Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa mar kale ku celiyey inay dawladdiisu degdeg xafiis dibulmaasiyadeed uga furanayso caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Sidaa waxa warbaahinta u xaqiijiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan

Maxamed Cabdillaahi oo saxaafadda ugu waramayey shalay madaarka Hargeysa kadib markii uu ka soo laabtay shir caalami ah oo uu kaga qaybgalay dalka Djibouti.

“Madaxweynaha waddanka Djibouti oo runtii isna ii xaqiijiyey xafiiskii Jabuuti ee Somaliland dhawaan la furi doono sida ugu dhakhsaha badan leh, xafiiskeeniina waan soo eegay oo wuu dhan yahay, meel safaaraduhu degan yihiina waa laga sameeyey, waxaannan filayaa in dhawaan la furo.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo saxaafadda ugu waramayey shalay madaarka Hargeysa kadib markii uu ka soo laabtay shir caalami ah oo uu kaga qaybgalay dalka Jabuuti.
Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka dalka Djibouti, isla markaana kala hadlay sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Djibouti.
Waxa kale oo Guddoomiyuhu ka xog-waramay shirka ka dhacay Jabuuti oo ay ka qaybgaleen 50 dal  oo ay ka mid tahay Somaliland, iyadoo  si rasmi ah loogu martiqaaday.
“Waxaan ka imi magaalada Djibouti shir ka socday oo uu qaybanqaabiyey isbahaysa ilaa 50 waddan ka kooban ilaa 25 ka mid ah oo Afrikaan ah ayaa ka soo qaybgalay kulankaas oo saddex maalmood socday. Somaliland maalin baa la siiyey inay hadasho, waanan hadlay oo taariikhda Somaliland, waxay qabsatay iyo doorka ay ku leedahay nabadda Geeska Afrika ayaan kaga hadlay,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *