Hargeysa(ANN) Ciidanka amaanka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Nin sitay Shandad ay ka buuxaan waxyaabaha qaraxyada loo adeegsado oo la doonayay in lasoo geliyo dalka. sidaana waxa shebekada warbaahinta ee Araweelonews u xaqiijiyay

saraakiil ka tirsan ciidanka amaanka.
Ninka lagu qabtay shandada ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa ayaa lagu qabtay maalintii shalay Kaantaroolka xeebta Lawyacado ee ku taal xuduuda dhinaca xeebta galbeed  ee Somaliland. Kadib markii gaadhi uu watay oo ka yimi dhinaca dalka Djibouti lagu baadhay halkaa, kaas oo laga helay shanadada ay ku jiraan waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada.
Qaar ka mid ciidanka amaanka ee Lawyacado ayaa u sheegay shebekada Araweelonews in Ninkaa oo ka mid ah dareewaliinta gaadiidka isaga goosha Somaliland iyo Djibouti gaadhigiisa laga helay shandad ay ku jiraan waxyaabo quraarado ku jira. Sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan ciidanku Ninkaa ayaa ku dooday in shanadada aanu ogayn wax ku jira, isla markaana looga soo dhiibay Djibouti, iyadoo loogu sheegay inay ku jiraan dhar iyo alaabo kale oo Nin Hargeysa jooga ka codsaday inuu usoo qaado shandadaa, isla markaana loo qoray Number Telefoon qofka alaabta uu kasoo qaadayo sida uu ku dooday oo  ku sugan  Djibouti, kadibna uu soo qaaday isagoo aan ka warqabin waxa ku jira. warku wuxuu intaa ku daray inay   ciidanka Bilaysku sidaa kusoo kaxeeyeen Ninkaa iyo gaadhigiisa oo maanta soo gaadhay Hargeysa.
Sidoo kale wararka aanu ka helay warar ku dhow dhow saraakiisha ciidanka baadhista denbiyada ayaa sheegaya  in markii la qabtay Ninkaa  uu xidhtay telefoonkii ninkii uu sheegay in alaabta shanadada ku jirta loogu soo dhiibay.  Ciidamada baadhista denbiyada(CID)  ayaa wada baadhitaan ku saabsan Ninkaa, iyadoo ay durba soo baxeen tibaaxo sheegaya in baadhista lagu ogaaday inay jiraan koox doonaysa inay hawlgalo qaraxyo ah ka fuliyaan Somaliland xiliga ciida carafa ee  fooda inagu soo haysa.
Ciidanka amaanka Somaliland  ayaa bishii hore  fashiliyay hub iyo waxyaabo kale oo loo adeegsado qaraxyada, kuwaas oo la doonayay in hawlgalo lagaga fuliyo Somaliland, iyadoo magaalooyinka Berbera, Burco iyo Hargeysa lagu qabtay dad ku hawlanaa sidii ay hawlgalo ka dhan ah nabadgelyada u fulin lahaayeen magaalooyinka Somaliland.
 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *