Hargeysa(ANN)Khilaaf culus oo ka dilaacay golaha guurtida Somaliland ayaa sababay in albaabada loo xidho gebi ahaanba Fadhigii Golaha Guurtida ee maanta. ka dib markii mudaneyaasha Golahaasi isku maan-dhaafeen mooshin ay 25 Mudane soo gudbiyeen, kaas  oo ay ku dalbanayaan in xilka

 

lagaga xayuubiyo Xoghayaha Guud ee Guurtida C/llaahi  Ibraahim Habane (C/llaahi Dheere) oo ay ku eedeeyeen musuq-maasuq iyo inuu maroorsaday awoodii shir-gudoonka.
Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, ayaa  gudoominayay fadhigaa, balse waxa  ka bilaabmay buuq iyo sawaxan hadheeyay madasha, iyadoo ay mudanayaashu ku kala aragti duwanaadeen mooshinkaa. Mudanayaasha watay mooshinkaa oo doonayay  inay xilka ka qaadaan xoghayaha golaha ayaa ku eedey xoghayaha inuu hanti lunsaday. Laakiin waxa mooshinkaa is hortaagay Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre oo fadhiga gudoominayay, iyadoo markaa kadib uu bilaabmay buuq iyo sawaxan, taas oo keentay inuu fadhiga sidaa ku xidho.
Hase yeeshee kulankaa kadib ayaa mudanayaasha qaarkood sharaxaad ka bixiyeen mooshinkaa la doonayay in xilka lagaga qaado xoghayaha golaha.
Xildhibaan Jaamac Faarax (Riyo) ayaa eedo u soo jeediyay shir-gudoonka waxaanu ku dooday in aqalka odayaashu hagaasay, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi,  “Waad arkayseen saaka in Golahan muran iyo buuq weyni ka dhashay oo uu dhaliyay khilaafka dhex yaala Golaha dhexdiisa, oo uu sabab u yahay shir-gudoonka Golaha Guurtida. waxa laga warqabaa in Golahani uu hagaasay oo burbur uu qarka u saran yahay oo waxa uu gudan kari waayay shaqadisii dastuuriga ahayd iyo hawlihii uu qaranka u hayay oo waxa masuulka ah shir-gudoonka.”
Xildhibaan Jaamac Riyo oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Shir-gudoonka ayaa hagaya iska hor imaadka ka dhextaagan golaha dhexdiisa. Marka mudanayaashu xaqbay u leeyihiin inay soo jeediyaan wixii feker kooda ah, waxa la soo gudbiyay warqad 25 Mudane ku saxeexan yihiin oo dhan ka ah ama lid ku ah xoghayaha golaha guurtida oo ay mudanayaashu ku doodayaan inay la shaqayn kari waayeen xoghayaha.”
Sida oo kale waxa isna ka hadlay Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed oo ka mid ah odayaasha ugu waaweyn golaha, ayaa sheegay inuu golahani yahay gole dhaqan
“Waxa weeye Goluhu waa gole odayaal iyo gole dhaqan. Waligiiba intii uu jiray arrimihiisa waxa uu ku xalin jiray oo kaga tashan jiray gudihiisa, haddii wax jiraan iyo haddii dhaqaale maqan yahay isaga ayaa isa-saxa.”Ayuu yidhi Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed.
Xildhibaanku waxa uu hadalkiisii sii raaciyey “Raggan kale ee dhinacan ka hadlaya ee mooshinka wata waxaanu leenahay aynu  wanaag ku saxno oo Xoghaya Golaha Guurtida ee C/llaahi  Dheere waxa xukuma shir-guddoonka oo waxa noo dhaxeeya shir-guddoonka.”  Ayaa yudhi Caydiid.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *