Hargeysa(ANN) Biriishka labaad ee Magaalada Hargeysa ayaa dib loo furay saaka subaxnimadii. Kadib markii la dhamaystiray, iyadoo dhismihiisu socday mudo dhawr sannadood ah.

 

 

iyadoo  uu xadhiga ka jaray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Xaflada furitaanka Biriishka labaad ee Magaalada Hargeysa  oo loo sameeyay munaasibad balaadhan ayaa  maanta lagu qabtay Hoteelka Ambaasador ee magaalada Hargaysa,  taas oo   ay kasoo qayb galeen   xubno ka mid ah golaha wasiiradda iyo madaxda Hay’addaha kala duwan ee dawladda, Madaxda Axsaabta Mucaaridka ah, Culimada Somaliland, ganacsato iyo marti sharaf kale oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo  xadhiga ka jaray dhismaha Biriishkaa ayaa qudbad uu  ka jeediyay madasha  ugu horayn ka hadlay dhismaha Biriishka cusub iyo ahmiyadda uu u leeyahay Caasimadda iyo dadweynaha ku dhaqanba, waxaanu yidhi  “Waxa farxad wayn ii ah inaynu isugu nimaadno xafladan aynu u dabaal degayno furitaankii biriijka Maroodi-jeex, biriijkaas oo qiimo wayn ugu fadhiya dalka, gaar ahaan Magaalo madaxdiisa Hargeysa oo qaybaheeda kala duwan iskaga gudbayaan.”
Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu intaa ku daray “Biriishkan hawshiisu waxay ahayd mid muddo badan lagu soo jiray, shacabka iyo Magaaladduba aad ugu baahnayd oo dadaal faro badan ay u soo galeen dadka jooga Magaalo madaxda Hargeysa iyo guud ahaan shacbi-weynaha reer Somaliland.
Waxaan u mahad-naqayaa in alaale iyo intii hawshaa ka qayb-gashay, dhaqaale ahaan, mskax ahaan iyo hawl ahaanba iyo gudidii mudada u soo adkaysatayba aad-baan ugu mahad-naqayaa.


Tana waxay ina tusaysaa talaabadda aynu qaadnay inaynu awood leenahay haddii aynu dadka reer Somaliland nahay marka aynu isku tango dawladeena, shirkadaheena iyo farsamo-yaqaankeenaba inaynu leenahay awood aynu ku samayn karno qaar kale (Biriishyo).”
Madaxweynuhu waxa kale oo uu jawaab adag ka bixiyay haddalo ka soo yeedhay hogaamiyaha maamul goboleedka Soolaaliya ee Puntland, waxaanu yidhi “Waxaan dhageysanayay Madaxwaynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo ka hadlayey dalka Talyaaniga oo soo jeedinayay Somaliland inay ka qayb-gasho shirarka ka dhacaya Soomaliya, oo ka hadlayey Kalshaale arimo khuseeya Somaliland, waxaanu leenahay oo aan ku celinayaa anaga oo in badan oo hore nidhi mar walba anaga oo jecel haddii aanu reer Somaliland nahay inaanu nabadgalyo, saaxiibtinimo, ixtiraam iyo isqadarin aynu goboladda aynu jaarka nahay ee walaalaheen dalkaa Soomaliya ah inaynu nabad ku wadda noolaano, dadkeenu isku socdo, baayac-mushtarkeenu isku xidhnaado anaga oo diyaar u ah inaanan mar-naba diyaar u ahayn in aanu Madaxbanaanideeda Somaliland iyo gooni isku taageeda oo umadda Somaliland goosatay in mar-naba laga noqdo oo aanu cid marti uga ahaano ama gorgortan kala galno aanaan diyaar u ahayn.
1991-kii markii shirkii Burco la isugu yimid beelaha iyo deeganada  reer Somailland oo dhami way isku yimaadeen, madaxdooda iyo salaadiintooda ayaa isku timid, garaadadii ayaa joogay, odayaashii iyo waxgaradkoodii ayaa joogay, wuxuu ahaa wax la wadda qaatay oo la isla qaatay oo la wadda saxeexday ayuu ahaa.” Madaxweyne Axmed Siilaanyo isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa ku xigay in afti laga qaaday dadka reer Somaliland oo Somaliland ay goosatay inay madax-banaanideeda la soo noqotay, markaa waxaanu leenahay walaalayaal anagu maanta cidna marti ugama nihin cidna kala qayb-gali mayno, gorgortana ka gali-mayno madax-banaanida Somaliland, waxaanuse jecelahay oo aanu soo dhaweynaynaa in aanu jaarnimo, walaalnimo iyo aanu ku wadda shaqayno wixii danaha mandaqada ah ee xasilooni darada ku abuuraya oo aanu meel uga soo wada jeedsano. Dadka aanu walaalaha nahay ee dalkayaga gudihiisa ah anaga ayaa mar walba u fidinayna gacan walaalnimo, gacan wadda jir iyo gacan wada hadal wixii wax naga tirsanaya, diyaarna waanu u nahay, hore waanu u fidinay maantana waanu soo dhaweynaynaa gobolka ay doonto ha noqotee, arimahayagana anaga xalinayna oo meel wanaagsan iska taageyna.”
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Fayal Cali Waraabe, waxaanu yidhi “Biriijkan aynu maanta furayno , runtii lix sanno ayay inagu qaadatay. Waxa uu ka markhaati kacayaa tamar la’aanteena. 2 milyan oo doolar buu ahaa qiimaha ku baxayay, maalintiina 250 kun oo dollar ayaynu Jaad ku cunnaa, markaa waxa muuqata in aynu mudnaanta siinayno Jaadka iyo qayilaada ee aynaan siinaynin wax yaabaha danta guud ah, laamiyadeena, Madaaraddeena iyo dekedaheenu way sii xumaanayaan maalinba  maalinta ka dambaysa.
Sannadkii 2004-kii wixii ka horeeyay Hay’adda Wadooyinka Somaliland way hano-qaaday oo hab adduunku ku aamino ayay ku shaqaynaysay, habkii waa laga bedelay taasina waxay keentay in laga jaro dhaqaalihii lagu caawin jiray, waxaan leeyahay nidaamkii hore ha lagu soo celiyo.”
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay xiisadda ka taagan deegaanka Kalshaale ee Degmada Buuhoodle waxaanu  yidhi “Xiisadda deegaanka Kalshaale haddii aan ka hadlo, maanta colaad iyo abaar ayaynu ku jirnaa, waana labadii laga ducaysan jiray, ILLAAHAY ha inoogu badelo nabad iyo caano.
Adduunka waxaynu ka iibin jirnay waa nabadgelyo, Somaliland waa dal nabad ah oo dimuquraadiyadda ku socda, waa in aynu tii soo celinaa oo maanta dadkaa aynu walaalaha nahay ee gacanta shisheeye ku jirto yaynaan noqonin oo aynaan u ekaanin nin qalaad oo dadkiisa laynaaya ee aynu gogoshii xoojino ayaan leeyahay.”
“Dawladda cusubi waxay tidhi siyaasaddii arrimaha dibadda waanu bedelnay, taasina waxay sababtay Jaahwareer. Ma gooni isu taagi ayaynu ka noqonay, maxaynu ku bedelnay? Su’aalo badan ayay dadku is waydiinayaan ee waa in ummadda loo sheegaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali waraabe.
Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Somaliland, ahna ku simaha guddoomiyaha xisbiga UDUB Mudane Axmed yuusuf Yaasiin oo isaguna munaasibadaa ka hadlay waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan hadal kooban ka idhaahdo xiisadda colaadeed ee ka taagan Deegaanka Buuhoodle. Gogol nabadeed ayuu Madaxweynuhu fidiyay , waxa aan ugu baaqayaa wax garadka iyo dadweynaha reer Buuhoodle in ay aqbalaan gogoshaa nabadeed. Insha ALLAAH waxaan filayaa in goor ay noqotaba la isugu imanayo gogoshaa nabadeed, sababta oo ah Somaliland waa meel la wada leeyahay. Inaguna dabcan meel ayaynu uga soo wada jeednaa Qarannimada guud, waynuna ku wada hawlanahay Dowlad iyo xisbiyaba. Waxaan mar labaad ILLAAHAY ka baryayaa in uu abaarta inaga soo jabiyo.”
Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo munaasibada furitaanka ka hadlay ayaa yidhi, “Mar haddii xukuumad iyo xisbi talada dalka loo dhiibo, in marba la yara jeedaliyo oo dhaliisha loo sheego waa caadi, waana sax, xisbiyada mucaaridkuna hawshooda ayay qabsanayaan, laakiin jeedalkaasi waa in uu ku dhacaa halka uu ku haboon yahay.
Waxaaan leeyahay oo markhaati laga yahay in xisbi ahaan aanaan barnaamij qarsoodi ah ku soo hawl gelin ee wixii xukuumaddu fulinaysaa way qoran yihiin. Waxaanu balan qaadnay oo ummadu ay codka nagu siisay in la dardar geliyo siyaasadda arrimaha dibadda oo la qaato siyaasad waadix ah oo albaab walba la garaaco oo ictiraaf laga raadiyo.
Haddii aanu is bedel keenay, fadhigii ayuun baanu ka kacnay oo dedaal ayaanu samaynaye wax kale oo meesha ku jiraa ma jiraan, midhaheedana waanu keeni doonaa oo waad arki doontaane sidaa ha loo ogaado.”
Sidoo kale waxa  munaasibada furitaanka Biriishka labaad ee hargeysa ka hadlay masuuliyiin iyo marti sharaf tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Hay’adda wadooyinka Somaliland, Cabdi Waahix, Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Marwo Canab Nuur Ileeye iyo  Maayarka Caasimadda Hargaysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, kuwaas oo dhamaantood ka waramay doorkii iyo marxaladii uu soomaray dhismaha Biriishku iyo baahida ay Bulshadu u qabtay dhamaystirkiisa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *