Berbera(ANN)Maxkamada gobolka Saaxil ee magaalada Berbera, ayaa xukunno isugu jira ganaac lacageed iyo xadhig ku riday Doonyo kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Yamen. Kadib markii ay ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland soo qabteen, isla markaana lagu eedeeyay

 inay sifo sharci darro ah uga kalluumaysanayeen Biyaha Somaliland.
Maxkamada, ayaa xukun hal sanno ah ku riday Cabdi Muuse Sadci oo ah muwaadin  wakiil u ahaa kalluumaysayatada, iyadoo  Afar  Doonyood oo saddex cisho ka hor ciidanka ilaalada xeebaha  Somaliland ka soo qabteen Xeebta Lugyaha midiiba  lagu xukumay 1000$ (Kun doolar) oo ganaaxa, kuwaas oo ay saarnaayeen 43 baxri oo  u dhashay dalka Yemen.

Kooxda kalluumaysatada ah, ayaa maanta markii la hor keenay maxkamadda waxa uu xaakinka maxkamada Cismaan Ibraahin, intii aan la xukumin weydiiyay inay Ruqsad ogolaansho ah ka haystaan Dawlda soomaaliland. Laakiin jawaabta  kalluumaysatada ayaa noqotay inay  haystaan waraaqo ay siisey gabadh magaceeda lagu sheegay (Nuura Aadan Cige) oo uu qabo ninka wakiilka u ahaa.

Xeer ilaalinta Gobolka saaxiil ayaa waxay kooxdan iyo wakiilkoodba kusoo oogtay inay yihiin qaar si sharcidaro  ah uga kaluumeysanayay biyaha Somaliland, isla markaana  dalka  kusoo galay si sharcidaro ah,  waxayna  maxkamaddu xukunkooda u cuskatay Qodobada 47 ee xeerka socdaalka jamhuuriyada soomaaliland iyo Qodobada 9aad 11aad ee xeerka kalumeysiga jamhuuriyadda soomaaliland.  kadibna Gudoomiyaha maxkamada Gobolka saaxil ayaa waxa uu halkaa ka akhriyey xukuno kala duwan oo isugu jira ganaax iyo xadhig wuxuuna ku bilaabay dhawaaqa xukunkiisa sidan;- “Markii aanu aragnay inay si sharcidaro ah soomaaliland kusoo galeen,  waraaqo been abuurana ay kaga kaluuumeysanaayeen Biyaha soomaaliland,  waxaanu ku xukunay Qodobada 024 ee xeerka kaluumeysiga soomaaliland ee la sameeyey 1995 iyo Qodobada 37 ee xeerka socdaalka soomaaliland iyo qodobka71 ee xeerka ciqaabta guud waxay maxkamadu ku xukuntay Doonyaha Afarta ah,  midiiba $ 1000 (Kun Dollar) oo ganaaxa,  ninka wakiilka ah ee lagu magacaabo Cabdi waxay maxkamaddu ku xukuntay  hal sano oo xadhig ah.
Maaha markii ugu horaysay ee doonyo kaluumaysi oo laga leeyahay dalka yamen lagu qabto iyagoo si sharcidaro ah uga kaluumaysanaya Biyaha Somaliland, isla markaana xukuno sidan oo kale ah ay ku rido maxkamaddu, balse marka danbe layska sii daayo mudo ka dib.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *