Muqdisho(ANN)Dowladda taagta daran ee ku meel gaadhka ah Soomaaliya TFG ayaa xabsiga u taxaabtay shan Nin oo qaarkood yihiin hogaamiye kooxeedyadii waqtiyada qaar ugu owooda badnaa Muqdisho ee ku amar ku taaglayn jiray, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen

dad debed bax sameeyay oo rasaas ooda laga qadaay Talaadadii todobaadkan.

Xadhiga shantaa Nin oo ay maanta soo qabteen ciidamada dawladda taagta daran oo kaashanaya ciidamada AMISOM, Sidaana waxa maanta shaaca ka qaaday Ra’iisal wasaaraha Somaaliya Maxamed Cabdulahi Maxamed iyo ku xigeenadiisa oo shir jaraaid oo ay wadajir u qabteen ku sheegay in kooxda la qabtay sharciga lala tiigsanayo.

Shantaa  sheegtay in la xiray shan qof oo looga shaki qabo in ay lug ku layaaheen dad maalintii Talaadadii Muqdisho ku mudaahraaadayay oo rasaas inta lagu furay, oo lagu dilay afar qof, sideed kalena la dhaawacay.

Duqii hore ee magaalada Muqdisho, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dhheere), iyo Cabdi Qaybdiid oo labaduba ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ugu awooda badnaa dhawr sanno ka hor ayaa ku jira shanta qof ee xabsiga loo taxaabay, iyadoo saddexda kalena yihiin, Nuur Cali Yalaxoow,  Maxamed Raage Tifoow iyo   Cali Nuur Maxamed. Kuwaas oo sida uu saxaafada u xaqiijiyay raysal wasaare Farmaajo baadhitaan ay sameeyeen ciidamada ammaanka ee dowladda KMG ah iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ay dadkaa ku soo qabteen,  isla markaana, ay cadaaladda horkeeni doonaan cidii danbiga geysatay.

Shantaa Nin ee la qabtay ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dadkii lagu  laayay Talaadadii todobaadkan magaalada Muqdisho, kuwaas oo mudaharaaday isu soo bax ah ka sameeyay  agagaarka Ex-Fiyoore, balse markii tacshiirado  rasaas ah oo  ay ku fureen rag hubeysani kala yaaceen, iyadoo goobtaa lagu dilay afar qof, sideed kalena lagu dhaawacay.

Dhinaca kale Raiisul wasaaraha dawladda taagta daran ee Somalia  ayaa sheegay inay tacsi u dirayaan ehelada dadkii  ku  geeriyooday mudaharaadkaa.

Araweelonews Mobile

Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *