London(ANN) Bulshada Somaliland eek u dhaqan dalka Boqortooyada Britain ayaa loogu baaqay inay ka qaybqaataan fursada qaaliga ah ee lagu diiwaangelanyo dadka u dhashay dalkaa iyo dadka qowmiyadaha kala duwan eek u nool, kaas oo tobankii sannadoodba mar

 

la qabto.
Jahliyadaha bulshada Somaliland ee ku dhaqan dalkaa oo taariikh facweyn ku leh marka loo eego jahliyadaha qowmiyadaha kale, ama bulshooyinka kale, balse waxa soo baxay walaac ay dadka qaar shaki gelinyaan ka qaybqaadahsda tirakoobku saamayn togan ku yeelan karo, isla markaana loo gudbinkaro hay’addaha amaanka, taas oo keentay inay xukuumadda soo somaliland barnaamij ku saabsan sidii loogu dhiiri gelin lahaa bulshada  ku dhaqan halkaa qaarkood dadka ku wacyi geliyaan inay is diiwaangeliyaan si ay cabsida uga saaraan.
Hadaba qoraalada baaqayada ka imanaya dhinaca xukuumadda  Somaliland ee ku wajahan bulshada Somaliland ee ku dhaqan  Britain, haddii aad doonay inaad daawato Video oo ku saabsan hawshaa ka daawo araweelonews bogga hore ka eeg Video-ga xagga hoose. ama akhri qoraalkan si aad wax uga fahamto.
Sida dalal badan oo dunida ka mida, waxa dalkan Ingiriiska ka qabsooma tirokoob lagu ogaanayo tirada dadka ku nool dalkan. Tirokoobka Ingiriisku wuxu dhaca 10-kii sanadood-ba mar oo ku beegan bishan March ee aynu ku jirno. Tirokoobku wuxu daawladaha u suura galiya qorshaynta, qaabaynta iyo horumarinta adeegyada bulshada. Sidoo kale waxa waraaqaha tirokoobka (census form) ee dalkan Ingiriiska ku jira su’aalo ku saabsan qof-ka ahaan-shihiisa amma halkuu kasoo jeedo si markaa loola socdo hirgalinta qorshaha sin-naanta (Equal Opportunity Policy) iyo la dagaalanka cunsuri-nimada (Anti-discrimination policy). Waxa kaloo su’aalahan la xidhiidha ahaan-shuhu (identity) ka turjumayaan umadaha kala duwan ee ku nool dalkan Ingiriiska.
Hadaba wuxu urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community olole xoogan ugu jiraa, isagoo la kaashanaya ururada iyo umadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Ingiriiska, sidii dadka reer Somaliland uga faa’idaysan lahaayeen fursadan qaaligaa oo ay markaa su’aalaha ku saabsan ahaan-shaha ku muujiyaan Somaliland-nimadooda.
Waxaan dadka reer Somaliland ka jaahil tiraynaa oo aanu ilaahay ugu dhaaranaynaa in macluumaadka shaqsiga ah ee waraaqaha tirokoobka ay ku qoraan ee ah: magacooda, address-kooda iyo da’dooda aan marnaba la shaacin doonin oo hay’yadaha amma wasaaradaha kalee dawlada Ingiriisku arki karin. Macluumaadka shaqsiga ah waxa xafidaya hay’yada tirokoobka Ingiriiska (Office of National Statistics) oo muddo 100 sanadood ah meel sir ah ku haynaysa, waana ka xaaraan hay’yadaha kalee dawlada iyo cid walboo kale inay macluumaadka shaqsiga ah isticmaalaan oo xeer Baarlamaan ayaa damaanad qaaday sir-nimadooda.
Sidaa daraadeed waxaanu umadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Ingiriiska ugu baaqaynaa inay si kalsooni ku jirto uga qayb qaataan tirokoobkan oo ay ku muujiyaan Somaliland-nimadooda. Waxa maanta gacanteena inoogu jirta, hadii aynu nahay dadka reer Somaliland ee daggan Ingiriiska inaynu Jamhuuriyada Somaliland u aqoonsano dalkeena hooyo iyo inaynu ku gacan saydhno oo aynu ku hoos jirno dalka Somalia. Haddii dhab ay inaga tahay taageerida iyo u tafa xaydnaanta qadiyada Somaliland ee hadaynu nahay reer Ingiriis aynu sheegano, waa inaynu inagu horta aqoonsano dalkeena oo aynu sharciyayno ahaan-shaha Somaliland-nimmo, taasoo ka qayb qaadan doonta adkaynta tiirka qaranimo ee dalkeena, una quus goyn doonta cid walboo rajo ka qabta inay Jamhuuriyda Somaliland saqiirto.
Hadaba waxaad ku muujin kartiin Somaliland-nimadiina idinkoo sida-tan uga jawaaba su’aalaha kala ah:
•Su’aasha 9-aad oo ku waydiinaysa dalkaad ku dhalatay, jawaabteedu waa inay noqoto SOMALILAND, haddii meel kale aad dhab ahaan ugu dhalatay waad qoran kartaa oo qof-ku meeshu ku dhashay iyo ahaan-shihiisu dalnimo (national identity) way kala duwanaan karaan.
•Su’aasha 15-naad oo ku waydiinaysa ahaan-shahaaga dalnimo (National identity) waxaad xariiqaysa kalmada “other” dabadeed waxaad ku qoraysaa meesha loo baneeyay SOMALILANDER (fadlan u fiirsada siday u qormayso)
•Su’aasha 16-naad oo ku waydiinaysa qoomiyada amma dadka aad ka midka tahay (ethnic group) waxaad iyadana xariiqaysa “other” dabadeed waxaad ku qoraysa meesha loo baneeyay SOMALILANDER. Kalmada ethnic amma ethnicity micno badan ayeey leedahay sidaa daraadeed haddii aynu nidhahdno ethnic group-kayagu waa SOMALILANDER khalad maaha oo qof-ka Pakistan ka yimid-ba wuxu ethnic group-kiisa ku qoranayaa Pakistani.
Ugu dambayn waxaanu umadda reer Somaliland ee daggan dalkan Ingiriiska u sheegaynaa in waraaqihii tirokoobku weegii hore soo dhaceen, waxaanaanu mar labaad kula dar-daarmaynaa inay dalkooda iyagu horta aqoonsadaan intaanay cid kale aqoonsi uga raadin. Haddii ay fursadani maanta ina dhaafto, ficil walboo aynu isku daynaa sidii hore-ba u dhacday, oo ku aadan ka midho dhalinta himiladeena qaranimo, wuxu noqonayaa biyo col dhaanshay.
Wixi faahfaahin dheeraad ah waxaad kala xidhiidha talafoonada kala ah:
London: 0208 848 1180 / 0787 051 5334 / 0790 371 2949 / 0795 101 6681 /
Birmingham: 0795 128 7424 / 0798 414 0957
Bristol: 0758 407 4183
Cardiff: 0797 412 0862
Liverpool: 0786 652 5685
Manchester/Bolton: 0793 065 5099
Milton Keynes: 0791 263 9319
Sheffield: 0753 352 2729 / 0793 266 8012 / 0795 858 2299
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail. info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *