Hargeysa(ANN)Dawladda Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya, ayaa markii ugu horreysay soo bandhigtay siraha suurtogalisay in la fashiliyo malleeshadii ONLE ee ka soo degtay xeebaha galbeed ee Somaliland, iyada oo faahfaahin ka bixisay

qaabka loo fashilayey qorsheyaashii ay damacsanaayeen jabhaddaas oo tababarro millatari ku soo qaatay dalka Eritrea.
Warbixin habeenkii Arbacada laga sii daayey telefishanka Itoobiya, ayaa markii u horreysay Dawladda degaanka Soomaalida Itoobiya ku soo bandhigtay 74 maxbuus oo ka mid ahaa ciidamo ONLF ahaa oo dhawaan ka soo degay xeebaha galbeedka Somaliland, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd inay hawlgallo millatari ka fuliyaan gudaha dalka Itoobiya, iyada oo mid ka mid ah saraakiishii ciidammada ONLF hoggaaminayey uu ka sheekeey sirta suurtogelisay in hawlgalladoodii la fashiliyo iyo rafaadkii xannuunka badnaa ee ku qabsaday xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
Madaxwaynaha dawladda Ismaamulka Soomaalida Ethiopia Md. Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sharraxaad ka bixiyey qorshayaashii suurto geliyay sidii loo fashiliyay hawlgaladii ciidamada ONLF damacsanayeen inay ka fuliyaan gudaha Itoobiya.
“Falkan waxa ka dambaysay dawladda argagixisada ku haysa mandaqadda Geeska Afrika ee Eratariya, iyada oo kaashaynaysa dad calooshooda-u-shaqaystayaal ah oo sheeganaya inay u dhasheen deegaanka Soomaalida, hawshana waxay dhacday xilligii ciidda bishii Ramadaan, waxayna kooxdani doonayeen inay waqtigaas ku soo beegan gelitaankooda Itoobiya, iyaga oo aaminsanaa fakir dhibyar oo ah in ilaalada xadku jilicsan tahay.
Waxay ahayd habeenimadii Jimcaha ee ciiddu soo gelaysay ka soo degaan xeebta Badda Cas ee Saylac, iyada oo tiradoodu ahayd 204 qof, kuwaasoo watay laba doonyood, waxayna ka soo degeen dhinaca xeebta Lughaya. Labada doonyood ee ay wateen midkood waxay ahayd mid yar oo ay ugu tallogaleen maadaama aan doonta weyni xeebta dhulka soo xigta soo istaagi karin inay ta yar kaga soo degeen oo kolba in xeebta keento, maadaama oo ay ku socdeen xaqdarro markii ba waxa isku dhacay labadii doonyood ee ay wateen, taasina waxay sababtay in dad badan oo badda ku daatay halkaa ku dhintaan siday maxaabiista la hayaa sheegeen.
Lughaya markii ay ka soo degeen intaa waxa la socday sirdoonka Itoobiya, waxay soo galeen dhulka Somaliland oo hal maalin waxay joogeen meel berriga ah oo ay ku go’doonsanaayeen, kadib waxay soo galeen buuraha dalka Somaliland ee Maarmaar, markaa iskaashi ay sameeyeen dawladda Somaliland iyo Itoobiya ayaa lagu go’aansaday in xadka lagaga hortago oo halkaa lagu qabto, balse waxa dhacday inay buuraha dhexdooda ka gudbaan oo galaan gudaha Itoobiya iyaga oo soo maray dhinaca deegaanka Xariirad, markaa annagu waxaanu go’aansanay in tallaabo sharci ah laga qaado.
Markii u horreysay la arkay waxa loogu baaqay inay isdhiibaan, qaarkoodna halkii isku dhiibay way jiraan, qaar kalena waxay isku dhiibeen markii dagaalladu bilaabmeen, markaa ciidanka qaranka Itoobiya iyo booliska cusub ee degaanka Soomaalida iyo dadka shacabka ah oo iskaashanaya ayaa waxay sameeyeen qorshe wax-ku-ool ah oo lagu fashiliyey kooxdii hubaysnayd, iyada oo hawlgaladii lagu soo gabagabeeyey muddo gaaban, iyada oo badankoodiiba halkaa lagu laayey, badhna lagu qabqabtay.
Isku soo wada duuboo falkaasi wuxuu ahaa mid Illaahay raalli ka yahay, maadama kooxdii hubaysnayd si dhibyar loo cidhibtiray.
Iminka duuduub waxaanu haynaa 75 maxbuus oo ku xaraysan xabsiyada deegaanka Soomaalida Itoobiya, markaa waxay ka dhigan tahay in dadkii gaadhayey 204 la baabi’iyey oo ay noqdeen wax isdhiibay, wax la dhaawacay iyo wax la dilay, waxaanuna haynaa wax allaale wixii ay dhukumatiyo wateen, markii tiradoodii la isku wada geeyeyna waxa caddaatay in 7 ka mid ah maqan yihiin.”
Mid ka mid ah hoggaamiyaashii watay jabhaddii ONLF ee ka soo degay xeebaha galbeed ee Somaliland oo isna ka warbixiyey xaaladdii ay ku sugnaayeen iyo sidii loola dhaqmay markii la qabtay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu hadda ku jiro gacanta dawladda Soomaalida Itoobiya.
“Habbeenimo ayaanu tuulada Xariirad agteeda ka soo gudubnay. Isla habbeenkiiba ciidammadayadii qayb ka mid ah ayaa halkaa dagaal ku galay, markii dambena dagaalkii weynaa ee caadiga ahaa ayaa bilaabmay. Ciidankayaguna wuxuu ahaa ciidan soo rafaaday oo badda saddex habeen ku soo jiray, halkaasna waxa noogu diyaarsanaa ciidammada New Booliska iyo ciidanka Federaalka Ethiopia. Ciidankayagii waxa soo gaadhay khasaare aad u badan oo dhimasho iyo dhaawac iyo maxaabiisba lahaa, maadaama oo xogtayada la hayayna si fiican ayaa la noogu sii diyaargaroobay.
Shacabka meesha deggen waxa uu ahaa shacab aad iyo aad u feejigan oo annaga mucjiso nagu noqday, dadkuna isgaadhsiinta moobillada ayay wada haystaan, dadka reer miyiga ahna xabbad nagumayeridayn ee meel kasta oo aannu marno macluumaadkayaga ayey gudbinayeen, iyaga oo adeegsanaya telefoonnada, goob kasta oo aad martana odayga reer baadiyaha ah telefoon ayuu haystaa, warkayagana wuu gudbinayay, markiibana macluudkayaga, tiradayada iyo halkaannu joogno ayuu ciidammada Ethiopia u sheegayay.
Quwaddii nala dagaallamaysayna waxa ugu weaynaa shacabka, markaa maraannu is-helo ciidamada New Police-ka khasaare xun ayey noo gaysanayeen, kii dagaalka ka baxana shacabka ayaa qabanayay oo ciidanka Ethiopia u dhiibayay.
Markaa waxaan odhan karaa ciidankayagii guud ahaanba waxba kamay bixin oo waxaannu noqonay wax la laayay, kuwo la qabtay iyo qaar la dhaawacay. Anigu waxaan ka mid ahaa saraakiishii ciidanka hoggaaminaysay. Ciidankii aan hoggaaminayay tiradiisu waxay ahayd 34, aniga iyo dhowr ilaaladayda ahaa ayaa nala qabtay, intii kalena waxay noqdeen wax dhimatay iyo wax dhaawac ah.
Hadda maxaabiistayada la qabtay dhabanadooda nuur ayaa ka baxaya oo waannu ka raysanay rafaadkii, aad baanan ugu qanacsanahay in aan hadda ku jiro gacanta dawladayada,” ayuu yidhi sarkaalkaas oo aan magaciisa la shaacin.
Waxa kale oo telefishanka Itoobiya soo bandhigay hub kala duwan iyo qalabka millatariga oo ay wateen malleeshiyaadka ONLF ee ka degey xeebaha galbeedka Somaliland.

xigasho Jamhuuriya Online
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *