Hargeysa (ANN) Wireyayaal ka socday warbaahinta caalamaiga ah oo qayb ka ahaa wefdiga deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee maalmahan ku sugnaa Somaliland  ayaa booqday xarumaha  Shirkadda Xawaaladda iyo Sarifka lacagaha ee Dahabshiil iyo qaybteeda

 Is-gaadhsiinta ee Somtel  xafiisyadooda ku yaala magaalada Hargeysa.
Wariyayaasha oo ka socday qaar ka mid ah warbaahinta ugu caansan dunida. sida  Telefiishannada Caalamiga ah ee Al-jaziira, CNN iyo BBC-da iyo kuwo, waxa xafiisyada xarumaha Shirakada Xawaalada ee Dahabshiil iyo xarunta Isgaadhsiinta ee Somtel kusoo dhoweeyay kale  Gudoomiye xigeenka  shirkaddaha  mataanaha ah ee Dahabshiil (Dahabshiil  grouop COE),  Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale  (Dahabshiil)  oo ay wehelinayaan saraakiil iyo hawlwadeeno  oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Shirkadaha Dahabshiil.

 


 
Sidoo Maareeyaha  guud ee Shirkadda Dahabshiil,   Maareeyaha Qaybta Xawaaladda iyo Sarifka Lacagaha Cabdiraxmaan Cali Cabi (Cabdi Faarax), Madaxa xidhiidhka dadweynaha  ee shirakadda Professor,  Xasan Maxameed Jaamac (Xasan Xiis) iyo  masuuliyiin kale  iyo saraakiil ka tirsan madaxda sare ee Somtel.
Wariya-yaasha caalamaiga ahi waxay ku soo horeeyeen qaybta Xawaaladda iyo Sarifka ee Gargaar waxaana halkaa  kusoo dhaweeyey Gudoomiye xigeenka  Shirkadaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale, isagoo  wafdiga Wariya-yaasha caalamiga ah ku siiyay halkaa  warbixino la xidhiidha hawlaha iyo adeega ay bulshada u qabtaan iyo maraxaladihii ay soo martay  Shirkaddaha Dahabshiil gaar ahaan qaybteeda Xawaaladda iyo Sarifka lacagaha, qaabka adeegu u socdo oo ay indhohooda ku arkeen mudadii ay ku sugnaayeen halkaa  iyo inta qaybood ee ay u kala shaqayso.
 
Warbixintaa iyo indha indhayntaa kadib, waxay  Wafdiga Wariya-yaasha caalamiga ahi codsadeen in lasoo tuso qaybta kale ee Shirkadda Is-gaadhsiinta ee Somtel si ay usoo indhi indheeyaan qaabka shaqo ee Shirkadda Somtel iyo inay ka helaan warbixino dheeraad ah guud ahaan Shirkaddaha mataanaha ah ee Dahabshiil, waxaana halkaa kusoo dhaweeyey gudoomiye xigeenka shirkada  Shirkaddaha Dahabshiil iyo saraakiisha kala duwan ee qaybaha Shirkaddahaa oo horkacayay weriyayaasha.
 

 


Wariyayaashaa ka socday warbaahinta caalamiga ah ayaa booqashadooda iyo xog ogaal u noqoshada hawlaha iyo adeegyada ay Bulshada u qabtaan shirkaddahaasi kusoo   gunaanaday kulan badhaalan oo lagu qabtay dabaqa sare ee Hoolka shirarka Shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel, iyadoo  Wariyayaashu halkaa ku waydiiyeen Gudoomiye xigeenka  Shirkada Dahabsiil Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale, su’aalo la xidhiidha aasaaskii shirakaddaha mataanaha ee Dahabshiil,  adeegayada ay qabtaan  iyo qorshayaasha mustaqbalkooda. Sidoo  kale waxay  wax ka waydiiyeen xaruntii ugu horeysay ee shirkaddaa laga hirgaliyey, wuxuuna Mr. Cabdirashiid sheegay  in shirkaddaha Dahabshiil la aas aasay muddo haatan laga joogo 40-sanadood ka hor.

 


 
Iyadoo xiligaa  meeshii ugu horeysay ee laga furay Dahashabiil ahayd magaalada Burco ee xarunta gobalkaTogdheer “Shirkadaha Dahasbiil waxaa la ‘aas aasay 40 sano ka hor, waxaanay shaqada Shirkaddu markii hore ku bilaabatay Dukaan weyn oo uu aababay ku lahaa magaalada Burco” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka  Shirkadaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid, sidoo kale waxa kamid ahaa su’aalihii ay wariyayaashu waydiiyeen inta dal ee ay ka shaqeeyaan,  ama ay xarumaha ku leeyihiin iyo sida ay lacagaha dadka ugu fududeeyaan marka ay eheladoodu uga soo diraan wadamada kala duwan ee daafaha caalamka.
Wuxuuna  sheegay inay shirkaddu leedahay qaybta Online-ka ee loogu talo galay inay dadka macaamiisha ah u fududeeyaan srecive-ka adeedyada ay shirkaddu qabato gaar ahaan dhinaca lagacagaha ay dadku iso soo dirayaan. Iyadoo  qoflka loo soo diray lacagta ee Dahabshiil loo soo dhigay uu ku helayo wax kayar 5-daqiiqo,  isla markaana ay gacan aamin ah ku jiraan lacagaha ay dadku dhiganayaan Baanka Dabahsiil.
 
Waxaa kale oo ay la waydiiyey “Imisa xarumood ayaad ku leediyiin Dalka Maraykanka oo aad lacagaha kasoo xawishaan, wuxuuna  ku jawaabay “Waxaanu ku leenahay 13-xarumood oo ku kala yaala 53 state ee dalka Maraykanku ka koobanyahay”
 
Waxaakale oo la waydiiyey su’aal ahayd “Wadamada Africa iyaga inay xafiisyo ku leeyihiin, wuxuu ku jawaabay “haa waanu ku leenahay waxaana ka mid ah wadamadaa aanu xafiisyada ku leenahay Itoobiya, Kenya,Tanzaniya,South Africa,Uganda iyo kuwo kale waxaanu intaa ku daray inay sidoo kale Shirkadda Xawaaladaha iyo Sarifka Lacagaha ee Dahabshiil xafiisyo ku yeelihiin  dhamaan wadamada Carabta oo dhan.
 
Mar la weydiiyay qaabka xidhiidhka iyo wada shaqaynta Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa UN-ta,  wuxuu  sheegay inay si fiican ula macaamilaan dhamaan Hay’adaha dalka jooga ee kala duwani,  isla markaana ay aaminsan yihiin shaqada fiican ee Baanka Dahabshiil lacagahoodana ay dhigtaan kana qaataan Baanka Shirkadda Dahabshiil.
 
Markaa  ka dib Gudoomiye xigeenka Shirkaddaha Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale waxa uu saxaafadda uga waramay nuxurka su’aalihii Wariyayaasha caalamiga ahi weydiiyeen  iyo jawaabihii uu ka bixiyey,  isaga oo arimahaa ka waramayana waxa uu yidhi “Sidaad la wada socotaan waxaa shalay halkan noogu yimid wufuuddii caalamiga ahaa ee dalka soo booqday maantana waxaa halkan noogu yimid wariyayaashii caalamiga ahaa ee ka kala socday warbaahinta caalamiga ah qaybaheeda kala duwan”ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid, wuxuuna xusay inay weriyayaashu warxbixino fiican oo ay xog ogaal ugu noqonayaan aasaaska iyo adeegyada shikaddaha kala duwan ee Dahabshiil.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *