images/stories/maxamed xasan xaad.bmp  Muqdisho(ANN)  Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Deegaanka Muqdisho  Maxamed Xassan Xaad ayaa siweyn u cambaareeyey sii haysashada Lamaanaha u dhashay dalka Britain ee muddada badan gacanta ugu jiray kooxaha Budhcad Badeedda Soomaalida.

 

Maxamed Xassan Xaad waxa uu ugu baaqay kooxahaa Soomaalida ah inay xoriyadoodii u soo celiyaan oo iska sii daayaan dadkaa waayeelka ah, kuwaas la sheegay  inay xilligan lasoo derseen xaaladdo nolol xumo iyo kuwo caafimaad darro,  maadaama aanay in muddo ah helin cunto wanaagsan iyo mid nafaqaysan oo ay  ahaayeen la haystayaal afduuban.

Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka Deegaanka Muqdisho  ayaa waxa uu sheegay in lacagta laga qaato dadkaasi aanay waxba u tarayn kooxaha haysta,  isla markaana ay ka dhamaan karto wakhti kooban,  hase yeeshee sumcadda iyo sharafta aanay marnaba dhamaan sidaasi darteedna iyaga oo eegaya  dhaawaca ay u gaysteen sumcaddii iyo sharaftii dadka Soomaaliyeed ay iska sii daayaan dadkaa  dhibaataysan ee u afduuban mudadda badan.

“War lacag waxba tarto waana la helaa ee walaalayaal aan idiin ducaynee iska sii daaya dadkaasi da’da ah ee idiin afduuban, hadda wax aan ahayn sumcad darro oo aad ka helaysaan ma jiro ee ducada qaata oo iska siidaaya dadkaa masaakiinta ah ee aan waxba galabsan muddadana idiin qalaafnaa”,yuu yidhi  Maxamed Xassan Xaad Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Deegaanka Muqdisho.
Maxamed Xassan Xaad ayaa waxa uu tilmaamay in sii haysashada dadkan waayeelka ah ee lagu haysto Xeebaha Soomaaliya ay sii dilayso sharafka iyo karaamadii dhamaan umadda Soomaaliyeed oo adduunka looga yaqaano Budhcad wax afduubata sida uu sheegay taasina ay sababeen kooxahaasi Budhcad Badeedda ah ee afduubka u haysta lamaanaha u dhashay Dalka Britain.

Lamaanaha Ingiriiska ee Pual iyo Rachel Chandle ayaa waxaa 23-dii bishii October ee sanadkii 2009-kii lagu afduubtay meel u dhow Jasiiradda Sechelles iyadoo xilligaasi hadda laga joogo muddo dhan 11-bilood iyo bar.

Baaqyada loo soo jeedinayo kooxaha Budhcad Badeedda Soomaalida ah ee haysta lamaanaha u dhashay dalka Britain ayaa waxa ay ahaayeen kuwo si isdaba joog ah isaga soo daba dhacayey ilaa xilligii dadkaas la qafaashay.

Xaaladda la haystayaasha u dhashay dalka Britain ayaa waxa ay gaadhay heer ay qaar kamid ah hal abuurada Soomaaliyeed ay ka sameeyen maansooyin iyo heeso ay ugu hal ku dhegyo uga dhigeen,  “siidaayaa Lamaanaha.”

Hase yeeshee kooxda haysata lamaanahaa ayaa weli kusii adkaysanaya inay sii haystaan, iyagoo Budhcad Badeedda Soomalaida ah ee haysta dadkaasi lamaanaha ahi u muuqada kuwo aan dheg qalaq u siinayn baaqyada kala duwan ee kaga imanayay  guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed iyo qaar badan oo kamid ah bulshada caalamka.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *