Muqdisho(ANN)Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu yahay Xasan Shiikh Maxamuud kadib markii uu ku guuleeystay tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ka socday magaalada Muqdisho maanta. kadibna lasoo


geba-gebeeyay caweyskii caawa. Doorashada oo ahayd  mid tartan adag dhexmaray musharixiinta, balse  waxaa kaga guuleeystay wareeggii ugu dambeeyay   Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed. Madaxweynaha la doortay Xasan Shiikh Maxamuud oo  helay 190 cod, halka Shariif Shiikh Axmed uu ka helay 79.

Wareegii  labaad waxaa u soo gudbay Shariif Shiikh Xasan, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Xasan Sheekh  Maxamuud iyo Cabdiwali Maxamed Cali. Laakiin waxaa ka tannaasulay intii aan la gelin wareegga labaad oo ka baxay tartanka Cabdiwali Maxamed Cali oo heystay 30 Cod iyo Cabdulqaadir Cosoble Cali oo heystay 27 Cod, taas oo sababtay inay wareegga u dambeeya u tartamaan labada musharrax ee kala ah Shariif Sheekh Axmed, oo heystay 64 Cod iyo Xasan Shiikh Maxamuud oo heystay 60 Cod
Wareeggii koowaad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lagu kala bixi waayay tartanka waxaana ay musharraxiintu kala heleen codadkan:

1. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyoow – 21
2. Cabdiwaaxid Cilmi Cumar Goonjeex – 30
3. Cadbullaahi Axmed Caddoow – 24
4. Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas – 30
5. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo – 14
6. Axmed Ismaaciil Samatar -8
7. Xasan Shiikh Maxamuud – 60
8. Shariif Shiikh Axmed -64
9. Yusuf Garaad Cumar -8
10. Cumar Salaad Cilmi -2
11. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi – 0
12. Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin -2
13. Cabdulqaadir Cosoble Cali -27
14. Maxamed Axmed Saalax -0
15. Salaad Cali Jeelle -0
16. Ibraahim Cali Xuseen -0
17. Saciid Ciise Maxamuud -1
18. Cismaan Maxamed Gacal -1
19. Maxamed Cabdullaahi Oomaar -1
20. Maxamed Cabdiweli Shiikh Yusuf
21. Maslax Maxamed Siyaad Bare -0
22. Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi – 1
Doorashada ayaa noqotay mid si weyn usoo jidata inadhaha iyo dhegaha bulshada caalamka, maadaama ay ahayd doorashii u horaysay ee si toos ah ay Baarlamaan Somalia u doortaan mudo ka badan afartan sanood. dada badan ayaa saadaalinayay inuu guulaysan doono Sheekh Shariif oo ahaa madaxweynaha ku meelgaadhka ah. laakiin waxay si weyn xaaladu isu bedeshay kadib markii wareegii  koobaad dhamaaday laba ka  mid ah musharixiinta usoo gudbay wareega labaad ee doorashadam, kuwaas oo la rumaysan yahay inay sabab u ahaayeen guusha lama filaanka ah ee Madaxweynaha cusub ee Somalia.

Xasan Sh. Maxamuud oo ah ninka  hada ku guulaystay Madaxweynaha somaliya ayaa ah nin  mudo dheerna ka soo shaqaynayay Hay’ada Caalamiga ah iyo kuwa muxaliga ah ee somaliya , isla markaana bare ka soo noqday Jaamacad ku taala muqdisho.

Waxa uu dhashay sanadkii  1955, waxaanu ku soo bar-baaray Magaalada Muqdisho oo uu ku soo qaatay guud ahaan aqoontiisii kala duwanayd ee Waxbarashada hoose ilaa heer Jaamacadeed, ka hor intii aanu waxbarasho u tegin dalka India   oo  uu kasoo qaatay shahaado jaamacadeed.

Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Maxamuud waxa uu mar uu ka hadlay  cida uu xilka raysala wasaare u qaadan doono  Maxamed Cabdilahi Farmaajo oo ah Nin kalsooni badan ka haysta shacbiga somalida, isla markaana kaalin muhiim ah ka soo qaatay iebedelka siyaasadeed ee somaliya ka dhacay labadii sanadood ee ugu dambeeyay.

Afka Ingiriisiga iyo Soamliya

Sanadkii 2011ka ayuu aasaasay Ururka NABAD IYO HORUMARINTA ee uu tartanka ku galay, waxaanu si aan muuqan uga mid ahaa 25 musharax oo isu soo taagay Madaxweynimada somaliya, taasoo hada dhalin doonta arin lama filaan ah iyo waji siyaasadeed oo lama filaan ah.

Ninka uu sheegay inuu Raysal-wasaare u dooran doono ee Maxamed Farmaajo ayaa  Xaga Internet-ka marka la eego Bogaga warbaahinta afka sopmaliga ku warama meelo ay u sameeyeen in dadku ugu kala codeeyaan musharixiinta tartamaysa, isaugu ugu horeeya , kaasoo dad badani aaminsanaayeen inuu noqoqnayo madaxweynaha cusub ee Somaliya.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *