Madaxweyne Siilaanyo Magcaabay Wasiirka warfaafinta, Wasiir Ku Xigeen, Afhayeenka Madaxtooyada Iyo xilal KaleHargeysa(ANN)Gudiga diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada ayaa maanta ku dhawaaqay inay laaleen murashaxii Madaxweynaha iyo Madaxweyne xigeenka ee Xisbiga UDUB, kuwaas oo ay sheegeen inay ku doorteen Shirkoodii golaha dhexe ee

 

28 August 2012, ku qabsoomay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.
Gudigu waxay sidaa ku sheegeen war saxaafadeed ay galabta soo saareen oo ay ku sheegeen in doorashadaasi aanay waafaqsaneyn xeerka guud ee Xisbiga UDUB oo musharax Madaxweyne iyo Madaxweyne xigeen lagu dooran karo oo keliya shirweynaha guud ee Xisbiga UDUB.

Gudigu waxay fareen gudoomiyaha Xisbiga UDUB, Daahir Rayaale Kaahin inuu ilaaliyo xeerarka Somaliland iyo xeer hoosaadka xisbigiisa, sida ku qoran qoraalka gudiga.

sidoo kale War-saxaafadeedka waxa kaloo lagu sheegay in gudiga diiwaangelinta ururada Siyaasaddu iyagu u xilsaaranyihiin inay axsaabta ku ilaaliyaan xeerarka dalka iyo xeerarka xisbiyada .

Sida laga warqabo Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB wuxuu shirkiis golaha Dhexe ee Hargeysa ku qabsaday 28/8/2012, kaas oo ay  sheegeen inay ugu doorteen musharaxa Madaxweyne Cali Warancadde, iyagoo sheegay inay Musharax Madaxweyne xigeena ugu doorteen Axmed Xaaji Daahir Cilmi. labadaa xubnood oo ka mid ahaa xubnihii golaha waiiradda ee xukuumaddii Daahir Rayaale.
Dhinaca kale doorashada labada Musharax oo muran iyo khilaaf u dhexeeyay xisbiga UDUB oo tan iyo markii lagaga guulaystay doorashadii Madaxtooyada Jun 2010, magac ahaan oo keliya u jiray, isla markaana bur-bur weyni soo waajahay, kaas oo sababay inay qaar badan oo ka mid ahaa hogaanka sare ee xisbigaa sida gudoomiye xigeenkii Axmed Yuusuf Yaasiin iskaga baxaan, halka kuwo kalena ku biireen xisbi xaakimka iyo Ururada cusub.
waxaana maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay warar si hoose isu soo tarayay oo sheegayay in Musharaxa sharciyadiisa Gudida Diiwanagelinta Ururadu diideen ee Cali warancade iyo kooxdiisu ku biirayaan Ururka WADDANi ee uu hogaamiyo gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland C/raxmaan Cirro,balse weli si cad uma sharaxin warancade iyo saaxiibadii qorshohooda siyaasadeed iyo jiritaanka wararka noocaa ah, isla markaana laalista gudida ee musharaxnimada Cali Warancade iyo saaxiibkii, ayaa suurta gal ka dhigaysa, ama soo de-dejinaysa inay inta aanay is arkin iyagoo cidla taagan ku biiraan Ururada siyaasada ee tartamaya.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *