Al-ahraam(ANN)Wargeyska Al- Ahraam ee ka soo baxa Dalka Masar ayaa daabacay warbixin si weyn daaha uga feyday xogta dhabta ah ee qaabdhismeedka Budhcad badeeda ka ugaadhsata doonyaha iyo maraakiibta halkaa iyo doorka ay ku leeyihiin madaxda iyo masuuliyiinta maamul goboleedka Puntland. Sidoo kale
shaqsiyaad ganacsato ah oo ka taajiray lacagaha madax furashada.
Warbixintaa oo ah mid xaasaasi ah, isla markaana iftiiminay xogo iyo macluumaad badan oo qarsoon, waxa diyaariyay weriye u dhashay Dalka Masar oo magaciisu yahay Ayman Al-Siisi, kaas oo booqasho aan gabasho lahayn ku maray goobaha xasaasiga ah ee Puntland July, 2010, isla markaana weriysiyo kala duwan la yeeshay masuuliyin ka tirsan Puntland iyo hogaamiyaasha Budhcadeedka ka hawlgala Puntland.
Warbixintaa oo dabayaqaadii bishii September lagu daabacay wergeyska A l-Ahraam, isla markaana ku salaysan xogtii uu ka soo ururiyay Puntland ee la xidhiidhay Shebekada Budhcad badeedka ka jirta Puntland. Weriyahaa ayaa maamul goboleedka puntland ka galay dhinaca magaalada Mukala ee dalka Yemen, wuxuuna ka talaabay Biyaha bada ee u dhexeeya Yemen iyo Somalia, isaga oo fuulay mid ka mid ah Doonyaha u qaada xoolaha dalka Yemen, sidaana ku galay magaalada Boosaaso, halkaa oo uu ka bilaabay inuu urursado xogtiisa la xidhiidha Budhcad badeedka, isagoo oo u dhexgalay shebekadaa si aan gabasho lahayn.
Weriyaha ayaa cinwaan uga ka dhigay warbixintiisa, “Ahraam oo jiidhay godadkii Budhcad badeeda oo ah Hay ‘ad sir ah oo doorata Barlamaan iyo madaxweyne”
Waxuu ku bilaabay warbixintiisa sidan. “Waxaa macluumad aan ku xaqiijiyay in fasahaadku uu ka talaabo Dekedda Boosaaso ilaa magaalada Mukala ee ku taala koonfurta Bari ee Dalka Yemen, halkaas oo si qarsoon loogu gudbiyo lacagaha Budhcad badeedka, taas ay ku lug leeyihiin ganacsato waaweyn lacagahas, waxaana lacagtaa si farsamaysan maalgashi lagaga samaystaa magaalada gobolka Xadaramowt, iyadoo maalgashigu ka bilaabmayo doonyo kaluumaysi, islamaarana gaadhsiisan yahay ilaa wershado kaluumaysi, maalgashigaa oo isku xidhan ilaa Boosaaso ilaa Caluula , hubka, Doonyaha dheereeya iyo agabkooda ayaa waxaa laga soo tahriibiyaa dalka Yaman, iyada oo la adeegsano dhaq dhaqaaqa Bada ee ka jira dekeda Mukula, amase Jasiirada Cabdi Alkuuri ilaa rasi casayr,Caluuula ee dalka Somaliya inkasta oo dekeda Berkeda ahi ay noqotay dekedaha ugu muhiimsan Somaliya. laakiin dhalinyaro yar ayaa shaqo ka heshay halka shacabka intiisa kale ee ku sugan Puntland ay badankoodu gaajo la ildaran yihiin, taas oo keentay in nolol maalmeedka ay ka mid noqoto inaad aragto goobo lagu tuugsanayo. sidaa awgeed lacagta inteeda badan iyo weliba iyada oo tirooyin aad u farabadan ahi, waxay gacanta ugu jirtaa kuwii adhiga raaci jiray iyo kaluumaysatadii saboolka ahaa, kuwaas oo noqday Budhcad badeed, taas oo suurta gelisay inay awoodooda dhaqaale xoogaysato, isla markaana is habeeyay, waxayna ku halwgalaan budhcadnimo iyaga oo dhistay urur ay ku bahoobeen Budhcad badeedu oo uu hogaamiye u yahay Ninkii asaasay uguna caansan, kaas oo ah Ninkii ugu horeeyay ee ku kacay falka budhcad badeednimada. waa Ninka lagu magacaabo Abshir Booyax sida ay xaqiijiyeen warbaxino ay heshay Al-Ahram in Abshir Boyax, wuxuu mudada xabsiga ku jiro uu qabsado kaalintisa hogaamineed ee kooxaha budhcad badeedka, isaga oo helaya qaybtiisa hawl galkasta, islamarkana ay gacan siinayaan masuuliin ka tirsan maamulka Puntland.
Ururkan xoogiisu kuma salaysana tirada xubnihiisa, kuwaas oo ilo wareedyo ay ku qadareen tiradooda ilaa 1500 oo xubnood, iyadoo tirooyin kale oo gacan saar la lehi ay jiraan, kuwaas oo isugu jira dhalin yaro rag ah oo qabanaya adeegyada kala ah kaaliyayaal, waardiyaal shaqaale iyo dareewalo oo tiradoodu gaadhayso ilaa 10 kun, isla markaana samaynaya dhamaan shaqooyinka suurtagalka ah iyo kuwa aan suurtagalka ahayn isuguna jira nadiifinta goobaha la degan yahay biyo iyo raashin keenida iyo dumarka jirkooda ka ganac sada.
Sacad Cabdulaahi oo ka mid ah dhalinyarada hubkooda kireeya si loogu ilaaliyo wadooyinka iyo goobaha lagu haysto doonyaha la afduubay ayaa waxa uu yidhi, aniga iyo caruurtayda lixda ahi ma aanan haysan wax aanu quudano ,waxana ku noolayn ugu yaraan tuugsi halkaas oo xaaskaygu ka tuugsan jirtay hoteelada horteeda, ilaa aan ka arkay isbedel weyn mid ka mid ah asxaabtayda, waxaana ogaaday in barwaaqadiisa cusub iyo kartida uu u helay inuu iibsado shayada qaaliga ah ay tahay adeega uu u hayo qaar ka mid ah burcad badeeda ay isku qoyska yihiin ee Ciise maxamuud ee ku sugan magaalada Galkacyo.
Sacad wuxuu intaa sii raaciyay inuu ku dirqiyay saaxiibkii inuu baro mid ka mid ah ragaas kaas oo tijaabo kaga qaaday ridida rasaasta iyo inuu awood u leeyahay inuu soo jeedo waardiyaha habeenkii kadibna markii uu ku guulaystay ay ogolaadeen inuu la shaqeeyo, taasina ay ka caawisay quudinta ciyaalkiisa, isla markana ka celisay haweenaydiisa inay dewersi u baxdo, iyagoo weliba awood u yeeshay inay hagaajisteen gurigii ay ku noolaayeen taasi waxa ay tahay tusaale ka mid ah tobaananka kun ee isugu jira dhalin yada iyo ragga iyo haweenka kuwaas oo u shaqa taga budhcad badeedka .”
.
Maxay tahay musiibada weyne ee weriyuhu sheegay?
Weriyuhu Al-ahraam waxa uu yidhi :
“ in musiibada weyn ay tahay arrinta ururka budhcad badeedka iyo xubnahiisu ay xoogaysteen kadib markii ay dhaqaale heleen xataa ay awoodeen inay lacago laaluush ah u qaybiyeen xubnihii Barlamaanka ee tiradoodu ahayd 66 xubnood una qaybiyeen laba malyan oo doolar oo uu qaybiyay Cabdiraxmaan Faroole si ay ugu doortaan madaxtinimada dawlada goboleedka Puntland, waxana warbaxino ay heshay Ahram ay xaqiijiyeen in lacagtaa uu bixiyay Abshir Boyax hogaamiyaha budhacad badeedka, isaga oo usii mariyay Ninka la yidhaahdo Maxamed kediye. sidaa darteedna dagaaalka lagu qaadayo budhcad badeedka ee had iyo jeer uu sheego madaxweyne Cabdiraxman Faroole iyo qaar ka tirsan wasiiradiisa ma aha mid jira ee waa dacaayad lagu qaadsinayo bulshada gudaha, isla markana lagu aamusinayo ragga diinta iyo dariiqada suufiyada, kuwaas oo khudbadaha Jimacayaasha ku dhaleeceeye shaqooyinkaa, iyaga oo saaran minbarada masaajidyada ,waxayna xaaran ka dhigeen in budhcad badeedka wax laga iibsado, ama wax laga iibiyaa iyo xataa in xidhiidh guur lala yeesho ,iyada oo xaqiiqda xidhdiidhkaa ay xaqiijinayaan in dheer garadka Puntland iyo odayaal dhaqameedkooda gaar ahaana Islaam Ciise Islaam Moxamed oo ah islaamka Beesha Cise Maxamuud ,waana qabiilka uu ka soo jeedo Booyaxa budhcadka ah ee sharka badan iyo Cabdiraxman Faroole oo ah madaxweynaha Puntland .
Islaan Ciise ayaa dhowr jeer u yeedhay madaxweynaha, isla markana ku booriyay inuu la dagaalamo budhcad badeedka. laakin waxaa uu u sheegay Islaamka tiro dhawr kulan kadib in isaga iyo dawladiisu anay tabar u hayn taas oo ay sabab u tahay awood la ‘aanta haysata arrintaa oo Islaam Ciise ogaaday in aanay sax ahayn, dabadeedna waa uu ka fogaaday iyaga iyo waxay samaynayaan, isagoo u guuray degaanka baadiyaha ah ee Xasbihale, wuxuuna diiday in uu dadka qaabilo iyada oo la raacayo dhaqan qaabileedka Somalida marka uu qabiilku ku gacan saydho, ama mid ka mid ahi hogaamiyahooda .
Waxa ay heshay Ahram dukuminti muhiim ah, kaas oo xaqiijinaya in sheegashada Cabdiraxmaan Faroole ee ku wajahan ciidamadiisu amaanku aanay awood u lahayn budhcad badeedka ay tahay mid aan run ahayn. waana warqad qoraal ah oo madaxweynuhu saxeexay 7 november 2009, taas oo ku jihaysnayd dawlada Yemen, gaar ahaana wasaaradda arrimaha gudaha iyo ta kaluumaysiga iyo baddaha iyo taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha dalka Yemen, isagoo ugu sheegaya inuu dib uga laabtay ogalaanshihiisii uu hore si rasmi ah u bixiyay ee loogu ogalaaday Saadiq Shire iyo ragga kale ee ay shirkada kuwa jiraan oo ah maamulaha shirkada UNIFISH inay ilaaliyaan xeebaha Puntland isla markana ay la dagaalamaan budhacad badeedka ,Saadiq iyo ragga kale ee ay shirkada kuwa jiraan ayaa horay uga codsaday madaxweyne Faroole inuu u ogaalado inay ka hawl galaan xeebaha puntland. kadib markii dhibaato ay kasoo gaadhay budhcad badeeda ka hawl gala Puntland, wuxuuna sheegay inay samayn doonaan maleeshiyo hubaysan oo badda ka hawl gasha, waxana uu xaqiijiyay inuu awoodo in uu soo afjaro hawlgalada budhcad badeedku ka wadaan xeebaha Somaliya, isagoo codsaday in lala socod siiyo dawlada Yemen si markaa aan is ku dhac u iman oo loo wada shaqeeyo .
Waxaa la ansixiyay arrinta laakiin madaxweynaha ayaa durbadiiba heshiiskii ka baxay ,sababtuna waxa weeye waa dhaqaalaha iyo taageerada uu ka helayo iyo balanqaadyada joogtada ah. Arrinta sidoo kale waxay dabaqmaysaa wasiirkiisa arrimaha gudaha ( Col, Ilka jiir), kaas oo haysta dhalasho Maraykan ah, waana Nin lagu yaqaan inuu gacan saar la leeyahay budhcad badeedka oo uu siiyo sahayda muhiimka ah sida raashinka ,Khamrada iyo hubka, taas bedel keedna uu helaayo qadar cayiman oo ka mid ah madax furashada ay bixiyaan mulkiilayasha doonayaha ,isaga oo dhex dhexaad ahaan u soo dhex gala si badheedh ah, marka la sii daynayo waxaana si buuxda loo ogyahay lacagta uu ka helayo madax furasho kasta oo la baxsho, Madaxweyne Faroole ayaa ergay ahaan ugu diray horay dalka Yemen si uu dib ula soo noqdo ogalaanshihi madaxweynaha una dhiibo dhambaalka madaxweynaha ee ku wajahnaa in la diiday heshiiskii hore, arrintaa oo ku dhiiri gelisay tiro ka mid ah budhcad badeedka inay isu bedelaan maal geliyayaal, waxana ka mid ah Ninka lagu magcaabo Cali Sawax, kaas oo hawshaa foosha xun waday mudo laba sano ah, ilaa lacagtiisu ay gaadhay in ka badan 9 malyan oo doolar, isagoo ka dalacay faqiirnimo ilaa uu gaadhay dadka ka muuqda magaaladaa, wuxuuna ku noolyahay guri weyn oo qalabaysan, isagoo leh laba doonyood oo kuwa kaluumaysiga ah, kuwaas oo isaga goosha xeebaha Yemen iyo Somalia si degan oo amaan ah, halkaas oo ay kasoo helaan kaluumaysiga iyo budhcad badeedka, waxaana lagu biiriyaa wershad kaluun ee ku taal magaalada Mukala wuxuuna yeeshay wershedaa sheer gaadhay 60% (boqolkiiba lixdan) .
Waxaa dabadeed uu weriyuhu ka sheekeyay Nin kale wuxuuna yidhi, (Ciise Xaji Farax oo degan Boosaaso, kana mid ah ganacsatada ugu waaweyn, waxana uu leeyahay 12 doonyood oo kaluumaysi oo qaarkod uu soo kiraystay ,qaarna waxa uu la wadaagaa Niman reer Tailand ah, waxa uu si amaan ah doonyihiisu isaga gooshaan xeebaha Bari iyo waqooyi ee Somaliya ,budhcad badeedkuna midna iskuma taabto doonyihiisa, waayo waxa uu yahay kan ugu weyn ee fan gareeya hawl galadooda, taas oo uu ka helo 40 % (boqolkiiba afartan) madax furashada la bixiyo.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380
Warbixitaa oo nuxur ahaan mihiimadeedu sidan u qornayd, iyadoo carabi oo dhamaystiran, isla markaana ah Luqada carabiga
http://www.ahram.org.eg/304/2010/09/29/12/41139/219.aspx