London(ANN)  dawladda Britain  ayaa  ansixisay in Somaliland si gaara losiiyo deeqdi markii hore Somaaliya loogu dari jiray, tas oo ay qayb u heshay 60% lagacata waddanka Ingiriisku ugu tallo galay dhulkii ama jamahuuriyaddii Somaaliya, iyadoo arrintaas ay dawladda Britain sabab

uga dhigtay Dimuquraadiyadda iyo Dawlad wanaaga ka jira Somaliland inay ku mutaysatay, halka Koonfurta Somaaliya ay hadheyeen dagaalo aan dhammaad lahayn.
Hase yeeshee talaabada ay shacbiga Somaliland ku farxeen ee dawladda Britain ayaa ka cadhaysiisay dad xumaan wadayaal ah oo aan jeclayn wanaaga iyo nabadda ka hano qaaday Somaliland, dadkaas oo ah kuwo faro ku tiris ah waxay si xiqdi iyo naxli ah isugu uruur sanayaan Magaaladda London. Waxaana dabada ka rixaaya Telefeeshinka Somali-Chennal ee taageera Al-shabaab iyo kooxda SSC ee taageerada ka haysta maamulka xaruntiisu tahay garoowe ee budhcad-badeeda iyo sidoo kale Telefishanka Universal ee ay ku maxaafsadaan kooxda yar  ee  Yurub iyo Maraykan Soomaalida iyo dadka kale ee ku dhaqan ee muslinka ah kaga qudhaabsada Masaajido la dhisayo oo aan jirin IWM.  
Kooxdani waxay ayaa waxay abaabulayaan mudaharaad ay la hortagaan Aqalka looga arrimiyo waddanka Ingiriiska ee Downing Street , waxayna  Qorshaynayaan sidii ay  wararka Waaheen London ka helayso sheegayaan inay Kooxahaasi samaysteen  boodhadh ay ku qoran yihiin halku-dhigyo lidi ku ah Dawladda Ingiriiska iyo deeqda ay siisay Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhinaca kale wararku waxa ay sheegayaan in Kooxdan ay ku dhex dhuumanayaan Kooxo taageersan Kooxda Nabadiidka ah ee Dagaalka ka wada Deegaanka Buuhoodle oo garab ka helaya Maamul Goboleedka Majeerteeniya iyo Dad kale oo ka soo hor jeeda qadiyada Somaliland, waxase warku intaa ku darayaa in Jaaliyada Somaliland ee Dalka Ingiriiska, gaar ahaan Magaalada Caasimada ah ee London ay iyaguna wadaan diyaar garaw ku saabsan sidii ay uga hor tagi lahayeen kooxdaas islamarkaana ay ku tagerayaan dawladda Ingiriiska, tasoo ay ugu mahad celinayaan siday u samaysay cadaaladda caawimooyinka ay bixiso.
Abaabulka arrintaas ayaa ka socota Magaalada London, iyadoo Kooxdan Somaliland diidka ahi ay tageerada ugu weyn ka helayaan  Telefeeshinka ay maamulaan kooxda Alshabaab ee Somaali-Chennal iyop sidoo kale Telefishanka UNIVERSAL, isla markaana xiliga   ay kooxda Somaliland diidka ahi doonayaan inay isu soo baxaan ayaa ku beegan maalinta sabtida ah ee bishu tahay 5/3/2011. Saacaduna ay tahay 1:00pm .
Hase yeeshee kumanaan qof oo u dhashay Somaliland oo ku sugan Britain ayaa laga cabsi qabaa inay kooxahani kala kulamaan dhirbaaxo xun, waxaana jira durba soo baxaya warar sheegaya inay kooxda abaabulaysay mudaharaadka ka dhanka ah Somaliland dib u guranayaan.
Araweelonews Mobile
Somalialnd Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *