Muqdisho(ANN)Doorashada shirgudoonka Baarlamaanka Somalia, ayaa dib u dhac ku yimi sababo aan la aqoonsan, iyadoo la filayay sida hore loo qorsheeyay Baarlamaanka cusub doortaan Gudoomiye rasmi ah iyo

 

ku xigeenadiisa 26 August oo maalinta Axada ee beri, ama 27 August ee Isniinta. laakiin waxa jira warar sheegaya in dib loo dhigay doorashada gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa mudo aan la cayimin, balse waxa jira warar sheegay in loo mudeeyay mar kale Talaadada 28 August laba maalmood ka dib. waxaana wararkaasi soo baxeen xili ay musharixiinta u tartamaya jagada Gudooiyaha iyo labada ku xigeen ee noqonaya shir gudoonka Baarlamaanka cusub ay gudbiyeen araajidooda, isla markaana ay bixiyeen lacago shuruud ah, iyadoo Guddoomiyaha baarlamanka qofka u tartamaya laga doonayaa inuu bixiyo $ 3000 Dollar, qofka u tartamaya ku Xigeenka 1aad laga doonayo inuu bixiyo $ 2000 Dollar, halka qofka u tartamaya gudoomiye ku xigeenka 2aad uu bixinayo $1000 Dollar.

Shalay ayay ku ekeyd qabashada araajida tartamayaasha Shirgudoonka Baarlamaanka, waxaana jagada gudoomiyaha inay u sharaxan yihiin u gudbiyay gudida loo saaray 6 mudane, kuwaas oo kala ah, Cabdi Xaashi Cabdulllaahi, Cali Khaliif Galeydh,Cabdirisaaq Cismaan Xasan Jurriile,Cabdirashiid Maxamed Xiddig, Maxamed Cismaan Jawaari iyo Xasan Abshir Faarax. sidoo waxa u sharaxan Guddoomiye ku xigeenka 1aad 11 xubnood,guddoomiye ku xigeenka labaadna waxa u taagan 4 xubnood. Gudida hawshaa Baarlamaanku u saaray, ayaa hore u sheegay in loo baahanyahay in doorashada Gudoomiyaha iyo ku xigeenada laga kala dhigo laba maalmood, isla markaaana loo baahanyahay inay tartamayaashu ka hor inta aan la gaadhin codbixinta Baarlamaanka u jeediyaan qudbado, taas oo aan weli loo cayimin xili dhab ah oo loo qorsheeyay, balse la filayay inay maanta dhacdo si aanay hawshu u jiitamin. Laakiin waxa soo baxaya guux iyo khilaaf weli ka aloosan xubnaha Baarlamaanka ee hadhay oo aan weli lasoo gudbin xubininadooda, kuwaas oo deegaamada laga sugayay qaarkood ay qaadaceen Odayaasha laga sugayay, isla markaana sheegeen inaanay qayb ka noqonayn Baarlamaanka cusub, iyagoo ka cabanaya faragelin iyo gacandhaaf lagu sameeyay deegaanada ay ka masuulka yihiin.

Dhinaca kale Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Augustine Mahiga oo maanta qoraal kasoo baxay xafiiska kaga hadlay dib u dhaca iyo khatarta ay yeelan karto xubnaha Baarkamaanka ee aan weli lasoo gudbin. Dr Augustine Mahiga, ayaa qoraalka kasoo baxay xafiiskiisa lagu sheegay in walaac uu ka qabo dib u dhaca weli ku socda dhameystirka liiska xubnaha baarlamaanka, taasi oo khatar gelin karta jadwalka doorashada. sidaa waxa lagu xusay qoraalka in aanay jirin wax dib loo dhigaa, wuxuuna ugu baaqay Odayaasha dhaqanka inay wadaan dedaalkooda. Arrimahan, ayaa muujiyay inay wax iska bedeleen siyaasadii ku wajahnayd Dawlada la doonayay in loo dhiso Somalia 20 August ee lasoo dhaafay oo ay ku ekayd mudada dawlada KMGH, balse weli xilka haysa, isla markaana sheegay inay sii joogayaan ilaa laga helayo dawlad lasoo doortay, taas oo la filayay Baarlamaanka qabyada ah ee aan weli dooran shirgudoon rasmi ah inuu soo doorto Madaxweyne iyo raysal wasaare, balse dib u dhac ku yimi, isla markaana doorkii dawladaha dabada ka riixyay hawsha ay dib u faagteen, taas oo keentay inay dar-dartii muuqatay todobaadkii hore dib u shiiqday, taas oo keentay inay yimaadaan dib u dhaca madaxda dawlada cusub ee Somalia.

Inkasta oo dhinaca Baarlamaanka weli ay jiraan xubno aan lasoo magcaabin oo ay jirto qabyo. hadana waxa muuqata in aqlabiyada Baarlamaanku weli aanay suurta gelin inay doortaan Gudoomiye iyo ku xigeenadiisa oo rasmi ah, taas oo aan la ogayn xiliga ay qabsoomay. sidoo kale qorshaha la doonayay in lagu doorto Madaxweyne iyo Raysal wasaare, ayaa dib u dhacay sababo aan la aqoon iyo arrimaha hakiyay ee saamaynta ku yeeshay dedaalkii iyo dar-dartii beesha Caalamka ee dabada ka waday hawshaa.

Hase yeeshee waxa jira tibaaxo iyo warar sheegaya in hawshii dhismaha dawlad Soomaaliya ay beesha caalamku ka waday ay hakisay geerida ku timi Raysal wasaarihii dalka Ethiopia Males Zenawi oo dhimashadiisa la shaaciyay maalin ka dib mnarkii Wasiirka Dawlada Federaalka Somalia sheegay inkasta oo ay Mudadii xukuumaddu ku dhamaatay 20 August ay xilka sii haynayaan ilaa laga soo dooranayo Madaxweyne iyo raysal wasaare. sidaa awgeed ay hawsha sii wadayaan ilaa inta la helayo xukuumaddii bedeli lahayd, taas oo meesha ka saartay hanjabaadii beesha caalamka ee ahayd in dawlada KMGH 20 August, wixii ka danbeeya aan la aqbalayn. sidoo kale hawshii baarlamaanka ee doorashada shirgudoonka, ayaa dib u gurasho ku timi, waxaana dib loogu dhigay tartanka shirgudoonka mudo aan la cayimin. Dhamaan arrimahaa ayaa lala xidhiidhay isbedelka ku yimi dalka Ethiopia. kadib markii raysal wasaarihii mudada dheer dalkaa xukumayay Males Zenawi geeriyooday, iyadoo dalka Ethiopia si weyn ugu dhex milnaa siyaasada arrimaha somalia, isla markaana ka mid ahaa wadamada loolanka ugu weyn kaga jira 21 sanadood ee Somalia bur- bursanayd. sidaa awgeed aanay Ethiopia inta ay ka faraxalanay tacsida hogaamiyohooda aanay raali ka noqonayn waxyaabaha ka socda Somalia oo ay xaq u leedahay inay ka cayaarto doorkeeda,. sidaa awgeed marka ay dhamaato tacsida uu ku jiro dalka Ethiopia loo soo jeesanayo arrimaha qabyada ah ee dawladii la filayay in 20 August loo sameeyo Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
jaamac132@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *