Hargeysa(ANN) Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee xisbiga UCID, ahna Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah  ee garabka isbeddel-doonka xisbigaas Mr. Aadan Maxamed Mire (Waqaf), ayaa xisbiga UDUB ku eedeeyey in aanay daacad ka ahayn dhexdhexaadintii ay ka galeen khilaafka u dhexeeya garabkooda iyo Eng. Faysal Cali-waraabe, kaas oo markii dambe burburay kadib markii ay ka baxeen erganimadoodii.
Waxa uu intaa ku daray in marka la eego qaabkii masuuliyiinta UDUB ee dhexdhexaadinta galay arrintooda u wadeen loo qaadan karo in aanay iyaga laftoodu daacad ka ahayn, sidaa daraadeedna garabkoodu shaki ka muujiyeen.
Mr. Waqaf oo ka hadlayey shir-jaraa’id oo garabkiisu ku qabteen shalay huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, isla markaana ka qaybgaleen masuuliyiin ka badan 25 xubnood oo isugu jira hoggaankii sare, guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee UCID, xildhibaanno ka soo jeeda xisbigaas oo ku jira Golaha Wakiillada, wakiillada lixda gobol iyo siyaasiyiin kale, waxa ay kaga hadleen waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafkoodu, dacwad ay u gudbiyeen Guddiga Doorashooyinka, waanwaantii UDUB ka dhexday labada dhinac iyo arrimo kale.
“Waxa dhacday in qoloda UDUB wakhti habeen ah ila soo hadleen oo yidhaahdeen waxannu doonaynaa in aannu idila kulano, waanan ka aqbalay. Waxay subaxdii u tageen guddoomihii hore ilaa 10:00kii, annagna 11:00-kii ayey noo yimaaddeen, waxaanuna ku kulanay huteelka Maansoor, waxana u tagnay aniga iyo Saleebaan Dogox. Waxaannu u sheegnay go’aankayagii iyo waxa taladayadu ahayd, waxaanuna uga warranay wixii go’aankayaga ku saabsan in aannu maxkamad iyo sharciga la sugayno. Waxay yidhaahdeen waxaannu wadnay waanwaanta maalmo. Waxay ila tahay istus iyo wax kale ayey ka tahay oo hadday ergo yihiin ee ergadu siigo yaraa. Waxay yidhaahdeen garabkaasaa na diiday. Waxay ila tahay in iyagu marka horeba aanay arrinka daacad ka ahayn. Waxa kaloo ay ila tahay tiisaba daryeelaa tu kale ku dara ee qolada UDUB tan oo kale ayaa u soo socota, mid weyn baa u soo socota,” ayuu yidhi Mr. Waqaf.
Waxa kaloo uu deedafeeyey in xisbigoodu laba garab u kala jabay, “Waxa maalmahan la leeyahay xisbigii UCID waa laba garab, sidaasina sax ma aha, waayo xisbigii masuuliyiintiisii kala duwanaa ee gudiida fulinta, xildhibaannadiisii iyo gudooomiyeyaashii gobolladuba maanta halkan bay ku dhan yihiin, waxa naga maqan waa saddex xubnood oo uu ku jiro guddoomihii hore, markaas taasi nama qabato.”
Md. Aadan Waqaf oo ka warramayey isfarasaar labada garab 27kii bishii dhammaatay ku dhexmaray xafiiska xisbiga iyo qaabkii wax u dhaceen, waxa uu yidhi; “27-kii bisha annaga oo fadhina xarunta dhexe ee xisbiga oo halkaas ku shirayna ayaa guddoomiyihii hore oo wata dad gaadhaya ilaa 27 qof ay rabshad iyo buuq ka bilaabeen xaruntii xisbiga. Waxa dhacday in nalala dagaallamay oo rabshado la sameeyey oo miisas iyo bakeeriyo ay jajabiyeen oo xataa ilaa iminka moobillo naga maqan yihiin. Waxa halkaasi noogu yimi markii dambe Taliye-ku-xigeenka Booliska iyo Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, waxayna masuuliyiintaasi goosteen in xarunta xisbiga ay iyagu la wareegaan oo xidhaan, markaasay amreen ina aannu labadayada dhinacba dibadda ugu soo baxno. Markaannu ka soo baxaynay ayaa guddoomiyihii hore kooxo dhallinyaro ah ku khasbeen haddana inuu dib ugu noqdo xarunta, waxana arrinkaasi noqday mid la yaab leh in Faysal meesha laga soo saaro waxay qaadatay ilaa 1:00 subaxnimo.”
Mr. Waqaf  Waxa kale oo uu ka hadlay doorka ay xukuumadu ku leedahay khilaafka ka dhex jira xisbiga UCID isaga oo xusay in ay xukuumadu ka gaabisay doorkii ay ku lahayd ilaalinta nabad geliyada, waxaanu sheegay mr Waqaf in aanu jirin qoraal dacwad ah oo uu garabkoodu u qoray maxkamada sare “Waxaan leehay khilaafka halkaas ka bilaabmay doorka Xukuumada Somaliland waxa ay ahayd inay ilaaliso Nabad galyada, dawlada hay’ad ayaa u qaabilsan amniga anagu hadaanu nahay xisbiga UCID waxaanu leenahay dawladu way ka gaabisay nabad geliyada, ma ka tamar daraa mise wax kale ayaa jira ha is cadayso, oo gacan bir ah wax ha kaga qabato, waxa kale waxay noqonayaan hawlo xeer iyo sharci ku saabsan, maxkamada sare anagu dacwad umaanu gayn komishanka doorashooyinka ayaanu u qornay, Komishankuna qoral ayey u gubiyeen Maxkamada sare qoraalkaas oo ahaa inay Maxkamadu Komishanka u soo cadayso cida ay kala xidhiidhayaan Masuuliyada Xisbiga.” Ayuu yidhi Aadan Waqaf.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee UCID waxa uu sheegay in garabkoodu dacwad u qorteen Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo keliya, balse Komishanku iyagu u gudbiyeen dhinaca Maxkamadda Sare ee Somaliland.
Shirkaas jaraa’id oo ay ka hadleen masuuliyiin badan waxa ay dhammaantood isku raaceen in xalka khilaafka xisbigoodu ku jiro go’aan sharci ah oo Maxkamadda Sare ka gaadho.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *