https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=139920f4d635063c&attid=0.4&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1346775546285&sads=vMyKUJDCtNcIzBNowlOCzRGrV-oAdis-ababa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ee ku sugnaa sadexdii maalmood ee la soo dhaafay magaaladda Addis-ababa, ayaa dalka kusoo laabtay maanta. kadib markii ay kaga qeybgaleen aas qaran oo

Axadii loo sameeyay Raysal wasaarihii hore ee dalkaa Males Zanawi. Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu  sheegay in cilaaqaadka labada dal aanay waxba iska bedelayn.
Sidaana waxa uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku sheegay shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Addis-ababa ka hor intii aanu kasoo anbabixin shalay, kaas oo uu  kaga hadlay qaabkii ay uga qeybgaleen aaska Raysal wasaarihii hore ee Ethiopia oo ay masuuliyiin ka yimi dalalka qaarada Afrika iyo dunida kaleba ka qaybgaleen.

“Si aad iyo aad ah u balaadhan ayaanu uga qeyb galay aaskii Raysal wasaarihii hore ee Ethiopia, waxa uu ahaa aas balaadhan oo dunida oo dhami isugu timi. Buuggii tacsidana waanu saxeexnay, Gurigiina waanu tagnay oo aanu u tacsiyadeynay shacbiga Ethiopia oo ah wadan aynu aad iyo aad isugu dheer nahay, isku dheer nahay oo jaar nahay,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Raysal wasaarihii hore ee Ethiopia uu ahaa nin weyn oo ka baxay mandaqadda iyo Afrikaba, waxaanu yidhi “Raysal wasaarihii geeriyooday ee Ethiopia  waxa uu ahaa nin weyn oo ka baxay afrika iyo caalamka oo dhan. Wuxuu ahaa nin Somaliland-na u wanaagsan oo aanu xidhiidh weyn oo jirid adag ku taagan lahayn. .”
https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=139920f4d635063c&attid=0.5&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1346775685454&sads=YfkG3orla6CnV2apIsPfQEiLwcA
“Tacsidaasi ayaanu u nimid sidii naloo qaabilayna way wanaagsanayd oo si ixtiraam iyo qadarini ku jirto ayay ahayd. Waxaanu fadhinay safka hore ee ay madaxda adduunku fadhiyeen,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay iskaashiga Ethiopia iyo Somaliland geerida Males Zanawi ka dib, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Ethiopia waxa xilka qabtay Raysal wasaare cusub. Somaliland diyaar bay u tahay inay si buuxda ula shaqaynayso Raysal Wasaaraha cusub iyo masuuliyiinta Ethiopiaba mar kastaba. Labada dal waa laba dal oo jaar ah. Ethiopia waa dal weyn waxaana ka furan xafiiskii midowga Afrika. Waa dalka ugu weyn Geeska Afrika iyo mandaqadeenanba waana dal aynu saaxiib nahay oo dano badan iyo masaalix badani iskaga keen xidhan yihiin.”

“Waan ku dedaalaynaa waana khasab sidii markii horeba xidhiidhka wanaagsani inooga dhaxeeyay inuu sii socdo kaas oo dhinac walba leh haddii ay tahay Nabad-gelyada, Ganacsiga iyo wada shaqaynta siyaasadaba, waanu ka wada shaqaynaynaa,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Dhinaca kale, waxa weftiga madaxweynuhu ay shalay  kormeer ku soo mareen safaaradda Somaliland ee wadanka Ethiopia, halkaasi oo ay ugu kuur-galayeen qaabka ay u shaqayso iyo xaaladeeda guudba.
https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=139920f4d635063c&attid=0.6&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1346775737150&sads=akEfbuEk2mo88KxW_5KiWuqkpkY
Waxaana weftigu halkaasi warbixin kaga dhegaystay Masuuliyiinta Safaaradda oo ka xog-waramay xaaladooda iyo wixii u qabsoomayba.

Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Wasiirrada Arrimaha dibada, Madaxtooyada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar Iyo Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=139920f4d635063c&attid=0.8&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1346775811789&sads=lUY4qzhgoz7mRb306mmUTHR_P8s

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=139920f4d635063c&attid=0.9&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1346775894845&sads=MRmcxrNvOhv1_5CxU3DhvPj3W-c

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *