Hargeysa Hargaysa(ANN) Dawlada Somaliland ayaa maanta Xidhay Wasiir ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Soomalia Cabdirashiid Maxamed Cali oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa ku xidhan Madaarka Caalamiga ah ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa. ka dib
markii laga qabtay Madarka isagoo diyaarad la socda, sidaana waxa shebekada Araweelonews ugu xaqiijiyay telefoonka qaar ka mid ah saraakiisha Madaarka, kuwaas oo sheegay in lagu Xidhay Saldhiga Madaarka Hargeisa.
Mana jirto ilaa hada wax wara oo ka soo baxay Xukuumada Somaliland oo la xidhiidha xadhiga masuulkaasi la xidhay, balse waxay wararku intaasi ku darayaan in Ninkan la xidhay oo hayb-ahaan ka soo jeedo Gobolka Togdheer.
Masuulkan la Xidhay ee ka tirsan Dawlada Somaliya ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ay Xukuumadda Siilaanyo Xidho tan iyo intii ay Xukunka Dalka la wareegtay,iyada oo hore ay Madnuuc uga ahaayeen Somaliland, Masuuliyiinta Xilalkja ka haya dawalada Somaliya inay dalka soo galaan iyaga oo aan wax cafis ka haysan dawalada Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com