Ethiopia(ANN) Dawladaha  Ethiopia  iyo Somaliland ayaa isku dayaya inay Midowga yurub  (EU)-da ka helaan  dhaqaale lagu dhiso  jidka isku xidha magaalada xadka ku taalla Wajaalle iyo Dekada Berbera ee Somaliland.Sidaasi waxa faafiyay

Website-ka dawlada Ethiopia ee Walta Information Center, waxaana lagu sheegay haddii dhaqaalahaa ay helaan labada dawladood waxay  ku dhisayaan jid dherarkiisu yahay 245 Km,  mashruuca la magac baxay Berbera corridor. Waxay  dawlada Ethiopia  ee aan dalkeedu badda lahayn ku doonaysa inuu  u fududeeyo  sidii ay u  isticmaali lahayd marsadda magaalada Berbera, oo ay xiligan ka soo dejiso oo qudha raashinka  gargaarka ah ee ay ugu deeqaan Ha’yadaha qaramada midoobay.
Sidoo kale, waxa uu sii xoojinayaa xidhiidhka ganacsi ee ka dhaxeeya dalalka Ethiopia iyo Somaliland oo  waqtigan uu ka dhaxeeyo xidhiidh adag oo ku wajahan dhinacyada nabadgelyada iyo ganacsiga.
Mashruuca Corridor ayaa mudo dhawr sannadood ah ay labada dhinac ee Somaliland iyo Ethiopia qorshaynayeen, balse waxa hortaagnaa arrimo dhaqaalle oo lagu fuliyo mashruucaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *