Hargeysa (ANN) Xukumadda kasoo baxa Maxkamaddaha dalka ayaa tan iyo mudadii xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo noqday kuwo fulintooda ay dabar ku xidhay wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, isla markaana in ka baddan 170 kiis oo dacwadood oo ay maxkamaddaha

dalku go,aan ka gaadheen ayaa sugayay fulin, kuwaas oo ay dadkii loogu dhawaaqay xukumaddaasi si weyn ugu canaanteen wasaaradda arrimaha gudaha somaliland oo ay ku tilmaameen mid madaxa iskaga duubtay kiisaskaa.

Hase yeeshee Wasiirka Arrimaha gudaha oo aanu marar baddan isku daynay inaanu wax ka weydiino cabashada kiisaskaa fulintooda laga sugayay Xukuumadda ayaanay noo suurta gelin inaanu helo si aanu wax uga weydiino arrimahaa, balse Agaasamiha Guud ee Wasaaradda  Arrimaha Gudaha  C/llaahi Balky  oo shalay xafiiskiisa magaalada Hargeysa uu kula kulmay Weriye ka socday  shebekadda Araweelonews ayaa  isagoo ka jawaabaya su’aal la xidhiidha wax ay wasaarad ahaan kaga jawaabayaan cabashooyinka fulin la’aanta kiisaska go’aamadoodu kasoo bexeen Hay’addaha garsoorka, waxa uu yidhi,  “Go’aamada maxakamdduhu gaadhaan, ama kiisaska laga hadlayaa maaha kuwo cusub oo ku kooban intii dawladani jirtay ee waa kuwo ka horeeyay oo muddo tobaneeyo sanno iyo shan iyo toban sannadood iyo sideed sannadoodba socday, waanuna ugu nimi wasaaradda ee maaha kuwo intii dawladda cusubi jirtay maxkamadduhu go,aamo kasoo gaadheen.

Wixii hore ee jirayna waa la diiwaan geliyay wasaaraddu guddi cusub ayay u saartay, guddidaa oo ka tirsan agaasimayaasha waaxyaha ayaa kala shaandhayntoodii iyo nidaamintoodii ku dhex jira, waana lasii deynayaa tii fulinteedu diyaar u tahay. Laakiin dacwadahaasi maaha kuwo yimi intii dawladda cusubi jirtay ee waa kuwo aanu ugu nimi.”

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha C/llaahi Balky oo la weydiiyay inay  kiisaska laga cabanayaa  haba u badnaaadeen kiisas muddo  sannado ah soo socday oo  xukuumaddan ka  horeeyay, balse ay  kuwo cusubina ku jiraan kiisaska oo ay  hada marayaan in ka baddan 170 kiis iyo inay  abuuri Karin mushkilad, ama  saamaynta ay ku yeelan karaan  fulin la’aanta kiisaska noocaa ahi Xukuumadda cusub. Waxa uu yidhi, 
“Horta anagu tirada aanu haynaa taa aad hayso iyo wax u dhow maaha, tirada kiisaska aanu haynaa waa mid diiwaangashan oo la ogyahay, anagana naguma soo horeeyaan ee ciidanka Booliska ayay kusoo horeeyaan, waxayna marka ay diiwaangeliyaan kadib eegaan awooddooda iyo sida hadba wax loo fulin karo, gudibaana eegta sida loo fulinayo markaa anigu maqabo inay mushkilad ku keenayaan Xukuumadda cusub, mana aha Ninka kiiskiisa toban sannadood sugayay inuu ku canaanto dawladan cusub ee waa in la sugaa hawshaa guddi ayaa loo saaraye.”

Dhinaca kale haya’ddaha garsoorka ayaa dhowaan ka cawday  fulin la’aanta kiisaska  ay hore u go’aamiyeen maxakamadduhu, kuwaas oo wasaaradda arrimaha guddaha oo Haya’ddii fulinta ahi hor istaagtay in la fuliyo, waxayna haya’ddaha garsoorku ka cawdeen mushkilada iyo saamaynta ay ku yeelanayaan fulin la’aanta xukumadda hore uga soo baxay. Sidoo kale boqolaal qof oo dadka kiisaskaa loo xukumay ayaa ku tilmaamay qorshaha wasaaradda arrimaha guddaha mid dhibaato ku keeni kara amaanka, maadaama ay dadka kiisaska daba socday qaarkood dhawr sannadood isaga dab qaadayeen maxkamaddaha dalka. kadibna markii loo xukumay kiisaskoodii ay ku adkaaatay inay xukuumaddu u fuliso. 
Araweelonews Mobile
Somalialnd Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *