Burco(ANN)Wasiirka xannaanadda Xoollaha iyo Horumarinta Deegaanka Somaliland Dr. Cabdi Aw- Daahir Cali, ayaa sheegay in Somaliland aanay u dulqaadan doonin gardarada kooxaha is-barkan ee nabadiidka xidhiidhka la leh Al-shabaab iyo Maamulka Majeerteeniya ee Puntland.

 

 

Dr. Cabdi Aw Daahir wuxuu sidaa ka sheegay mar uu maalintii shalay kula hadlay saxaafada. Kadib kulan ay wefdi uu hogaaminayo oo ka tirsan xukuumaddu  kula yeesheen xarunta gobolka  Togdheer ee magaalada Burco Odayaasha iyo wax garadka. 
Wuxuuna Mar uu ka hadlayay xaalada deegaanka Buuhoodle ee Kalshaale iyo arrimaha dhowaan ka dhacay yidhi,  “Shacabka reer Buhoodle waa Somaliland oo waa shacabkayagii waxanuna u diiraynaa baaq nabadeed, balse dadka deegaanada colaadaha ka horinaya ee shacabka aan u danaynayn SSC ha noqdeen Puntland ha noqdeene’e iyo cidii kale ee colaadaha qayb ka ahba u dulqaadan mayno,”ayuu yidhi Wasiirka Xooluhu waxaanu baaq u soo jeediyay labadii beelood ee markii hore ay shaqaaqooyinku ku dhex mareen deegaanka Kalshaale ee u dhaxeeya Degmooyinka Buuhoodle iyo Qori-lugud,isagoo arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi,  “Beelaha deegaanaddaa ee shaqaaqadu dhex-martayna waxaanu u soo jeedinaynaa inay arrimaha nabad iyo wada hadal ku dhamaystaan, magahoodi iyo dhawac-yadoodiina ay u kala gurtaan sidii loogu gar- naqay.anaga dhinacayaga ka Xukuumad ahaana waxa naga go’aan in sidii aanu ku dhawaqnay la aaso Baragihii Kalshaalle, codkayaguna waa mid nabadeed.”

“Difaaca dalka iyo sugida xudduuduhu waa mid dastuuriya in xudduudaha la wada gaadhana waa mid mar walba qorshaha ugu jiirtay Xukuumaddihii dalka soo maray,  midba waxay ku dartayba,”ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir, oo shalay  u waramayay saxaafadda isagoo hogaaminaya wefdi Xukuumadda ka tirsan oo socdaal hawleed ku tegey gobolka Togdheer .
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
Info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *