New York (ANN) Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay  maanta ayaa lagu sheegay  inay Lix wadan oo Afrikaan ah Ciidamadoodu ka qayb qaateen dagaalo intii u dhaxaysay 1993-2003, ka socday Jamhuuriyada Dumuqraadiga ah ee Koongo, warbixinta oo lagu xusay

 in ciidamada wadamadaa ka joogay halkaa ee loo qorsheeyay nabad ilaalintu ay geysteen xasuuq, kufsi iyo Boob, kuwaas oo u kala hiiliyay dhinacyadii qowmiyadaha ee colaadu u dhaxaysay.
Dalalka warbixinta qaramada midoobay siga gaarka ah farta ugu fiiqday waxa ka mid ah Yugaanda Iyo Rawaanda oo door mihiim ah ku lahaa hawlaha nabad ilaalinta ee gobolka, kuwaas oo sida warbixinta lagu sheegay xiligii ay socdeen dagaalada Koongo Ciidamadoodu kumanaan qof oo kasoo jeeda qowmiyada  Huutuuga u geysteen xasuuq, Kufsi iyo  dhac, balse dalalka Rawaanda iyo Uganda ayaa si weyn uga cadhooday  warbixinta qaramada midoobay oo ay  ku tilmaameen mid cawaaqib xumo ka dhalan karto oo waxyeeli karta nabada iyo xasiloonida gobolka.
Wadamada ay warbixintu khusayso ayaa qaramada midoobay ka codsaday ka hor intii aan la shaacin in la hakiyo warbixintaa, iyagoo ku dooday inay abuuri karto xasilooni daro iyo cawaaqib xumo dhinaca gobolka ah,  balse qaramada midoobay ayaa sii deysay warbixintaa iyadoo dhegaha ka furaysatay dalabka wadamadaa.
Hase yeeshee Dalka Uganda oo door mihiim ah ka qaata hawlaha nabad ilaalinta ee qaramada midoobay, isla markaana xiligan safka hore kaga jira hawlaha la doonayo in Somalia nabad lagaga dhaliyo ayaa ku hanjabay inay ciidamadooda kala baxayaan Somalia, taas oo ay jawaab uga dhigayaan. Ka dib markii ay qaramada midoobay iska dhega tireen  dalabkoodii ahaa in la hakiyo warbixintaa, isla markaana waxay Uganda ku hanjabtay inay gebi ahaanba joojinay wada shaqaynta ay la leedahay qaramada midoobay, midawga Afrika  iyo gebi ahaanba doorka ay ka qaadato hawlaha nabad ilaalinta.  sidoo  kale dalka Ruwaanda  ayaa iyaguna sheegay inay joojinayaan wada shaqayntii qaramada midoobay ay la lahaayeen. Kadib markii warbixintaa si weyn loogu dhaleeceeyay, isla markaana dhegaha laga furaystay dalabkoodii ahaa in la hakiyo shaacinta warbixintaa.
 Wadamada Uganda iyo Ruwanda waxay ku doodayaan in aanay warbixintu ahayn mid ku dhisan xaqiiqda, isla markaana aan la garanayn dadka warbixintaa soo ururiyay, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo sheekooyiin kasoo urursaday meelaha Kofeeyada lagu cabo, balse aany warbixintoodu ahayn mid xaqiiqda ku dhisan. Sidaa awgeed aan lagu kalsoonaan Karin.
 warbixinta qaramada midoobay ku sheegtay inay ilaa Lix wadan oo Africaan ah, kuwaas oo kala ah, Uganda, Ruwaanda, Brundi , Angola, Sinbaabwi  iyo  Chad, kuwaas oo warbixintu sheegtay inay  door weyn ku lahaayeen xasuuqii ka dhacay dalka Jamhuuriyada Dumuqraadiga Koongo, halkaas oo xasuuq ba’an loogu geystay kumanaan qof oo qowmiyada huutuuga kasoo jeeda mudadii u dhaxaysay  1993- 2003. Dadkaa oo ku sugnaa waqtigaa Kongo oo ay dagaalo ka socdeen ayay warbixinta qaramada midoobay sheegtay inay ciidamadda Lix wadan oo Afrikaan ahi ka qayb qaateen xasuuqii loo geystay.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *