-
Published On: Sun, Oct 10th, 2010

Wargeyska Caanka Ah Ee Al-ahraam Oo Daaha Ka Rogay Dariiqa Ay Maraan Lacagaha Madax-Furashada Maraakiibta, Qaab Dhsimeedka iyo Isku Xidhnaanta Budhcad Baddeeda Iyo Masuuliyiinta Puntland

Smiley face
Share This
Tags

 Al-ahraam(ANN)Wargeyska Al- Ahraam ee ka soo baxa Dalka Masar ayaa daabacay warbixin si weyn daaha uga feyday xogta dhabta ah ee qaabdhismeedka Budhcad badeeda ka ugaadhsata doonyaha iyo maraakiibta halkaa iyo doorka ay ku leeyihiin madaxda iyo masuuliyiinta maamul goboleedka Puntland. Sidoo kale

 shaqsiyaad ganacsato ah oo ka taajiray lacagaha madax furashada.
Warbixintaa oo ah mid xaasaasi ah, isla markaana iftiiminay xogo iyo macluumaad badan oo qarsoon, waxa diyaariyay weriye u dhashay Dalka Masar oo  magaciisu yahay  Ayman Al-Siisi, kaas  oo booqasho aan gabasho lahayn ku maray goobaha xasaasiga ah ee  Puntland July, 2010,  isla markaana weriysiyo kala duwan  la yeeshay masuuliyin ka tirsan Puntland iyo hogaamiyaasha Budhcadeedka ka hawlgala  Puntland.
Warbixintaa oo dabayaqaadii bishii September lagu daabacay wergeyska A l-Ahraam, isla markaana  ku salaysan xogtii uu ka soo ururiyay  Puntland ee la xidhiidhay  Shebekada Budhcad badeedka  ka jirta  Puntland.   Weriyahaa ayaa maamul goboleedka  puntland ka galay dhinaca magaalada  Mukala ee dalka Yemen, wuxuuna ka talaabay Biyaha bada ee u dhexeeya Yemen iyo Somalia,    isaga oo fuulay mid ka mid ah Doonyaha u qaada xoolaha dalka Yemen,   sidaana  ku galay magaalada Boosaaso,  halkaa  oo uu ka bilaabay inuu urursado xogtiisa la xidhiidha Budhcad  badeedka, isagoo  oo u dhexgalay  shebekadaa si aan gabasho lahayn.
Weriyaha ayaa cinwaan uga  ka dhigay warbixintiisa, “Ahraam oo jiidhay godadkii Budhcad badeeda oo  ah  Hay ‘ad sir ah oo doorata Barlamaan iyo madaxweyne”
Waxuu ku bilaabay warbixintiisa sidan.   “Waxaa macluumad aan ku xaqiijiyay in fasahaadku uu ka talaabo Dekedda Boosaaso ilaa magaalada Mukala ee ku taala koonfurta  Bari  ee Dalka Yemen,  halkaas oo si qarsoon loogu gudbiyo  lacagaha Budhcad  badeedka, taas   ay  ku lug leeyihiin ganacsato waaweyn lacagahas, waxaana  lacagtaa si farsamaysan  maalgashi lagaga samaystaa magaalada gobolka Xadaramowt,   iyadoo  maalgashigu ka  bilaabmayo  doonyo kaluumaysi, islamaarana gaadhsiisan yahay   ilaa wershado kaluumaysi,  maalgashigaa oo isku xidhan ilaa Boosaaso ilaa Caluula , hubka, Doonyaha dheereeya iyo agabkooda ayaa waxaa laga soo tahriibiyaa dalka Yaman,  iyada oo la adeegsano dhaq dhaqaaqa Bada ee ka jira dekeda Mukula,  amase Jasiirada Cabdi Alkuuri  ilaa rasi casayr,Caluuula ee dalka Somaliya inkasta oo dekeda Berkeda ahi  ay noqotay dekedaha ugu muhiimsan Somaliya.  laakiin dhalinyaro yar ayaa shaqo ka heshay halka  shacabka intiisa kale ee ku sugan Puntland ay badankoodu  gaajo la ildaran yihiin,  taas oo keentay in nolol  maalmeedka ay ka mid noqoto inaad aragto goobo lagu tuugsanayo.  sidaa awgeed lacagta inteeda badan  iyo  weliba iyada oo tirooyin aad u farabadan ahi, waxay gacanta ugu jirtaa kuwii adhiga raaci jiray iyo kaluumaysatadii saboolka ahaa,  kuwaas oo noqday Budhcad badeed, taas oo suurta gelisay   inay  awoodooda dhaqaale xoogaysato,  isla markaana is habeeyay,  waxayna ku  halwgalaan  budhcadnimo iyaga oo dhistay urur ay ku bahoobeen  Budhcad badeedu oo uu  hogaamiye u yahay Ninkii asaasay uguna caansan, kaas oo   ah Ninkii ugu horeeyay ee ku kacay falka budhcad  badeednimada.   waa Ninka lagu magacaabo Abshir Booyax sida ay xaqiijiyeen warbaxino ay heshay Al-Ahram in Abshir Boyax, wuxuu  mudada xabsiga ku jiro uu qabsado kaalintisa hogaamineed ee kooxaha budhcad  badeedka,  isaga oo helaya qaybtiisa hawl galkasta,  islamarkana ay gacan siinayaan masuuliin ka tirsan maamulka Puntland.
Ururkan  xoogiisu kuma salaysana tirada xubnihiisa,   kuwaas oo ilo wareedyo ay ku qadareen tiradooda ilaa 1500  oo xubnood, iyadoo  tirooyin kale oo gacan saar la lehi ay jiraan, kuwaas oo   isugu  jira dhalin yaro rag ah oo qabanaya adeegyada kala ah  kaaliyayaal, waardiyaal shaqaale iyo dareewalo oo tiradoodu gaadhayso ilaa 10 kun,  isla markaana samaynaya dhamaan shaqooyinka suurtagalka ah iyo kuwa aan suurtagalka ahayn isuguna jira nadiifinta goobaha la degan yahay  biyo iyo raashin keenida iyo dumarka jirkooda ka ganac sada.
Sacad Cabdulaahi oo ka mid ah dhalinyarada hubkooda kireeya  si loogu ilaaliyo wadooyinka iyo goobaha lagu haysto doonyaha la afduubay ayaa waxa uu yidhi,  aniga iyo caruurtayda lixda ahi ma aanan haysan wax aanu quudano ,waxana ku noolayn ugu yaraan tuugsi halkaas oo xaaskaygu ka tuugsan jirtay hoteelada horteeda,  ilaa aan ka arkay isbedel weyn mid  ka mid ah asxaabtayda, waxaana ogaaday in barwaaqadiisa cusub iyo kartida uu u helay inuu iibsado shayada qaaliga ah ay tahay adeega uu u hayo qaar ka mid ah burcad badeeda ay isku qoyska  yihiin ee Ciise  maxamuud ee ku sugan magaalada Galkacyo.
Sacad wuxuu  intaa sii raaciyay inuu ku  dirqiyay saaxiibkii inuu baro mid ka mid ah ragaas kaas oo tijaabo kaga qaaday ridida rasaasta iyo inuu awood u leeyahay inuu soo jeedo waardiyaha habeenkii kadibna markii uu ku guulaystay ay ogolaadeen inuu la shaqeeyo,  taasina ay ka caawisay quudinta ciyaalkiisa,   isla markana ka celisay haweenaydiisa inay dewersi u baxdo, iyagoo weliba awood u yeeshay inay hagaajisteen  gurigii ay ku noolaayeen taasi waxa ay tahay tusaale ka mid ah  tobaananka kun ee isugu jira dhalin yada iyo ragga iyo haweenka kuwaas oo u shaqa  taga budhcad  badeedka .”
.‏
Maxay tahay musiibada weyne ee weriyuhu sheegay?
Weriyuhu Al-ahraam waxa uu yidhi :
“ in musiibada weyn ay tahay arrinta ururka budhcad badeedka iyo xubnahiisu ay xoogaysteen kadib markii ay dhaqaale heleen xataa ay awoodeen inay lacago laaluush ah u qaybiyeen xubnihii Barlamaanka ee tiradoodu ahayd 66 xubnood una qaybiyeen laba malyan oo doolar oo uu qaybiyay Cabdiraxmaan Faroole si ay ugu doortaan madaxtinimada dawlada goboleedka Puntland, waxana warbaxino ay heshay Ahram ay xaqiijiyeen in lacagtaa uu bixiyay  Abshir Boyax hogaamiyaha budhacad  badeedka,  isaga oo usii mariyay  Ninka la yidhaahdo Maxamed kediye.  sidaa darteedna dagaaalka lagu qaadayo budhcad  badeedka ee had iyo jeer uu sheego madaxweyne Cabdiraxman Faroole iyo qaar ka tirsan wasiiradiisa  ma aha mid jira ee waa  dacaayad lagu qaadsinayo bulshada gudaha,  isla markana lagu aamusinayo ragga diinta iyo dariiqada  suufiyada,  kuwaas oo khudbadaha   Jimacayaasha  ku dhaleeceeye shaqooyinkaa,  iyaga oo saaran minbarada masaajidyada ,waxayna xaaran ka dhigeen in budhcad badeedka wax laga iibsado,   ama wax laga iibiyaa  iyo xataa in  xidhiidh  guur lala yeesho ,iyada oo xaqiiqda xidhdiidhkaa  ay xaqiijinayaan in dheer garadka  Puntland iyo odayaal dhaqameedkooda gaar ahaana Islaam Ciise Islaam  Moxamed oo ah islaamka  Beesha Cise Maxamuud ,waana qabiilka uu ka soo jeedo Booyaxa budhcadka ah ee sharka badan iyo Cabdiraxman Faroole oo ah madaxweynaha  Puntland .
Islaan Ciise ayaa dhowr jeer u yeedhay  madaxweynaha,  isla markana ku booriyay inuu la dagaalamo budhcad  badeedka.  laakin waxaa uu u sheegay Islaamka  tiro dhawr kulan kadib in isaga iyo dawladiisu anay  tabar u hayn taas oo ay  sabab u tahay  awood la ‘aanta haysata  arrintaa  oo Islaam Ciise ogaaday  in aanay sax ahayn,  dabadeedna waa uu ka fogaaday iyaga iyo waxay samaynayaan, isagoo u guuray  degaanka baadiyaha ah ee Xasbihale,  wuxuuna  diiday in uu dadka qaabilo iyada oo  la raacayo dhaqan qaabileedka Somalida marka uu qabiilku ku gacan saydho,  ama mid ka mid ahi hogaamiyahooda .
Waxa ay heshay Ahram dukuminti muhiim ah,  kaas oo xaqiijinaya in sheegashada  Cabdiraxmaan Faroole ee ku wajahan  ciidamadiisu amaanku aanay  awood u  lahayn budhcad  badeedka ay tahay mid aan  run ahayn.   waana warqad qoraal ah oo madaxweynuhu saxeexay  7 november 2009,  taas  oo ku jihaysnayd  dawlada Yemen,  gaar ahaana wasaaradda arrimaha gudaha iyo ta  kaluumaysiga iyo baddaha iyo taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha dalka Yemen, isagoo ugu  sheegaya inuu dib uga laabtay  ogalaanshihiisii uu hore  si rasmi ah  u bixiyay  ee  loogu ogalaaday Saadiq Shire iyo ragga kale ee ay shirkada kuwa jiraan  oo ah maamulaha shirkada UNIFISH  inay ilaaliyaan xeebaha Puntland isla markana ay  la dagaalamaan budhacad  badeedka ,Saadiq iyo ragga kale ee ay shirkada kuwa jiraan ayaa horay uga codsaday madaxweyne Faroole inuu u ogaalado inay ka hawl galaan xeebaha puntland.  kadib markii dhibaato ay  kasoo gaadhay budhcad badeeda ka hawl gala  Puntland, wuxuuna  sheegay inay  samayn doonaan  maleeshiyo hubaysan oo badda ka hawl gasha, waxana uu xaqiijiyay inuu awoodo in uu soo afjaro hawlgalada budhcad badeedku ka wadaan xeebaha Somaliya, isagoo    codsaday in lala  socod siiyo dawlada Yemen si markaa aan is ku dhac u iman oo loo wada  shaqeeyo .
Waxaa la ansixiyay arrinta  laakiin madaxweynaha ayaa durbadiiba heshiiskii ka baxay ,sababtuna waxa weeye  waa dhaqaalaha iyo taageerada uu ka helayo iyo balanqaadyada joogtada ah.  Arrinta  sidoo kale waxay dabaqmaysaa wasiirkiisa  arrimaha gudaha ( Col, Ilka jiir),  kaas oo haysta dhalasho Maraykan ah, waana Nin   lagu yaqaan inuu gacan saar la leeyahay budhcad  badeedka oo uu  siiyo sahayda muhiimka ah sida  raashinka ,Khamrada iyo hubka,  taas bedel keedna uu helaayo qadar cayiman oo ka mid ah madax furashada ay bixiyaan mulkiilayasha doonayaha ,isaga oo dhex  dhexaad ahaan u soo dhex gala si badheedh ah,    marka la sii daynayo waxaana  si buuxda loo  ogyahay lacagta uu ka helayo madax furasho kasta oo la baxsho, Madaxweyne Faroole ayaa ergay ahaan ugu diray horay dalka Yemen si uu dib ula soo noqdo ogalaanshihi madaxweynaha una dhiibo dhambaalka madaxweynaha ee ku wajahnaa  in la diiday heshiiskii hore,  arrintaa oo ku dhiiri gelisay tiro ka mid ah budhcad  badeedka inay isu bedelaan maal geliyayaal,  waxana ka mid ah Ninka lagu magcaabo Cali Sawax,  kaas oo  hawshaa foosha xun waday mudo laba sano ah,  ilaa lacagtiisu ay gaadhay in ka badan 9 malyan oo doolar, isagoo ka dalacay  faqiirnimo ilaa uu gaadhay  dadka ka muuqda magaaladaa, wuxuuna  ku noolyahay  guri weyn oo qalabaysan,  isagoo leh  laba doonyood oo kuwa kaluumaysiga ah,  kuwaas oo  isaga goosha xeebaha Yemen iyo Somalia  si degan oo amaan ah, halkaas oo ay kasoo  helaan kaluumaysiga iyo budhcad badeedka, waxaana  lagu biiriyaa wershad  kaluun ee ku  taal magaalada Mukala wuxuuna yeeshay  wershedaa  sheer gaadhay 60% (boqolkiiba lixdan) .
Waxaa dabadeed uu weriyuhu ka sheekeyay Nin  kale  wuxuuna  yidhi,  (Ciise Xaji Farax oo degan Boosaaso,  kana mid ah  ganacsatada ugu waaweyn,  waxana uu leeyahay 12 doonyood oo  kaluumaysi oo qaarkod uu  soo kiraystay ,qaarna waxa uu la wadaagaa Niman reer Tailand ah,  waxa uu si amaan ah doonyihiisu isaga gooshaan xeebaha Bari iyo waqooyi ee Somaliya ,budhcad  badeedkuna midna iskuma  taabto doonyihiisa,  waayo waxa uu yahay kan ugu weyn ee fan gareeya hawl galadooda,  taas oo uu ka helo 40 % (boqolkiiba afartan)  madax furashada la bixiyo.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

Warbixitaa oo nuxur ahaan mihiimadeedu sidan u qornayd,  iyadoo carabi oo dhamaystiran, isla markaana ah Luqada carabiga
http://www.ahram.org.eg/304/2010/09/29/12/41139/219.aspx

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>