Hargeysa(Araweelo News Networ) Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa shalay xukun ku ridday laba ka mid ah dhallinyaro muddo sannad ah xabsiga lagu hayey, halka ay Maxkamaddu sii deysay afar ka mid ah

dhallinyaradaas oo ka hawl-gelayay Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland, kuwaas oo muddo sannad ah xabsiga lagu hayey.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa, Faysal Dhaga-dhago, oo isagu Garsoore ka ahaa dacwadda dhallinyaradan oo lagu eedaynayey eedo la xidhiidha argagixiso iyo khalkhal gelin ammaanka, ayaa ku xukumay Axmed Ibraahim Axmed (Darmaan) shan sannadood oo xadhig ah, halka wiil kale oo magaciisa la yidhaahdo Cabdisamad uu isna ku xukumay toban sannadood oo xadhig ah.

Dhinaca kale Xukunka uu Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa shalay ku dhawaaqay waxa uu xoriyadoodii u soo celiyay afar ka mid ahaa dhallinyarada dacwadda u xidhnayd, kuwaas oo afartooduba ahaa shaqaale ka hawl-gelayay hay’adda Sirdoonka Qaranka.

Qareenada difaacayay Axmed Ibraahim Axmed (Darmaan), ayaa xukunka xadhiga shanta sannadood ah ee lagu ridday ku tilmaamay mid ka dhashay culays ay hay’addaha Amniga Somaliland saareen, iyagoo qareenadu sheegay in xukunkan lagu ridday Axmed Darmaan aanu wax xidhiidh ah la lahayn eedaha marka hore loo haystay oo ahaa inuu urur argagixiso ka mid yahay.

Qareenka difaacayay Axmed Darmaan ayaa kadib markii garsooraha Maxkamaddu ku dhawaaqay go’aankiisa waxa uu sheegay inay rafcaan ka qaadanayaan, isagoo dhinaca kalena qareenku sheegay in xukunkani aanu ahayn mid laga filayay Maxkamadda, isla markaana aanu xidhiidh la lahayn eedihii lagu eedaynayay Axmed Darmaan, waxaanu Garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan oo ah qareenka difaacayay Axmed Darmaan isagoo xukunka Maxmadda Hargeysa ka hadlaya yidhi: “Dacwadaha la xidhiidha Aminiga, intii ay sharci yihiin, waxa ka badan inta siyaasadeed, taasi waa mid aynu la wada socono, oo aynu ognahay kuligeen. Dhowaanahan ayay ahayd kolkii ay baahiyeen Hay’adaha Amnigu in siideynta qofka eedeysani ay tahay mid cadho galisa oo aan la qaadan karin. Dacwada Ciqaabta ah ee loo haystay Axmed Ibrahim Darmaan, waxba kamay gedisneyn kuwa ay ka jeelka la rabeen, waxaanan aaminsanahay in culeyska kuwa aminga ka hawl-gala saareen dacwadani, ay horseeday xukunka shanta sannadood ah ee maanta (Shalay) ku dhacay Axmed Ibraahim.”

Garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan waxa kale oo uu sheegay inay Maxkamadda Rafcaanka ka rajaynayaan inay soo af-jarto dacwaddan, kadib marka ay hordhigaan Rafcaankooda maadaama aanu xukunka Maxkamaddu ku ridday Darmaan, xidhiidh la lahayn eedaha marka hore loo haystay, waxaanu yidhi: “Ma jirto kolay waxanu kala dooranaa, balse waxa kaliya noo furan, waa in aanu maxkamadda rafcaanka hordhigno, sida xukunkani aanu xidhiidh ula lahayn eedaha marka hore loo haystay Darmaan oo ahaa in uu urur argagixiso ka mid yahay. Anaga (Qareenadda) ayaa iska leh shaqadan, waa mid waajib ah in aanu ka hawl-galno, in shakhsi muteystay in uu gurigiisa dib ugu laabto sida Axmed Darmaan oo kale aanu taas bedelkeed jeelka loo dirin. Waayo, taasi waa tan abuurta argagixisada ee maaha mid ka hortagta. Waxaan rajeynayaa,in maxkamadda rafcaanku soo afjari doonto dacwadan oo qaadatey in ka badan sanad. Waxaan idiin caddeynayaa, walow Darmaan uu qabo Xanuunka Macaanka, xukunka ku dhacayna ahaa mid lama filaan ahaa, haddana waxaan idiin caddeynayaa in Aniga iyo Darmaanba aanu niyadsanahay, isla markaasina aanaan marnaba  ka rajo dhigin caddalaada “wuxuuna ii sheegay in uu diyaar u yahay in uu u samrayo sidii uu tuhunka isaga rogi lahaa, wuxuuna iga dalbadey in aan rafcaan u qaado”.

Axmed Ibraahim Axmed (Darmaan) ayay ciidamada ammaanku bishii February ee sannadkii hore xabsiga u taxaabeen goor habeen-nimo, wakhti uu watay gaadhi uu leeyahay Guddoomiyaha Wargeyska Saxafi, Cabdifataax Dheeg Axmed, oo ay Ilma-Adeer yihiin, isagoo wakhtigaas gaadhiga ugu sidda agab uu lahaa wargeyska Saxafi oo uu suuqa uga soo iibiyay, iyadoo tan wakhtigaas xabsiga lagu hayey, isla markaana la adkeeyay booqashada eheladiisa inay xabsiga ku booqdaan, halka gaadhigii uu watayna ee uu lahaa Cabdifataax Dheegna ay bileysku ilaa hadda haystaan.

Muddadii ay socotay dhegaysiga dacwadda Axmed Darmaan iyo dhallinyarada la xidhnayd, ayay Maxkamaddu ku dhegaysatay 15 markhaati oo gebi ahaanba ahaa shaqaalaha hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland, iyadoo dad goob-joog ka ahaa fadhiyadii markhaatiyadaas lagu dhegaysanayey ay sheegeen inaan shanta markhaati mid ka mid ahi toona Maxkamadda horteeda ka furin in ay ogyihiin ama ka warqabeen hawl la xidhiidha falalka lagu eedaynayo Axmed Darmaan.

Hase yeeshee goob-joogayaasha ka qayb-galay qaar ka mid ah fadhiyada lagu dhegaysanayey dacwadaas, ayaa waxay sheegeen in Xeer-ilaalintu Maxkamadda horkeentay qoraalo la sheegay in laga soo qaaday shirkadda Isgaadhsiinta Telesom, kuwaas oo ay sheegeen inuu muujinayo xidhiidh telefoon oo dhexmaray Axmed Darmaan iyo Cabdisamad oo ah eedaysanaha kale ee ay isagana Maxkamaddu shalay ku xukuntay tobanka sannadood ee xadhiga ah, balse may sheegin in waraaqahaasi ay caddaynayaan inay Axmed Darmaan iyo Cabdisamad xidhiidhkooda telefoonka kaga wada-hadleen arrimo la xidhiidha eedaha loo jeedinayo.

Afarta nin ay Maxkamaddu go’aankeedan ku sii deysay, ayaa iyaguna ku eedaysnaa inay Axmed Darmaan kala qayb-qaateen eedaha loo jeedinayo, hase yeeshee Maxkamadda Hargeysa ayaa go’aankeedan xorriyadii dib ugu soo celisay.

xiggasho Saxafi
xiggasho Saxafi

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *