Berbera(ANN)Wasiirka Maliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa shalay booqasho ku tegey Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, halkaas oo uu kulan  kula yeeshay Ganacasatada kala duwan ee wax kala soo degta dakedda Berbera.

Kulanka oo ka dhacay gudaha dekedda waxa jeedadiisa lagu sheegay xog-waraysi  dhexmaray Wasiirka malliyaadda iyo ganacsatada, iyadoo lagu soo qaaday   qaabka ay ganacsatadu u bixiyaan cashuuraha iyo wixii caqabado ah ee ay kala kulmaan  dekedda  marka ay  badeecadaha  kala soo degayaan Berbera.
Ganacsatada ayaa iyagu u gudbiyey Wasiirka Maaliyadda wixii caqabado iyo tabashooyin ah ee iyaga ka horyimaada wakhtiyada ay kala soo degayaan badeecadahooda dekedda iyo waliba qaabka ay u bixiyaan cashuurta ku waajibtay ee qaranku leeyahay.
Gagabadii kulankaasi oo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi  sheegay in u jeedada kulankaas laga lahaa ay ahayd sidii loo ogaan lahaa wixii caqabado ah ee ka hor-yimaada ganacsatada wax kala soo degta dekeda Berbera ee dhinaca bixinta cashuuraha ee kastamka iyo cashuuraha  beriga oo ah goobaha dakhli ururinta ee ka tirsan Wasaaradda maaliyadda ee Berbera.
Sidoo kale Eng. Xaashi ayaa  sheegay in  dib loogu eegi laahaa badeecadaha cashuurtoodu qaaliga tahay iyo kuwa ay jabantahayba,  taas oo uu sabab uga dhigay qiimayaha wax lagu cashuuraa oo ah mid mudo hore la sameeyey.
Dhinaca kale Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay inay ganacsatada u diri doonaan hantidhawr baadha dakhligooda, haddii aanay xaqiiqda ka sheegin macaashka ay helaan.  Eng. Maxamed Xaashi waxa uu sidaa ka sheegay shir loogu diyaargaroobayo samaynta miisaaniyadda qaranka ee saddexda sannadood ee soo socda (2011- 2014), kaas  oo ay maalintii doraad  isugu yimaaddeen agaasimayaasha guud iyo waaxyaha maamulka lacagta ee hay’adaha dawladda, isagoo ganacsatada waddaniga ah ugu baaqay inay daacad ka noqdaan bixinta cashuuraha ku waajibay, isla markaana  dhinaca kalena tujaarta iyo guud ahaan ganacsatada dalka u ballanqaaday in xukuumaddu diyaar u tahay inay kala xaajoodaan wax kastoo ay dhib u arkaan, si meesha looga saaro wixii madmadow ah ee labada dhinaca soo kala dhexgala.
“Waxaannu rajaynaynaa in dadka ganacsatada ahi ka daacad noqdaan cashuuraha la ururinayo, wixii ku siyaadana waxa jira Rugta Ganacsiga oo aannu doonayno in aannu had iyo jeer ka wadahadalno meelaha sicirka hoos loo dhigi lahaa iyo meelaha kor loo qaadi lahaa, oo cashuurtu noqoto wax mar walba dadka raaligeliya. Ganacsatadu inay macaashaan waa danta ummadda, iyaga waxa ku waajib ah wixii la saaro ee aan kelifaad ahayn oo aan jeclahay in laga wadahadalo wax allaale wixii kelifaad loo arko inay sideeda u bixiyaan. Tusaale ahaan waxaannu doonaynaa in qof kasta oo ganacsade ahiba,  Waxaannu jecelnahay in dakhli badan oo aan noqon mid dadka dhiba ina soo galo, ganacsatadana waxaannu ka rajaynaynaa inay xisaabaadkooda habka loo dhimo ay raacaan oo haddii loo baahdo oo la qawado waxay leeyihiin waanu macaashnay in Hantidhawrku geli karo oo la xisaabin karo,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *