Hargeysa(ANN) Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in aanu waxba dhaamin mudadii sideeda sanadood ahayd ee uu ku jiray qasriga Madaxtooyada qof maxbuus ah oo ka xidhan waxyaabo badan oo dunada ka dhacaya, balse

 leh awood iyo haybad oo la ilaalinayo.
Madaxweyne xigeenkii hore oo waqtigana ah gudoomiye xigeenka xisbiga mucaaridka aan habaysnayn ee UDUB oo doorashadii madaxtooyada Somaliland 26 Jun, 2010 lagaga adkaaday isaga iyo Daahir Rayaale  Kaahin, waxa uu sidaa ka sheegay munaasibad uu ka qaybgalay maanta oo nuxurkeedu ahaa Adeega Zaad oo loo isticmaalayo lacagaha lagasoo xawilo debeda ee xawaalada qaran.
Mr. Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay inaanu awood u lahayn inuu hawlo ganacsi galo mudadii uu xilka hayay ee uu madaxweyne xigeenka ka ahaa Somaliland oo gaadhay sideed sanadood, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “in badan ayaan siyaasada kusoo jiray oo mar waxaan ahaa xildhibaan, waxyaabo badan ayaa iga xidhnaa mudadii sideeda sanadood ahayd ee aan madaxweyne ku xigeenka ahaa, sababta oo ah sharciga ayaan ii ogolayn maanta ayaan Zaad furta. Inkasta oo aad Madaxweyne tahay waxaad oo awaamiir bixinayso oo lagu ilaalinayo, waxaa tahay maxbuus oo kale, waxaana sideedaa sanadood ahaa qof maxbuus ah.”
Hase yeshee waxa uu Mr. Axmed Yuusuf Yaasiin sheegay in hada wixii ka danbeeya uu xoriyad dareemayo oo ganacsiga iyo ganacsatada kusoo dhowaanayo, isagoo yidhi, “marka aadan wax badan ogayn ee lagu ilaalinayo waxaa tahay maxbuus oo kale, waxaa kuu imanaya qaar haadaan kugu tuuraya oo hadaad ku dhacayso aan kaa qabanayn, waxa kaa mamnuuc ah oo aanu sharcigu kuu ogolayn inaad waxyaabo badan gasho sida ganacsiga oo kale, taasina waxay keenay inaanad waxba dunida kala socon,  maantase waxaan xaq u leeyahay inaan kusoo dhowaado ganacsatada saaxiibaday oo xoriyad dareemo oo wax badan ogaado iyadoo aynu ognahay halka aduunku maanta marayo dhinaca horumarka iyo isgaadhsiinta.”
Madaxweyne xigeenkii hore Axmed Yaasiin waxa uu sheegay in isgaadhsiintu maalinba heer maraysay maanta iyo maalintii dabka la shidanayay ee marka cadaw la arko dabka la Oogi jiray, wuxuuna amaanay ganacsatada shirkadaha dalka ee gaarka loo leeyahay, wuxuuna ku tilmaamay kuwo ka dheereeyay dawladii iyo waxqabadkii laga sugayay nidaamka dawliga ah, taas oo uu ku tilmaamay ta sababta u ah inaan ilaa hada la samayn shuruucdii isgaadhsiinta iyo wax wada lahaanshaha oo ku liita bulshada soomaalida. Sidaa awgeed loo baahan yahay in dedaalka ganacsigu la jaanqaado nidaamka dawliga ah si looga badbaado in ganacsiga koraya dhibaato soo gaadho, ama ay burburaan shirakadaha la wada leeyahay. 
Mr. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka mid noqday shan qof oo qadar  lacag ah loogu soo shubay telefoonada intii munaasibadu socotay, taas oo laga soo diray wadamo kala duwan, iyadoo ujeedadu ahayd inay fahmaan dadku in lacagta xawaalada qaran lasoo marin karo adeega Zaad  oo aad ka qaadan karto meelkasta oo aad joogto.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *