London(ANN)Maxaabiista ku xidhan Xabsiga Dhexe ee Hargeysa, ayaa qaarkood ka dayriyeen duruufaha nolosha ee xabsiga, kuwaas oo dhawr bilood ka hor loo soo wareejiyay xabsigaa. kadib markii xabsiga

 

ay hore ugu jireen ee Jaziirada Seychelles ee ku taal Badweynata India qaar  ka mid ah budhcad-badeedu dalbadeen in laga wareejiyo sidaana loogu soo wareejiyay xabsiga dhexe ee Hargeysa horaantii sanadkan, iyagoo hada ku xidhan xabsigaa.
.

Qaar ka mid ah Maxaabiistaa oo ah Budhcad -badeeda ku jirta xabsiyada, oo  waraysi ay siiyeen  Wargeyska caanka ah ee the Guardian oo kasoo baxa London, ayaa sheegay in xukunkii ay ku riday maxkamada jasiiradda Seychelles uu ahaa mid aan cadalad ku salaysnayn,  isla-markaana aanay helin wax gar-yaqaano ah oo ka difaaca eedaha budhcad-badeednimo ee loo haysto.

Kooxdaa budhcad-badeednimada ugu xidhan jeelka Hargeysa oo tiradoodu dhan tahay 17, ayaa waxay qaarkood ka sheekeeyeen sidii lagu soo qabtay iyo falalka ay gacanta kula jireen markii ay gacanta ku dhigeen ciidamada ajaanibka ah ee ilaaliya biyaha badweynta Hidniya ee u dhow xeebaha Somaliya, waxayna qaarkood sheegeen in laga qabtay meelo aad ugu dhow Magaaladda Muqdisho, iyagoo xiligaa ku guddo jiray hawlo kaluumaysi “Waxaanu ahayn lix, dooni ayaanu ku kaluumaysanaynay, wuu noo muuqday laydhka Muqdisho mastaafo ahaan halka lanaga xidhay, waxaana lanoo qaaday Seychelles”sidaa waxa yidhi Axmed Khaliif oo ah 21 jir lagu xukumay 10 sanadood oo xadhiga ah “Looyaro maanan helin, luuqadana (Luuqada Seychelles) maanan garanayn”ayuu raaciyey.

Wargeyska Tha Guardian sidoo kale waxa la hadlay Cabdiqaadir oo ka mid ah maxaabiista budhcad-badeednimada ugu xidhan jeelka Hargeysa, kaasi oo la xukumay isaga oo da’diisu tahay 24 jir, laguna xukumay xadhig la mid ah ka lagu riday maxbuuska hore, sidoo kalena waxa wargeyska cabashadiisa mariyey Mowliid Axmed oo 10 sano lagu xukumay, kaasi oo sheegay inay xitaa waayeen fursad ay ambiil kaga qaataan xukunka ku dhacay, isaga oo sido kale ka hadlay in aanay ilaa wakhtigii loo soo wareejiyey xabsiga dhexe ee Hargeysa aanay arag qoysaskoodii “Maanu arag qoysaskayagii”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo sharaxaya sida ay u kala duwan yihiin raashinka ay ku cunaan xabsiga Hargeysa oo dib u dhiskiisa lacagta ku baxday Wargeysku ku sheegay $ 1.5 Milyan doolar “Cuntada halkani (jeelka dhexe ee Hargeysa) ma fiicna, waxaanu helnaa bariis, tamaandho iyo inyar oo hilib ah……….raashinka Seychelles wuu wanaagsanaa”ayuu yidhi

Taliyaha xabsiga dhexe ee Hargeysa Cumar Siciid Cali oo isna Wargeysku waydiiyey waxa uu ka ogyahay inaan maxaabiistan fursad loo siinin inay ambiil ka qaataan xukunka ku dhacay iyo inay xaq u leeyihiin ayaa ku jawaabay “Xaq ayay u leeyihiin inay ambiil qaataan, xaqna maaha inay fursad u waayaan ambiil”

Maxaabiista laga soo wareejiyey xabsiyada Jasiiradda Seychelles oo tiradoodu dhan tahay 17 ayaa bishii March ee sanadkan loo soo wareejiyey Xabsiga dhexe ee Hargeysa ka dib markii heshiis bishii February ee isla sanadkan uu Magaaladda London ku dhex Maray Madaxwaynayaasha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxwaynaha Seychelles Mr James, heshiiskaasi oo u dhigayey in maxaabiista Somalida ee ku jiray xabsiyada Jasiiradaasi loo soo wareejiyo dhinaca Somaliland, taasi oo ay raali ka ahaayeen maxaabiistani isla-markaana codsadeen in la geeyo dhul Somaliyeed, si ay ugu soo dhawaadaan qoysaskooda, maxaabiista ku xidhana isku luuqad yihiin, taas  oo ka yaraynaysa culayska xabsiga.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
jaamac132@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *