Hargeysa(ANN)Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa Hanti-dhawraha guud ee qaranka ka dalbatay inuu baadhis maaliyeed ka bilaabo wasaaradaa. Kadib eedihii musuqmaasuq ee uu shalay Wasiirka ku eedeeyay agaasimihii guud ee is casilay Maxamuud Raage Ibraahim.
Sidaana  waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo caawa ka soo baxay xarunta wasaaradda arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah, kaas oo u dhignaa sidan:-
“Ka dib markii ay Wasaaraddu wada heshay hadaladii uu bixiyey Mudane Maxamuud Raage Ibraahim Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee uu kaga hadlay Maamul xumo uu sheegay inay ka dhacday Warasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxay wasaaradu goosatay talaabooyinkan:-
Waxaa la codsaday in xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranku bilaabo Hubin Xisaabeed iyo Maamul oo looga golleeyahay xaqiijinta eedaynta uu soo jeediyey Agaasimihii hore ee Wasaaradu.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha Debeda Somaliland. Dr. Maxamed  C/llaahi ayaa iska fogeeyay eedo uu shalay u jeediyay Agaasimihii  hore ee wasaaradaa Maxamuud Raagge, wuxuuna wasiirku  ku tilmaamay agaasimihaa mid shaqadiisa kasoo bixi waayay, isagoo  yidhi,  “Agaasimaha Guud Maxamuud Raage, runtii mudadii yarayd ee koobnayd ee aanu wada shaqaynaynay shaqada Wasaaraddu way ku adkayd dhibaato xoog lihina way ka haysatay oo wuu ku haftay. Wasaaradda Arrimaha dibadduna waa wasaarad balaadhan oo la shaqaysa beesha caalamka, Ha’yadaha qarammadda Midoobay iyo Urur-goboleedyadaba. Markaa qofka Agaasimaha Guud noqonaya waxa laga doonayaa karti iyo aqoon.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *