Hargeysa(ANN)Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Abiib Nuur Diiriye (Abiib Tima-cade), ayaa maanta xilkii kala wareegay Wasiirkii hore Muj. Boobe Yuusuf Ducaale. kadib markii madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday Arbacadii lasoo dhaafay ee

 

29 August 2012. munaasibad si weyn loo agaasimay oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, hawlwadeenada,shaqalaha wasaaradda iyo marti-sharaf kale.
Muj. Boobe ayaa qoraal dheer oo uu kaga hadlayo mudadii yarayd ee uu joogay wasaarada wixii uu qabtay iyo wixii u qorshaysnaa.
Qoraalka Wasiirkii hore, ayaa u dhisnaa sidan:-
“Martisharafka, shaqaalaha iyo dhammaan dadkiinna ka soo qayb-galay xafladdan bilan ee aan xilkii Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ku wareejinayo, aniguna aan ku sii dallacayo ee aan ku noqonayo Wasiirkii hore ee Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, waxaan idin leedahay soo-dhawaada.

Madashan uma aan hollan in aan ka jeediyo khudbad dheer oo aad ku hafataan, qaarkiinna iguba hiifaan. Xaasha! Waxaan u holladay in aan si sar-ka-xaadis ah u guud maro wax-qabadkayagii koobnaa, muddadii saddexdabilood ahayd ee aan halkan joogay ama aan hoggaankaba ka ahaa.

Marka hore Ilaaha Maxamed samo ku uumay ayay gallad iyo mahadiba u sugnaadeen.Mar labaadka waxaan halkan mahad aan duugoobin uga celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, oo xilkan ii igmaday bishii Maaraj 14dii 2012ka, isla markaana aan la wareegay 19kii Maarj, 2012ka.Waxaan leeyahay, Mudane Madaxweyne kalsoonida aad xilkaa iigu dhiibtay mahad iyo abaalba waan kuugu hayaa.Qaddarin iyo qiimayn tix-gelintooda leh ayay ahaayeen. Mudane, Madaxweyne, waxa kale oo aan kaaga mahad-celinayaa xil-ka-qaadistii 29kii Ogos 2012ka oo aanan ka xumaan, bal se aan naxariis iyo naruuraba u qaatay.Iyadana waan kaaga mahad-celinayaa oo qaddarin iyo qiimaynba waan u qaadanayaa.Waxa kale oo aan qof ahaan, Madaxweyne, kaaga mahad-celinayaa qaddarintii iyo tix-gelintii aynu ku wada hawl-gallay muddadii koobnayd ee aynu wada-shaqaynaynay, taasoo salka ku haysay muddadii dheerayd ee aynu soo wada-shaqaynay ama soo wada-halgannayba, kana soo bilaabmaysay ku-sinnaan 1976kii.

Afartaasi waa arar iyo dadab-galkeedii. Hoos aan u soo dego. Markii aan xilka tirsaday, waxaanu hawsha ka bilownay sidii aanu u hagaajin lahayn duruufta nololeed iyo ta shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Iyada ooay haynta iyo dhaqaaluhuba na xukumayeen, waxaanu gufaynta qabyada ku ballaysinnay in aanu horumar aan badnayn ka samaynno xaaladda nololeed ee ciidanka Wasaaradda ilaaliya oo aanu u dhisnay meelo kooban oo ay seexdaan iyo meel ay ku cunteeyaan.

Intaa yar ka dib waxaanu bilownay in aanu nadiifinno wejigahore ee Wasaaradda oo aanu ka rarno buulashii yar yaraa eefoosha xumaa si aanu u muujinno quruxda qarannimada iyo dawladnimada..Intaa ka dib waxaanu qandaraasla gallay shirkadda Daryeel si ay dhagax qoran u geliso wajahadda Wasaaradda. Boqol mitir ayaanu gelinnaydhagaxii qornaa, annaga oo qorshaysannay in aanu ku darno albaab saddexaad iyo 87 mitir oo kale oo dhagax qoran ah, hawshaas oo aanu hirgelin lahayn bal se aanu waqtigu nagu simin. Waxa intaa noo raacay in aanu qorshaysannay in aanu waddada laamida iyo derbiga inta u dhexeysana dhagax qoran dhulka dhigno.Waxaanu ku guulaysannay in aanu tobankii mitir eeugu horreeyaydhagaxaa qoran dhigno. Hawshan fulinteeda waxaanu uga mahad-celinaynaa dad door ah oo uu ka mid yahay mulkiilaha shirkadda Al-nuur.

Muwaaddin ka tirsan ciidanka waddooyinka ee Somaliland oo ii yimid maalmahaa aanu deyrka iyo qarannimadaba qurxinaynay, ayaa igu yidhi: ?Aakhirona meel la tago lehe, horto wasaaraddii waad u fool-dhaqday.?

Tallaabaii taa xigtay waxay ahayd dayac-tirkii iyo qurxintii dhismaha Radio Hargeysa oo qaybo ka midah aan ilaa 1953kii waxba laga qaban, oo weliba duqayntii Hargeysana uga danbeysay. Waxaanu ku guulaysannay in aanu dhismahaa dhammaanti gudaha dib uga hagaajinno, albaabbada ka wada beddello oo qaar saag ah aanu gelinno. Waxa kale oo noo hirgashay in aanu markii ugu horreysay dhulka oo dhan dhigno mar mar. Intaa kagama aanu hadhin, bal se xafiisyada Radio Hargeysa oo dhan wixii qalab yaallay waanu ka beddellay oo mid cusub ayaanu dhignay.

Tallaabadii taa noo xigtay waxay ahayd in aanu baahida xafiis ee jirtay awgeed kala jar jarno dhowr meelood oo aanu u aragnay in la beekhaamin karo, si shaqaaluhu xilalkooda u gutaan.Waxaanu meel u samaynay QaybtiiTababarrada in kasta oo aanaan ka gaadhin qalabayntii.Waxakale oo aanu Istuudiyaha TV-ga Qaranka ka dul qaadnay Qaybtii Barnaamajyada Ingiriisiga oo aanu meel u samaynay.

Inta aanan ka bixin qaybta Idaacadda, waxa noo suurto-gashay in aanu soo dejinno, rakibno isla markaanu hawl-gelinno Idaacaddii cusbeyd ee muddada dheer loo sid-tirinayay.Hanbalyadeedii iyo bogaadinteedii meel walba waa ay nagaga timid, hor-dhaceedii ma aanu heensanne, waanu idiiin hanbaynay oo maalinta wan-qasha ayaad ka durduuran doontaan.Waxaanu ku guulaysannay in aanu Idaacadda cusub u soo iibinno mishiin cusub oo korontada ah oo 400 oo kva ah, iyada oo ay hore u yaalleen dhowr mishiin oo kale oo is-nasiya Wasaaraddana ka faro badani.

E-mailladii shalay (3/9/12ka) noogu danbeeyay waxay soo weriyeen in laga dhegaysanayay: Finland, Japan iyo Australia. Waxay nagu soo hanbalyeeyeen in ay ku faraxsan yihiin mowjadahaa hirarka gaaban ee hawada ku soo noqday iyaga oo ka maqnaa tan iyo 88kii.Waa mid ka mid ah taallooyinka aanu taagistoodii qaybta libaax ka qaadannay.

Qaybta telefishanka, markii ugu horreysay ayaanu ?live? ka dhignay oo ay noo suurto-gashay in aanu toos hawada ugallo markii loo baahdo. Kharash iyo tamar aan la qiyaasi karin ayaa ku baxday. Waxa kale oo aanu ku guulaysannay in aanu dalka Holland uga soo iibinno qalabka iftiiminta iyo makrifoonno miisaankoodu dhammaa 120kg oo uu naga caawiyay Muwaadin Axmed Xaaji Barkhad, Ilaahay isagana ha ka abaal-mariyo e?.

Maanta oo aan halkan xilkii ku wareejinayo, waxaka socda wasaaradda mashaariic qiimo iyo qaayaba leh oo ay maal-gelinayso Hay?adda USAID, waxaana fulinaya DAI, mashaariicdaas oo ku kacaysa lacag dhan 360,000.Ma aha mashaariic la filayo, bal se waa qaar socda, waxaanay u kala baxaan:

1.    Dibudhiska iyo qalabaynta istuudiyaha Radio Hargeysa,

2.    Dibudhiska iyo qalabaynta Istuudiyaha TV-ga Qaranka,

3.    Dibudhiska iyo qalabaynta Qolka Keydka cajaladaha ee Radio Hargeysaoo ah ka ugu da?daweyn qolalka cajaladaha eedadka Soomaaliyeed,

4.    Qol weyn oo ay fadhiistaan weriyayaasha iyo tifaf-tirayaashu,

5.    Laba xafiis oo madaxdu fadhiisato iyo laba masquulood,

Waxa ku baxaya 67,000 Doollar,

6.    Keenidda qalab TV-ga ah oo dhan 66,000 oo Doollar,

7.    Hal baabuur oo Land Cruiser ah oo cusub oo dhan 45,000 oo Doollar,

8.    Waab-hawleedyo (Workshops) iyo tababarro shaqaalaha lagu carbinayo agabka cusub: 62,000 oo Doollar,

9.    Is-gaadhsiinta Istaraatejiga ah: 30,000 oo Doollar,

10. Lacag dhan 59,000 oo Doollar oo xafiisyada lagu qalabaynayo,

11. Kharashka lama-filaanka ah: 15,000 oo Doollar,

12. Mashaariicda IOM-ta oo dhan 100,000oo Doollar oo u kala baxaya:

?         Qolka shirarka ee shaqaalaha oo qaadaya ilaa 300 oo qof oo ay ku baxayso lacagdhan 60,000 oo Doollar,

?         Agabka ammaanka ee kamiradaha iyo digniinta (alarm) iyo dab-demiska oo ay ku baxayso lacag dhan 40,000 oo Doollar,

Waxa kale oo intaa dheer laba Istuudiyo oo Idaacadeed oo cusub oo midna la socday Idaacadda cusub oo la rakibayba oo uu hawl-gal yahay, midna ay Wasaaradda ugu deeqday Hay?addii EDC oo keyd ahaan u yaalla.Waxa kale oo yaalla 15 Computer oo ay ku deeqday hay?adda BBC-du.

Gebagebada sheekada waxaan halkan uga mahad-celinayaa dhammaan shaqaalaha waaxyaha kala geddisan ee Wasaaradda iyo sidii naf-hurka lahayd ee ay noo la hawl-galeen, aniga oo idin ka rajaynaya in aadsidaa iyo si ka sii fiican ula shaqayn doontaan maamulkan cusub.

Maamulka cusubna waxaan leeyahay: wixii aanu tahlaynay qalab iyo gidaar ayaanu gelinnaye?, idinkuna waxaad ku dedaashaan sidii aadhorumar ugu samayn lahaydeen daryeelka iyo nolosha shaqaalaha.Waa tallaabadii labaad ee noo qorshaysneydee waqtigu naga soo gaadhay, ee idinku ka dhigta ahmiyadda ugu horreysa hawl-galkiinna.Haddii ay kheyraadka aadamiga ahi tabaalaysan yihiin, waxba tari maayaan kheyraadka agabku.

Waxa kale oo aanu diyaarinnay Qorshe-hawleedkii shanta sannadood ee 2012ka ilaa 2017ka oo aanu ku salaynay Qorshaha Horumarinta ee Qaranka iyo Higsiga soddonka sannadood ee soo socda ee Qaranka.

Ugu danbayn Wasaaraddu waxay ahayd madal ay ku mideysan yihiin: Hal-abuurka, Fannaaniinta. Murti-dhaadhiga iyo Aqoonyahanka Somaliland iyo kuwa Soomaaliyeedba.Wakiillada aanu gobollada iyo dunidaba ku leenahay ayaa noo suuro-geliyay in aanu xidhiidh wanaagsan oo walaaltinnimo la yeelanno bulshada Somaliland ee kala geddisan.Waanu ka war-qaadan jirnay, waanu la talin jirnay, baahidooda iyo dareemmadooda kala duwan ayaanu baahin jirnay oo fal-celis togani ka soo noqon jiray.

Aniga oo hore af iyo qoraalba ku codsaday, waxaan madashan marti uga ahay in la fuliyo digreetadii Wasaaradeed ee aan soo saaray 27/8/2012ka Qodobkii ka hadhsanaa si loo dhowro milgaha dawladnimo iyo maamuska habsami-u-socodka maamul.

Aniga oo rajaynaya in aad xilalkaas oo dhan hanan doonto, waxaan si rasmiya kuugu wareejinayaa xilkii ballaadhnaa ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland.

Ilaahay adiga iyo inta kula hawl-gelaysaba ha idinku gargaaro oo ha idinku astuuro hawlaha xasaasiga ah ee idin sugaya.Sidaasna waan ku duceeyay.Aammiin.

Gobannimo dadkaa mudan,

Galladdana Allayska leh,

Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe),Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee JSL,” ayuu ku yidhi qoraalkiisa

Dhinaca kale wasiirka xilka la wareegay iyo wasiir ku xigeenka loo soo magcaabay wasaarada ayaa hadalo ka jeediyay munaasibadaa, kuwaas oo balanqaaday inay halkaa kasii wadayaan hawsha, isla markaana ku amaanay Muj. Boobe waxqabadkiisa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com 
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *