Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa magcaabay xil cusub. Sidaana waxa lagu sheegay

 

qoraal saxaafadeed maanta gelinkii danbe kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul.

Qoraalka magcaabista ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay SL/M/XERM/249-2670/082014 ku magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyay:        Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Aqoonsaday:    In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso.

Markuu Arkay:  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *