Muqdisho(ANN)Doorashada Madaxweynaha Somalia, ayaa gashay wareegii u danbeeyay kadib markii  la galay wareegii labaad, taas oo keentay   codadkii la tiriyay uu hogaaminayo  Xasan Sheekh oo dhaafay Madaxweynihii dawlada ku meelgaadhka ah Sheekh Shariif Sh. Axmed. Daqiiqado ka hor ayay

Wareeggii koowaad ayaa lagu kala bixi waayay. Waxaa loo gudbay  wareegga labaad, kaas oo wararka hordhaca ah sheegayaan inuu Xasan ku guulaystay 190 cod, halka Sheekh Shariif helay 71 xildhibaan  sidaana waxa Madaxweynaha Somalia ku noqday Xasan Sheekh oo ahaa aqoonyahan aan hore ugu jirin siyaasada oo si lama filaana ugu guulaystay doorashada ayaa   kasoo shaqeeyay dhinaca Waxbarashada iyo tacliinta. sidoo kale wuxuu kasoo shaqeeyay Ururada Bulshada iyo Hay’addaha caalamiga ah.

iyo Xasan Shiikh Maxamuud. Cabdi wali Gaas iyo Cabdulqaadir Cosoble ayaa ka baxay.

Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay codadka la kala helay.

Wareegga labaad waxaa u gudbaya afar mudane oo kala ah:

Shariif Shiikh Axmed 64 Cod

Xasan Shiikh Maxamuud 60 Cod

Waxaa ka baxay tartanka Cabdiwali Maxamed Cali oo heystay 30 Cod iyo Cabdulqaadir Cosoble Cali oo heystay 27 Cod

Doorashada ayaa bilaabantay in la tiriyo tirada wareegii hore oo ay tartamayaan 21 musharax. kadib markii 4 musharax ka tanaasuleen tartanka doorashada ka hor waxyar.
Doorashada oo weli  si toos ah uga socota  Dugisiga Tababarka Jeneral Kaahiye ee magaalada Muqdisho, waxaana qudbad qiimo leh ka hor furitaanka doorashada ka jeediyay gudoomiye Jawaari oo sheegay in  fadhiga uu furan yahay. iyadoo ay madasha kasoo xaadireen 271 mudane, isla markaana maanta loo ogolaaday inay Baarlamaanka galaan hogaamiye kooxeedyadii loo diidanaa inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee Somalia.
hase yeeshee wareegii hore markii la tiriyay waxa codadka ugu badan helay Sheekh Shariif oo haysta, balse sanduuq danbe oo la furay ayaa keenay in Xasan Sheekh ka hormaro tirada sheekh Shariif haystay , balse weli waxa loo gudbayaa wareegii labaad.
Gudoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliya mudane Max’ed Cusmaan Jawaari ayaa balanqaaday inay doorashadu u dhici doonto si cadaalad ah mudanayaasha baarlamaanka waxaa uu kula dardaarmay in si cadaalada ah oo ka turjumeysa maslaxadda dalka iyo dadka Soomaaliya u doortaan hogaanka dalka.
Goobta doorashada ayaa amaankeeda aad loo adkeeyay, waxaana goob joog ka ah dublamaasiyiin iyo wakiilo ka socda beesha caalamka iyo haya’addo caalami ah.
Dhinaca kale Maamulka Puntland ayaa sheegay inay go’aan ka qaadanayaan haddii ay halkaa kasoo baxaan wax aan qancin.

la soco wararka natiijada doorashada

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *