Hargeysa(ANN)Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta, ayaa markii u horreysay mamnuucday barmaamujyo iyo heesaha anshaxa ka baxsan ee laga baahiyo telefishanka Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa ee dawladdu maamusho.

Tallaabadan isbeddelka lagu sameeyey barmaamujyada iyo heesaha ka baxa telefishanka iyo Idaacadda, ayaa ka dambeeyey kadib markii masuuliyiinta wasaaraddu toddobaadkan horraantiisii qabteen shir furan oo loogu magac-daray ‘Maqal Dadkaaga,’ kaas oo dad kala metelayey dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadu halkaasi ku waydiiyeen su’aalo iyo tallooyin ay ka gaysteen barmaamujyada iyo baahinaha kala duwan ee telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa.
Kulan shalay ay isugu yimaadeen madaxda sarsare ee Wasaaradda Warfaafinta oo uu guddoominayey Wasiirka Md. Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ayaa lagu go’aamiyey in la qaato tallooyinkii kala duwanaa ee dadweynuhu ka bixiyeen telefishanka iyo idaacadda.
Masuuliyiinta Wasaaraddu waxay gebi ahaanba mamnuuceen in la baahiyo barmaamuj taxane musasal ah oo ka bixi jiray Telefishanka Qaranka habeenkii, kaas oo la sheegay inay ku jiraan dhaqan-xumooyin fara badan oo waxyeelaya diinta iyo dhaqanka suuban.
Tallooyinka dadweynuhu soo jeediyeen ee wasaaraddu go’aanka ka soo saartay waxa ka mid ahaa, baahinta subaxdii ee idaacadda Radio Hargeysa oo soo geli jirtay 7:30, kuna jiri jirtay ilaa 8:30-ka, balse waxa la go’aamiyey in hadda wixii ka dambeeya Idaacaddu soo gasho 6:30 subaxnimo ilaa 8:30.
Wasaaraddu waxa kale oo ay joojiyey dhammaanba heesaha muuqaal ahaan iyo cod ahaan toona ku wanaagsanayn diinta iyo dhaqanka toona laga baahiyo telefishanka iyo idaacadda.
Sidoo kale, waxa telefishanka qaranka iyo Radio Hargeysa laga mamnuucay inay sii daayaan heesaha la bililiqaystay ee ay dib u qaadeen fannaaniinta dambe.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *