyo madaxdhaqameed ay hogaaminayeen Labada gudoomiye xisbi ee mucaaradka oo saacado badan qaatay kulankoodu, kuwaas oo aan la ogayn waxyabaha ay ka wada hadleen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *