Hargeysa(ANN) “Aids-ku waa Aafo  rabaani ah oo Caalamka iyo Aduunkaba ku cusub oo xal loo layahay,

wuxuu hayona Illaahay caafimaad ha ka siiyo, wixii kalena illaahay ha ka ilaaliyo. Laakiin waxa lama huraana oo looga baahan yahay inay dadku qaataan dariiqa nabadgelyada. Anagu xafiiska waanu ku cusubnahay oo mudo bil ah ayaanu joognay, mana jiraan wax aanu halkan ugu nimi oo macluumaad iyo xog rasmiya oo la raaci karaa, waxaanu la nimi anagoo maskaxda ku hayna keliya wixii aynu suuqa ku hayanay ee meelahaa ka maqli jiray. Shan agaasime ayuu xafiiskani lahaa (Comishanka Qaranka AIDS-ka), wuxuu u muuqday xafiisku mid layskaga shaqaysan jiray. Sidaa awgeed ma jirin warbixino la raaci karo oo aanu kula wareegnay xarunta, waxa yaalay 7 Computer oo wada fadhiya (shaqaynayn), mana jirin mid aanu ugu nimi shan sadarna ha noqotee ay wax ku qoran yihiin.” Sidaa waxa yidhi C/kariim Xinif oo ah Sarkaal ka tirsan Xafiiska Somaliland ee Komishanka Qaranka AIDS-ka oo waraysiyo shebekada Araweelonews qaaday iyo xog ururin ku saabsan xaalada waqtigan ee xanuunka HIV/AIDS-ka iyo heerka uu marayo wax lagaga weydiiyay.
Mr. Xinif waxa uu ka dayriyay khatar ka iman karta sida uu xanuunku ku fidayo oo lagu tilmaami karo mid xawli ah, balse aan si faacan looga war hayn, wuxuuna isagoo ka  jawaabaya su’aal ku saabsan waxyaabaha suurta gelinaya inuu xanuunkaasi ku fido Somalilnd iyo sababaha keenaya  inuu xawli ku socdo yidhi,      “Xaalada xanuunka AIDS-ka marka laga hadlayo Somaliland waa dal ay ku furan yihiin xuduudo badan. Sida Ethiopia, Djibouti, Somalia  iyo Kenya oo hada aad moodo in xidhiidhkeenu intii hore aad uga badan yahay. Waxaynu nahay dal xuduudiisu iska furantahay oo si sahlan loo soo gelikaro. Tusaale ahaan dhowaan ayaan Boorame tegey. Nin ka tirsan saraakiisha socdaalka oo aanu ku kulanay, wuxuu ii sheegay inay dadka kasoo talaabaya xuduudaha labada dale e Ethopia iyo Djibouti yihiin dadka ugu badan ee xanuunkaa sida, kuwaas sida uu sheegay markay celiyaan dib usoo gala iyagoo meel kale kasoo wareega, maadaama ay xuduuduhu iska furan yihiin.” 
Sidoo kale isagoo qiyaasta tirada ilaa hada la ogayhay ee la hayo haddii ay jirto,  doorka Komishan ahaan iyo wacyigelinta dhinaca Bulshada oo uu sheegay in anay gebi ahaanba jirin, taas oo uu sabab uga dhigay in aanay jirin istiraatiijiyad ku wajahnayd ka hortaga khatartaa oo Komishankii hore iyo xukuumadii ka horaysay samaysay, isla markaana dhaqaalaha  ay deeq bixiyayaashu ku bixiyeen aanay ahayn kuwo sidii loo baahnaa loo fuliyay, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya  yidhi,  “Gobolada Hargeysa, Boorama iyo Berbera intaba waa lagu baadhaa xanuunkaa (HIV/AIDS), oo qalab fiican ayaa yaala, wuuna jiraa xanuunku halistiisuna way muuqataa oo inta laga warqabo qiyaastii 1-2% ayuu ku wareegayaa. Sidoo kale waxa jirta warbixin kale oo sheegay qiyaas ah 1.8%-1.7%. laakiin ma jirto warbixin dhab ah oo lagu salayn karo heerka uu marayo xanuunku maadaama aan lahayn tirada saxda ah ee tirada gobol kasta ku nool oo sax ah iyo inta xanuunkaa qabta, waxaanse rajaynayaa inaanu tirakoob rasmi ah soo saaro dhowaan warbixin dhamaystiran diyaarino oo dhowaan soo bandhigno.
 Dhinaca wacyigelinta waxaan qabaa inay wacyigelintu ay aad u hoosaysay, ama aanay jirinba, taasina ay keentay inuu xanuunku kor usii kaco, waxay ahayd Komishanka xakamaynta qaranka ee AIDS-ka ayaa loo baahnaa inuu hago siyaasada qaranka ee AIDS-ka, taasina waxaad moodaa inaanay jirin. Anaguna waanu ku cusubnahay xafiiska, xukuumadanina waa mid cusub, waxa ilaa hada jira oo aanu meesha ugu nimi Local NGOs iyo Hay’ado caalami ah ayaa toos u macaamila, wixii wacyigelin ah iyo lacag ah ee hawlahaa lagu qaban lahaa iyaga ayaa ka wada xidhiidha. Sidaa awgeed ma jirto cid dabagal ku samaysay NGOs-ka iyo inay mashaariicdii dhinaca wacyigelinta iyo xakamaynta HIV/ADIS-ku sidii loo baahnaa u fuleen. Waana waxyaabaha loo baahanyahay in wax laga qabto si aanu u ogaano dhaqaalaha lagu bixinayo mashaariicda noocaa ah ee wacyigelinta iyo waxyaabaha la midka ah oo aanu u dhaxayno Hay’adihii iyo NGO-yada maxaliga ah.” Ayuu yidhi Mr. C/kariim Xinif.
Mar la weydiiyay inay mudadii ay joogeen xafiiska wax xidhiidh ah la sameeyeen Ha’yadaha iyo Ururada ka hawlgala AIDS-ka iyo inuu jiro qorshe iyo siyaadad cad oo uga meel taal Komishanaka cusub xakamaynta Aafada xanuunkaa, waxa uu yidhi,    “Hada mudadii aanu xafiiska joognay waanu u yeedhnay NGO-yadaa welina noomay iman, sababtoo ah waxay ogyihiin inaanay jirin wax nagaga xidhani, waxaana loo baahanyahay in arrintaa dariiqeedii lagu soo celiyo oo masuuliyidii Komishanka qaranka ee AIDS-ka loo sameeyay uu toos u yeesho. Marka laga hadlayo suurta galnimada in hoos loo dhigo garaafka xanuunkaa aafada ah iyo kor u kiciisu, waa mid ku xidhan hadba sida loo waajaho ee wacyigelin loogu sameeyo, waxaanuna qorshahayaga komishan ahaan shanta sanandood u gudbinay Xukuumada Somaliland, taas oo ay hada gacanta ku hayso wasaaradda Qorshaynta qaranku.”
Dhinaca kale Agaasimaha Dalada ugu weyn ee wacyigelinta xanuunka HIV/AIDS, Mr. Anwar C/raxmaan Warsame oo aanu kula kulanay xafiiskiisa ayaanu wax ka weydiinay hawlaha Ururkoodu ka qabto dhinaca wacyigelinta,  tirada rasmiga ah ee xanuunkaa inta uu marayo, inay jiraan astaamo muujinaya inuu kor u socdo, ama hoos u dhacay sanadii u danbeeyay,  doorka ay ka qaataan hawlaha xakamaynta xanuunkaa, tirada dadka ilaa hada la nool xanuunka ee la ogyahay iyo sabata  aanay sanadii u danbeeyay u  muuqan talaabooyin dhinaca wacyigelinta oo ku wajahan halistaa in looga digo Bulshada. 
Hase yeeshee Agaasimaha Dallada SAHAN, wuxuu maraka hore si kooban warbixin uga bixiyay xiligii la aasaasay dallada iyo ujeedada laga lahaa, isagoo yidhi, “sanadkii 2003, ayaa la aasaasay dalada, ujeedada loo aasaasayna waxay ahayd. Sidii loo heli lahaa tayada ururada Bulshada ee dhinaca wacyigelinta ku wajahan HIV/AIDS-ka, waxayna daladu soo martay marxalado kala duwan, marka laga soo bilaabo 1994, waxa lagu jiray marxalad dafiraad ah(Dinned stage)  oo ay Bulshadu xanuunka dafirsanayd, iyagoo u haystay inuu yahay wax aan jirin oo gaalada, ama dadka cadaanku iska samaysteen. Laakiin taa waa laga soo gubay, kadib markii aanu samaynay wacyigelin  fara badan, isla markaana aanu fagaarayaasha soo joojinay dad la nool xanuunkii oo qiranaya. Anaga hawshayadu waa mid ku kooban wacyigelin, balse SAHAN, ahaan waxaanu ka koobanahay ilaa 100 Urur, kuwaas oo xafiisyo ku leh gobolada Dalka, waxaana jira kuwo anaga naga mid ah oo iyagu aan ku koobanayn wacyigelinta oo qudha, balse xanaaneeya oo haya dadka la Nool xanuunka, kuwaas oo tiro ahaan gaadhaya 300 (sadex Boqol) oo Qof. Tiradani maaha inata qabta xanuunka AIDS-ka ee uu asiibay, balse waa inta qirsan ee soo baxday. Laakiin waxa waxa hubaal ah inay ka badan yihiin inta aan qiran ee qabta xanuunka, taasina waxay noqonaysaa wejigabax nagaga yimi dhinaca Bulshada, sababtoo ah, waxa kala duwan sida ay Hay’aduhu doonayaan in wax loogu qabto dadkaa iyo sida aynu doonayno in wax loogu qabto ayuu yidhi Mr. Anawar
Wuxuuna isagoo sababta aanay dadku ugu dhiiranayn inay mudada uu xanuunku ku cusb yahay iyo marka danbeba soo baxaan oo qirtaan yidhi, “mushkiladu waxa weeye markay arkaan kuwii xanuunka qirtay oo aan nolol fiican iyo daryeel haysan, wuxuu qofku odhanayaa Bulshada hayska saarin. Hay’adaha qaramada midoobay ee hawlahaa ka shaqeeya iyo kuwa caawimooyinka bixiyaana waxay culayska saaraan oo keliya dhinaca wacyigelinta Bulshada. Lamana odhan karo waxba lama qaban ee anaga oo Komishanka qaranka kaashanayna, waxaan qabaa inaanu wax badan qabanay, sababtoo ah maanta Bulshada Somaliland oo lagu qiyaaso 3.5Milyan,  waxaan qabaa inay wada yiqiinsan yihiin jiritaanka xanuunka, taas ayaana aan u arkaa inay tahay guul weyn, balse mushkilada weli taagan ee noogu adag oo meelna  ka dhaafi weynay  waa takoorida iyo faquuquda, (stigma and Discriminations), sababtoo ah marka qofkii la sheybaaro ee xanuunkii laga helo, waxa u horeeya ee faquuqaya, ama takoorayaa waa qoyskii, maxaad u malaynay qof qoyskii uu kasoo jeeday takooray,  Bulshadiina maxaad ka filaysaa, waana sababta keenay in kii xanuunka qabay ee sheegi lahaa, ama is keeni lahaa uu la dhuumanayo, sababta ugu weynina  markii aanu baadhnay  waxa weeye bulshada oo aan aqoon ka haysan hababka xanuunka HIV/AIDS u fidayo. Sidaa waxa yidhi Agaasimaha dallada SAHAN oo sharaxaad ka bixinayay mushkiladaha hor taagan inay dadku fahmaan xanuunka iyo jiritaanka fekerka ay ka qabaan sida uu ku fido oo dhiiri gelisay inaanay is baadhin dadku si madax banaan, ama ay qarsadaan kuwa ogaaday inay qabaan xanuunka.   
Hase yeshee wuxu sheegay iyadoo aanay suurta gelin in la sameeyo baadhitaan sax ah oo lagu ogaanayo heerka tirada rasmiga ah ee uu marayo xanuunku, sababaha aqoon la’aanta iyo fekerka khaldan ee dadku ka haystaan awgood. Sidaa awgeed tirada qiyaasta ee la hayaa ay tahay mid laga helay goobaha caafimaadka ee Hooyada iyo dhalaanka MCH-yada, maadaama ay Hooyaddu tahay  qiyaasta saddex qof oo bulshada ka mid ah, oo ay mar tahay Hooyadii, marna ilamaha ay sido iyo Ninkeeda sidaana tusaale ay ugu noqon karto  hooyada keliyi sadex qof oo bulshada ka mid ah, waana qiyaasta keliya ee la hayo halka laga keenay.   Sidaa awgeed sanbalkii la qaaday 2004, waxa lagu qiyaasay inuu xanuunka HIV/AIDS, Somaliland ka marayay 1.4%, kaas oo ay si wada jir ah isaga kaashadeen WHO iyo xukuumada Somaliland, mar kale ayaa la qaaday 2007, waxayna natiijada qiyaastii noqotay 1.7%, waana qiyaastii ugu danbaysay ee la hayay, taas oo muujinay inuu kor u kacay, wayana jirtaa mid kale oo la sameeyay, balse aan weli lamasoo saarin, taas oo aan filayo inay komishanka cusub iyo xukuumadu dhowaan soo saarayaan, Ayuu yidhi, Agaasimaha dalada SAHAN, Mr. Anwar  qaadeen.
Waxa uu sheegay inay meelo cayiman oo ay u arkeen inay khatar dhinaca fidista xanuunku ka iman karto, wuxuuna goobahaa ay ahmiyada siiyaan inay wacyi gelinta dareewaliinta  gaadiidka waaweyn, Dumarka Balwadaha leh,  dhalinayarada iyo ciidamada xuduudaha dalka  jooga,  sida Lawyacado, Wajaale iyo Laascaanood, kuwaas la siiyo wacyi gelin laga siiyo xanuunka iyo khatartiisa, tusaale ahaan gaadiidka isaga goosha Ethopia iyo Somaliland, kuwaas oo sida uu xusay ay wacyi gelintaa uga bilaabeen magaalada Berbera oo ah, halka ay badeecadaha kasoo qaadeen.
Mar uu ka jawaabayay sida ay wax uga jiraan xogo sheegayay inay dareewalintii gaadiidka waaweyn ee mashruucii Shiniile ee bilaabay horaantii 2000,  oo daabuli jiray Raashinkaasi inta badan u geeriyoodeen xanuunkaa HIV/AIDS, wuxuuna isagoo taa ka jawaabaya yidhi, “waqtigii 2007, waxaanu samaynay daraasad, waxaanu ku ogaanay meelaha khatarta ugu badani ka jirtaa yihiin meelaha xuduudaha u dhow  iyo magaalada Berbera, taas oo aanu natiijadii ku ogaanay inay dareewaliin badan oo waqtigii shiniile gaadiidka u baxayay dhinaca Ethiopia  waday   ay u dhinteen xanuunkaa HIV/AIDS-ka, ama qaarkood la ildaran yihiin. Waana ta nagau kaliftay inaanu wacyigelin xoog ah samayno sanadihii 2007, 2008, 2009, anagoo goobahaa bartilmaameedsanay.”
Agaasimiha dalada SAHAN, isagoo ka jawaabaya  khatarta fiditaanka xanuunkaa inaanay waxba ka bedelin dedaalka waciyeginta ay sameeyeen, maadaama tirada qiyaastu kor u socoto, inay arrintaa sabab u tahay iyadoo aanay bulshadu helin wacyigelin ku filan, wuxuu Yidhi, “waa run oo xaqiiqda wacyigelinta aanu samaynaa ma wada gaadho gobolada oo dhan, sababtoo ah waxaanu nahay Ururka keliya ee u qaabilsan xanuunka HIV/AIDS, iyadoo ay in ka badan 2000, urur ka diiwaan gashan yihiin Wasaaradda qorshaynta qaranka, markaa anaga iyo talo wadaag  mooyee waxa kale waxay ka shaqeeyaan mashaariicda horumarinta, markaa waan odhan karaa wacyigelintii loo baahnaa lama samayn oo may wada gaadhin dalka.”
Sidoo kale Mr. Anwar waxa uu  cabsho ka muujiyay qaabka ay Ha’yadaha qramada midoobay u maamulaan dhaqaaalaha laga soo qaado deeq bixiyayaasha, isagoo qiray inay jirto mushkilad dhaqaale la’aan oo iyana ka mid ah sababaha xanuunku u fidayo, maadaama mashaariicdii dhawrka (Global fun) ee shanta sanadood oo  qorshuhu ahaa 25Milyan dolar  Somaliland iyo Somalia ay waxa soo gaadhay dhibic yar ka yihiin lacagtaa oo lagu fulin lahaa barnaamijyo wacyigelineed.
Mar uu ka jawaabayay sida uu u arko isbedelka dalka ka dhacay, qaabka ay u macaamilayaan Komishanka Qaranka ee  cusub iyo rajada uu ka qabo inay cabashooyinka dhinaca macaamilka iyo musuqmaasuqa ee Ha’yadaha wax iska bedelaan, waxa uu yidhi,  “komishankii hore kama cabanayno oo si fiican ayay noola shaqeeyeen, komishanka cusubna waxaanu samaynay inaanu xidhiidh la yeelano, inkasta oo ay shqada ku cusub yihiin, hadana wada shaqayn ayaanu yeelanay.  Dawlada  cusubna waxaan ka rajaynaynaa inay si toos ah ula xisaabtanto, taas ooh ore looga gaabiyay, iyadoo aanay lacagtaas dadka wax loogu qaban lahaa soo wada gaadhin dalka, markaa waxaan ka filaynaa dawlada cusub inay talaabo horleh  ka qaado sidii loola xisaabtami lahaa deeqaha loosoo qorsheeyo Somaliland, ma ku baxaan sidii loogu talo galay, mise waxay noqdaan wax lumay.” Ayuu yidhi Mr. Anwar. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *