Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa shalay ka hadlay mawqifkiisa ku waajahan furashada ururrada siyaasadda, gobollada iyo degmooyinka cusub ee la magacaacay xilligii madaxaweyne Rayaale, isaga oo carrabka ku dhuftay in Buuhoodle tahay

 

magaalo calamo badan ka taagan yihiin.

Dr. Gabboose oo shalay hortagay Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu sheegay in haddii la iskun dayo in la tirtiro gobol ama degmo la magacaabay ay dhici karto in mushkilad nabadgelyo-darro ka abuuranto, isaga oo xusay in wakiillada looga baahan yahay samaynta shuruucda lagu maamulayo gobolada iyo degmooyinka.

“Arrinta gobollada iyo degmooinka cusub, waxa uu sharciga dalku qorayaa in wax darajooyin la yidhaa jiraan oo baahi daraasad dheer kadib soo saarta meeshii degmo u qalanta iyo meesha kale, taas oo loo eegayo baaxada dadka degen, dhaqaalaha ay isku soo saarayso. Degmooyinkaa cusub amma gobolladaas cusub ee soo kordhaya waxay ahayd haddii dalku sharci ku dhisan yahay in la mariyo sharcigaas oo aad idinku noqotaan gobolka soo kordhaya kuwo sharcigiisa sameeya, ileyn marka uu gobol soo kordho ee uu shuruudihii sharciga ah buuxiyo, waxa uu yeelanayaa xuquuqdiisa aasaasiga ah. Badhsaab buu yeelanayaa, maamulbuu yeelanayaa, awoodbuu yeelanayaa, miisaaniyaddan aad ka hadlaysaan ayaa khasab ku noqonaysa inaad ku dartaan.

Waa la magacaabay (gobollada iyo degmooyinka), wax tegayna ka hadli maayo, khalad dhacayna ka hadli maayo, waxaynu nahay bulsho qabaliya. Markii meel la magacaabo waxa dhici karta in reer isku arko in degmadaa iyaga loo magacaabay, haddaad tidhaahdid gobolkaa waan tirtiray, degmadaasna waan tirtiray waxa dhici karta inaad mashaakil bulsho, mashaakil nabadgelyo iyo mashaakil u xilsaarnayd wasaarad ahaan inaad xalliso kala kulanto. Annagu idinkama lihin sharciyeyna iyo kala xadaynta gobollada.

Waxaynu nahay mid keliya oo saddexda gole u shaqaynayaan, qarankana wuxuu ku soconaayaa halkanna laga curinayaa, annaguse waxaannu nahay fulin. Markaa maadaama oo duruuftaasi jirto, Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxa ka go’an wax alle wixii itaalkeeda ah inay la qabato mar haddii Badhasaabkii iyo Maayirkiiba loo magacaabay, macnaheeduna waxa weeye waa gobol jira, talo guud oo laga wada leeyahay mooyaane annaga qorshaha nooguma jirto inaanu ka saarno degmanimada iyo gobolnimada,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka hadlayey furashadda ururada siyaasadda, waxa uu yidhi; “Ururka QARAN iyo ururka SAHAN labada guddoomiyaan u ahaa, laakiin labadu way kala duwanaayeen aragtida aan ku kala halgamayey.Ururka SAHAN asxaaba la filayey inay soo baxaan, markaa waxaannu is lahayn xisbi noqda xeerkeenuna waxa uu qarayaa shan sanno lagu dhammeeyo, sidaanu annagu fahanay khalad iyo sax midkay ahaydba.

Ururka QARAN wuxuu u dhashay in uu u dagaallamo in ururrada la furo oo uu muwaaddinku yeesho albaabka uu doono in uu siyaasadda ka galo oo firkirka khaldan ee ah qabaa’ilbaa loo kala baxayaa, dimuqraadiyaddeennu waxay ku dhisan tahay sal ballaadhan oo dawladaha hoose ah iyo dusha oo la yareeyey oo qabaa’il qabaa’il loogu kala bixiyey, sidaa awgeed xisbigii aaminsanaa fikirkaa (KULMIYE) ee nala qaatay ayaanu ka mid noqonay oo aannu la ololaynay, tuulo kasta iyo shacabigii meelkasta oo uu joogo ayaanu ku ololaynay, haddaanu KULMIYE nahay oo aannu xukunka qabanay in ururrada la furayo, sidoo kale ururrada madaxweynuhu ma furo, balse aragtidiisa siyaasadeed ee uu qabo ayaa ah waxaannu yidhi markii aannu KULMIYE joognay, markii uu ololaha ku jiray ururrada waa la furayaa.”

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabbooseoo ka hadlayey dhibaatada ka taagan deegaannada Kalshaale, waxa uu sheegay in lagu guddo jiro xallinta dhibaatada deegaannadaas ka tagaan, isaga oo carrabka ku dhuftay in magaalada Buuhoodle ay ka taagan yihiin calamada Somaliland, Soomaaliya iyo Puntland.

“Waxaan jeclahay in aan u kala duwo midabka Balli Cigaal iyo Kalshaale. Balli Cigaal laba beelood baa degaan isku diidanaa, Kalshaale way ka baaxad weyn tahay arrintan, waxaan doonaya inaan kuu sheego Wasiirkii Arrimaha Gudaha anigoo ah oo golihii sharafta lahaa hortaagan oo aan jeclayn inaan wax been ah sheego; Buuhoodle waxa ka taagan calamada Somaliland, ka Puntland iyo calanka Soomaliweyn.

Waxa weeyaan haddii mashaakil kula kulmo aad dariiiqyada xalka kala dooratid, waxaannu dooranay kan ummadda, shacbiga, madax-dhaqameedkooda iyo qurbo-jooggooda in aannu kuwaa is af-garano,” ayuu yidhi Dr. Gabboose.

Dhinaca kale Dr. Gaboose  oo qadar dhawr saacadood ah qudbad ka akhriyay fadhigii gollaha wakiilada Somaliland ee shalay, waxa arrimaha uu ka hadlay ka mid ahaa dadka ajaanibka ah eek u sugan Somaliland iyo inay jirto siyaasad ay wasaaraddu ka leedahay, maadaama ay dhowaan jireen shirar arrimahaa ku saabsan oo ay Hay’addaha qaabilsan qoxootiga iyo Xukuumadda Somaliland kaga wada hadleen, wuxuuna xusay inay dadka ajaanibka eek u sugan dalku culays ku hayaan, kuwaas oo sida uu sheegay aan la ogayn inta ay yihiin. Sidaa awgeed ay wadaan qorshe lagu habaynayo dadkaa, maadaama aanay Somaliland qaadi Karin qoxooti, isla markaana ay cabsi ku hayaan xaalada nolosha,  Caafimaadka iyo nabadgelyada Somaliland.

Warbixin dheer ka dib waxay mudanayaashu weydiiyeen wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Dr. Gaboose su’aalo la xidhiidha hawlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo qorshayaasha ay ummada usoo wadaan. Laakiin Dr. Gaboose oo inta baddan waqtiga ku lumiyay warbixin dhinacyo baddan taabanay oo uu gollaha ka jeediyay, isla markaana u muuqday abwaan masarax taagan oo soo bandhigay riwaayad ayaa inta baddan ka jawaabay su,aalaha la weydiiyay, isagoo dhoola cadaynaya.  

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *