Hargeysa(ANN)Agaasimihii Guud ee wasaaradda Arrimaha Debeda Somaliland Mr. Maxamuud Raagge ayaa maanta xilkii iska casilay, isagoo daaha ka fayday fadeexado musuq-maasuq iyo maamulxumo  ay ku kaceen wasiirka Arrimaha debeda  iyo Madaxtooyada. Agaasimaha is casilay

 

oo saaka xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa ku sababeeyay xil ka tegistiisa inay la xidhiidho wada shaqayn la’aan soo  dhexgashay isaga iyo wasiirka arrimaha debeda  Maxamed C/llaahi iyo Wasiirka Madaxtooyada oo uu sheegay inuu noqday nin masuuliyiinta xukuumadda ka hor istaaga madaxweynaha si aanay u arag. Sidaa awgeed uu go’aansaday inuu xilkii ka tego.
Maxamuud Raagge wuxuu daboolka ka qaaday fadeexado maamul xumo oo ay ku kaceen labadaa masuul, kuwaas oo sida uu sheegay ku jira musuq-maasuq lagu lunsaday lacag qaranku leeyahay iyo maamul xumo caqabad weyn ku ah hanaanka iyo nidaamka dawliga ah.
“waxa suurta geli weyday in madaxweynaha qaranka Somaliland oo ah nin taariikh fac weyn oo qiima baddan ku leh bulshada, isla markaana maamulka aad u yaqaan oo kasoo bilaabay Agaasime ay suurta geliweyday in la siiyo warbixinta dhabta ah  ee xaqiiqda ah oo laga qariyo, taas oo ka turjumay qaranka Somaliland. waxa  khasab igu noqotay iyadoo siyaabo baddan wax loo daaweeyo  oo maamul waxa lagu daweeyaa tahay (Internal correction) in gudaha laga saxo maamulka, oo la doodo wax laysu sheego si wax loo saxo. Haddii loo diido in madaxda qaranka runta loo sheego oo gudaha laga sixi waayo maamulka, waxa imanaysa inay raga qaarkii shaqada ka baxaan oo banaanka ka saxaan.” Ayuu yidhi  Agaasime Maxamuud Raagge.
Wuxuuna isagoo ka hadlaya nuxurka asbaabaha salka u ah inuu shaqada tago yidhi, “Mudane Madaxweyne waxaan joogay wasaaradda arrimaha debeda mudo todoba bilood ah, anigoo kasoo shaqeeyay wasaaradda caddaaladda iyo garsoorka Somaliland oo aan joogay mudo toban bilood ah, wixii aan qabtay waa la  ogaa . sida dib u habaynta  garsoorka anoo la kaashanayay wasiirkaygii hore Prof.  Ismaaciil Muunin Aare iyo sharci yaqaanada Somaliland. mudadii yarayd ee aan joogay Caddaaladda waa la ogaa siday bulshada caalamka ugu xidhantay. Dib u habaynta garsoorka iyo cadaaladda aniga way I galaafatay oo Garsoorka sare waxa ka mid ahaa Hooyaday walaalkeed  Sheekh Cismaan  Axmed, aniguna raali ayaan ku ahaa isna raali ayuu ku ahaa. Ninkii laga qaadayay waqtigaa maxkamadda sare Maxamed  Xirsi Oomane abti ayaan u ahaa . anigaana lahaa waxbaa khaldan oo cadaaladda waa la saxayaa. Waxaana doonayay in la keeno 11 qof oo cadaalada qaranka Somaliland saxa, hawshii aniga oo aan dhamaystirin  ayaa layga soo bedelay oo lay keenay  Arrimaha debada.” Ayuu yidhi.
Hase yeeshee wuxuu sheegay in wasaarada arrimaha debeda oo halbawle u ah qaranka  oo laysugu keenay rag aqoon iyo xirfad la biday. Laakiin nasiib daro wasaarada waxa ka shaqeeya oo keliya xafiiska wasiirka oo isagu safar inta baddan ku maqan, isla markaana uu qabtay shirar lagu qiimaynayo wasaarada iyo qaybeheeda  si loo helo shaqaale tayo leh, balse iska daa in la habeeyoo ay sadexdoodii masuul kulmi kari waayeen mudadaa todobada bilood ah, taas oo uu sheegay inuu wasiirku sabab u yahay. Sidaana ay ku fadhiisatay, isagoo wasiirku raacaya qaabkii hore ee ahaa in xafiiska wasiirka keliya uu shaqeeyo.
Mr. Raagge oo saxaafada soo hordhigay nuqulo dukumayntiyo uu sheegay in lagu lunsaday lacag fara baddan, kuwaas oo uu qaarkood sheegay akoonada xisaabeed ee lagu shubto, wuxuuna tusaale usoo qaatay Kharash  sida uu xusay loo qorsheeyay xafiiska South Sudan 00 ahaa $ 64, 000, kaas oo la lunsaday.

Sidoo kale waxa uu sheegay iska in xafiisyo kale la furee la  xidhmay  safaaradihii Denmark, Pakistan, South Afrika , Norway  iyo qaar kale oo hore  u furnaa, kuwaas oo sida uu sheegay  Lacag $ 60, 000 (Lixdan kun oo dollar) oo wasiirku sheegay  inuu ku bixiyo kharashkii safaaradahaa leexsaday  xisaab gaara lagu shubtay, iyadoo ay gebi ahaanba xidhmeen.
Madaxweyne kala dooro labada Wasiir iyo Xukuumadda (Madaxtooyada Xirsi xaaji Cali iyo arrimaha Debeda Maxamed C/llaahi Cumar, waxay leeyihiin xisbi NASIYE , waxay kuu wadaan meel xun. Aniguna sida cad -ceeda  ayaan kuugu digayaa. Aniguna waxaan kuu hayaa xisaab xidh rasmi ah, mana aan lahayn wax saxeex ah, iyadoo ay ahayd inaan hawsha gudaha ee maamulka wasaaradda maamulo. Ayuu yidhi.

“Madaxweyne  maxaa ka xun inaan maanta ku arki waayo anigoo inankaagii ah oo toban sano ku daba socday, markaa madaxweyne ma  waxaad wadi kartaa dawlad aanad xaqiiqdeeda u warhayn.”
Agaasimaha ayaa ku eedeeyay Xirsi iyo wasiirka Arrimaha debeda inay lacagahaa ku maamushaan xisbiga ay furteen ee NASIYE, kaas oo sida uu sheegay khiyaamo ah, iyadoo xisbigii KULMIYE looga guuray,”Markii aan damcay inaan joojiyo lacagtaa dalka ka baxaysa, waxa igu diiday Xirsi, oo ay wada leeyihiin xisbigaa NASIYYE, Madaxweyne labadaa wasiir iyo qaranka kala dooro, mana aha suurta gal inay labadooda keliyi wax kuu sheegaan.”

Aweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *