Dawlada Ethiopia, ayaa shaacisay in Maydka Raysal Wasaarihii hore ee dalka  Males Zanawi la aasi doono Maalinta Axada ee 2 Sep, 2012. kadib markii uu ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla dalka Belgium todobaadkii hore, isla markaana  maydkiisa la keenay

 

magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka  Khamiistii 21 August. 
Males Zanawi oo mudo 21 sanadood ah xukumayay dalkaa, waxa markii la shaaciyay geeridiisa soo baxay dareeno dhinaca siyaasada ah oo la xidhiidha su’aalo ka dhashay cida bedeli doonta Raysal wasaaraha iyo sida ay noqonay siyaasada mustaqbalka Ethiopia. inkasta oo Bereket Simon oo ah afhayeenka xukuumadda oo shaaciyay geerida raysal wasaarihii hore ee Ethiopia Khamiistii sheegay  in aanay jiri doonin wax doorasho mudada u hadhay xukuumadda oo uu xilka sii haynayo ku xigeenkii Raysal wasaaraha, isla markaana ahaa wasiirka arrimaha debeda Eng. Hailemariam Desalegn ilaa laga gaadhayo 2015, isagoo xusuy inuu sharciga dalka ee Dastuurku dhigayo sidaa.
Hase yeeshee weedhaha noocaa ah ee Afhayeenka xukuumadda, ayaa noqday kuwo ay dadka siyaasada iyo taariikhda dalka Ethiopia u dhuun daloolaa liqi waayeen oo ay ku adkaatay inay rumaystaan, waxaana meesha ka baxaday in iyadoo la rumaynayo jawaabta uu ka bixiyay Afhayeenka dawladu Raysal wasaare xigeenka, isla markaana ah wasiirka Arrimaha debeda la hor geeyo Baarlamaanka si loo ansixiyo oo loogu dhaariyo xilkaa ilaa doorashooyinka laga gaadhayo 2015. kadibna xilkii uu hayay loogu magcaabo cid kale.
inkasta oo dalka Ethiopia galay xaalad murugo ah. kadib markii uu dhintay hogaamiyihoodii mudada dheer soo xukumayay mujtamac ku dhow 80 milyan oo ka kooban qowmiyado kala duwan oo dhaqankooda iyo xadaaradoodu kala fogtahay, isla markaana aanu ka jirin nidaam dumuqraadi ah oo dhab ah, laakiin  21 sanadood xabagta isu haysay mujtamacaa uu ahaa hogaamiyaha geeriyooday, kaas oo tan iyo 1991-kii xukumayay dalkaa. kadib markii uu xukunka ka tuuray Mingiste Haile mariam oo inqilaab ku qabsay dalkaa dhawr iyo todobaatanadii markii uu afgenbiyay boqorkii ugu danbeeyay ee cahdigii boqortooyooyinka dalkaa qarniyada ka talinayay.
Marka la eego loolanka taariikhiga ah ee xukunka iyo gacan ku haynta hogaaminta siyaasada dalka oo u dhexeeyay qowmiyadaha Kiristanka dalkaa, balse aanay saamayn ku lahayn awooda sare iyo hogaanka dalka Mujtamaca Muslinka oo lagu tilmaamo inay marka laga eego dhinaca diimaha kuwa ugu  badan, ayaa  cabsida laga qabo mustaqbalka siyaasadeed ee dalkaa iyo inay kooxaha mucaaradka ah ee qayb ka ah loolanka aan hada muuqan oo fursad ay ka faa’idaystaan  u arki karaan mudada kala guurka.
Dareenka cabsida ee laga qabo arrimahaa iyo kuwo kale ayaa sababay in aanay weli dadku jawaabo ku filan u helin jihada dhamaadka cahdigii males kadib loo jihayn doono siyaasada dalkaa, taas oo ay si weyn isu weydiinayaan dadka la socda siyaasada geeska afrika iyo mujtamaca caadiga ah ee Ethiopia oo aan iyagu ka faaloon karin arrimaha siyaasada, ama ka doodi karin, balse go’aanka mustaqbalka dalkaasi gacanta ugu jiro inyar oo ka mid ah qowmiyada uu kasoo jeeday hogaamiyaha geeriyooday, kuwaas oo la rumaysanyahay inay go’aanka jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalkooda iyo sida la yeelayo geerida Males ka dib u qorshaysantahay, isla markaana lala sugo aaska hogaamiyaha ka dib.
xaalada soo waajahday dalka Ethiopia, waa mid marka laga yimaado shacbiga dalkaa mujtamaca aduunka iyo mandaqadaba saamayn ku yeelatay oo indhaha lagu hayo, taas oo  cabsideeda leh. laakiin dawlada Ethiopia, waxay dalka gelisay xaalad deg deg ah, waxaana lagu dhawaaqay gudi qaban- qaabo heer qaran ah oo aaska hogaamiyahooda, kaas oo muadada loo cayimay ee Axada 2 Sep 2012, la rumaysanyahay inaanay ka madhnayn qorshe iyo istiraatiijiyad lagu gorfaynayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalkaa, waxaana gebi ahaanba la xidhay xuduudaha uu dalkaasi la wadaago wadamada geeska afrika.
inkasta oo Afhayeenka u hadlay dawlada Ethiopia Khamiistii sheegay in aanay doorasho dhacayn ka hor 2015, taas oo ah mudada ka hadhay xiliga xukuumadda hada oo uu xilka la wareegayo ku xigeenkii Raysal wasaaraha, isla markaana ah wasiirka arrimaha debeda Eng. Hailemariam Desalegn, taas oo Mr. Bereket Simon ku dooday inuu dhigayo dastuurkoodu oo aanay jirin wax cabsi ah oo ka taagan hogaanka siyaasadeed ee dalka. laakiin waxa muuqata inay jirto kala qaybsanaan dhinaca sharciga ee arrintaa, iyadoo ay jiraan doodo hoose oo tilmaamaya in Raysal wasaare ku xigeenka Hailemariam Desalegn hawshiisu tahay oo keliya inuu hawsha xafiiska sii wado marka uu maqanyahay raysal wasaaruhu, balse aanay dastuurka meela kaga jirin inuu si toos ah ula wareegayo xilkaa, isla markaana buuxinta jagada raysal wasaaraha dalku ay ku xidhantahay xisbiga hogaamiya dalka ee EPRDF oo Baarlamaanka usoo gudbinaya cida raysal wasaare ka noqonay dalka, taas oo hada u muuqata in laga hadlo wixii ka danbeeya aaska raysal wasaaraihii hore, iyadoo inta ka horaysa mudadaa dalka la geliyay xaalad deg deg ah.

sidoo kale Dalalka reer galbeedka ee saaxiibka ah dalka Ethiopia, ayaa si weyn uga wer wersan xaalada, waxayna isku deyayaan inay xaalada mudada kala guurka Ethiopia aanay noqon mid horseeda qalaalse siyaaseed oo xukunka si nabad ah loola kala wareego. laakiin maaha arrin lagu xusay taariikhda dalkaa ilaa qarniyo hore oo cahdigii boqortooyada oo xukunka laysugu awood sheegan jiray.

Dhawaaqyada ugu danbeeyay ee dhinaca beesha caalamka waxa ka mid ah Madaxweynaha dalka Maraykanka Obama oo saaxiibada dhow ee Ethiopia ah, wuxuuna habeenkii Khamiistii khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay qaar ka mid ah hogaamiyayaasha dalkaa oo uu kula taliyay inay xukunka si dumuqraadi ah ugu wareejiyaan raysal wasaare xigeenka Hailemariam Desaleg, oo ka mid ah madaxda uu lasoo xidhiidhay, isagoo dhinaciisa ku booriyay inuu xilka ula wareego si nabad ah oo dumuqraadi ah. waxaana jira duruufo ku xeeran siyaasada iyo taariikhda dalkaa ee xukunka oo uu jiro loolan awoodeed oo ku salaysan Qowmiyado iyo xadaarado diimeed marka laga yimaado mujtamaca Islaamka, waxa inta badan ku loolama gacan ku haynta awooda talada ee dalkaa Kiristanka, kuwaas dhinaca diinta kiristanka ay jirto kala duwanaansho, tusaale ahaan Madhabta Orthodex ayaa ah ta ay haystaan kiristanka ugu badan Ethiopia, taas oo saamayn ku yeelanaysa hogaanka siyaasadeed.
Raysal wasaare xigeenka  Hailemariam Desalegn oo Males Zanawi 2010 u magcaabay xilka Raysal wasaare xigeen iyo wasiirka arrimaha debeda, wuxuu kasoo jeedaa qowmiyada Wolayta (Wallo) oo degan Koonfurta dalkaa, kuwaas oo ka mid ah qowmiyadaha laga tirada badan yahay, wuxuuna ka mid yahay Kiristanka haysta madhabta Protestant oo ay haystaan tirada ugu yar Kiristanka Ethiopia. aqoontiisa ayaa ah Civil Engneer, isla ,markaana haysta Degree Master  uu ka qaatay dalka Finland.
inkasta oo Hailemariam Desalegn qowmiyada uu kasoo jeedaa ay tahay kuwa ugu tirada yar qowmiyadaha dalkaa, hadana wuxuu ka mid yahay qowmiyadaha loogu kalsoonida badanyahay oo sumacad dhexdhexaadnimo ku leh dalkaa, wuxuuna saaxada siyaasada soo galay sanado ka hor, mudo shan sandood ah wuxuu ahaa gudoomiye Gobol, isagoo qowmiyadaha kale soo dhoweeyay mudadii uu xilkaa hayay, 2010 ayuu soo galay Baarlamaanka Federaalka isagoo ka mid noqday isbahaysiga xisbiga dalkaa ka taliya ee guushii weyynayd ku hantay doorashadii baarlamaanka Federaalka, wuxuuna markaa ka dib xilkaa u magcaabay, isagoo u arkay inuu yahay siyaasi degan oo qunyar socod ah.  kadib markii ninkii mudada dheer  xilkaa hayay wasiirka arrimaha debeda Seyoum Musfin oo kasoo jeeda Tigre-ga xukunka haya, isla markaana ka mid ahaa saaxiibadii ay soo wada halgameen Zanawi, isla markaana qoys hoose kasoo wada jeedaan  loo magcaabay Safiirka dalka China.   
Males zanawi wuxuu ahaa  hogaamiye mudo dheer hogaaminayay dhaqdhaqaaqii TPLF ee hormoodka u ahaa jabhadii xukunka ka tuuray 1991- Mingiste Haile Mariam oo ahaa  keligii taliye inqilaabay dalkaa. kadib markii uu khaarajiyay Boqor Haile Salaaze. Males oo kasoo jeeday qowmiyada Tigre oo lagu tilmaamo inay ahaayeen  kuwo inta badan haysan jiray xukunka  boqortooyadii ugu mudada dheerayd ee soo marta taariikhda Ethiopia wuxuu usoo halgamayay isaga iyo qowmiyada uu kasoo jeeday  ee Tigreyana oo lagu qiyaaso inay yihiin 5% qowmiyadaha ku dhaqan dalkaa inay xukunka dalka gacantooda kusoo celiyaan, waxaana loolanka ugu weyn ee dhinaca xukunka iyo hogaaminta dalka uu u dhexeeyaa qowmiyada Amxaarada, kuwaas oo lagu qiyaaso inay yihiin qowmiyada labaad tiro ahaan bulshada dalkaa ku dhaqan, isla markaana ay kasoo jeedaan boqortooyooyinka soo maray xukunka dalka Ethiopia. laakiin mudadaa uu dalka ka talinayay Males Zanawi aan madaxa kor u qaadin cahdigii Males, marka laga reebo dhawaaqyada uu dhegaha ka furaysanjiray ee dalka debediisa ee ka turjumaya afkaartooda mucaaradka ah.
si kastaba ha ahaatee taariikhda dalka Ethiopia, waxa adag in si nabad ah xukunka laysugu wareejiyo marka laga soo bilaabo ilaa cahdigii boqortooyooyinka. sidaa awgeed waxa muuqata inaanay suurta gal ahayn inay Qowmiyada Tigre oo mudo dheer usoo halgamayay sidii ay xukunka gacantooda ugu soo celin lahaayeen ay hada aqbalaan inay xukunka dalka si dhibyar u wareejiyaan, maadaama tartanka loolanka qawmiyadaha ka sokow ay jirto loolan dhinaca diinta oo la xidhiidha Mahdabta, taas oo ay adagtahay inay aqbalaan Tigrega oo haysta Orthodox iyo Kiristanka kale oo u badan mahdabtaa, isla markaana ay taasi meesha ka saarto inuu raysal wasaare xigeenka xisbiga EPDRF u gudbiyo baarlamaanka federaalka oo mucaaradkiisu yahay mudane keliya. waxaana suurta gal ah inuu xisbiga EPRDF usoo xulo xilkaa siyaasiga mudada dheer ahaa wasiirka arrimaha debeda Seyoum Musfin, ama mid kale oo ka mid ah xubnaha sare ee kasoo jeeda deegaanka uu kasoo jeeday raysal wasaarihii geeriyooday ee Males Zanawi. haddii aanay xaalada wax iska bedelin. laakiin waxaynu xaqiiqda iyo sida ay wax   u dhacaan ogaan doonaa maalmaha soo socda, ama  wixii ka danbeeya Axada 2 Sep 2012.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *