Laascaanood(ANN)Koox  dabley hubaysan  oo Kaantarool ku yaala magaalada Oog ka qafaalatay laba Nin ayaa sii deysay maanta mid ka mid ah Labadaa Nin oo Askari ahaa, halka ka kalena uu ahaa Nin shicib ah. Sidaana 

 waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan Ciiadnka qaranka Somaliland eek u sugan jiida hore.
Kooxdaa oo  qafaalatay laba Nin oo mid shicib yahay midna ka mid ahaa Askarta Kaantaroola ayaa dilay mid ka mid ah Askartii kale ee ku  sugnaa kaantaroolka, isla markaana waxay dhaawac u geysteen mid kale oo Askarta ka mid ah, iyadoo qafaashay Labadaa Nin.
Ciidamada qaranka ayaa isku deyey inay gacanta ku dhigaan Raggaa. Laakiin uma suurta gelin, waxaynu ciidanku heleen gaadhigii ay wateen Kooxdu oo ku qalibmay meel dhinaca Buuhoodle kaga beegan magaalada Oog, kaas oo lasoo jiiday, isla markaana la aqoonsaday meesha uu ka yimi iyo cidii lahayd.
Hase yeeshee labadaa Nin ee ay Afduubka u kaxaysteen ayaa warkooda la waayay, balse wararka ka imanaya dhinaca magaalada Oog ayaa xaqiijiyay inay kooxdaasi maanta soo deysay mid ka mid ah labadaa Nin ee ay Afduubeen, iyadoo aan war laga hayn halka uu ku danbeeyay Ninkii kale. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu Ninkaa kale ka baxsaday kooxdaa markii gaadhigii ay wateen qalibmay. Ka hor intii aanay ka talaabin xuduuda, isla markaana ay rasaas ku fureen, kaas oo aan ilaa hada geeri iyo Nolol mid uu yahay laga war qabin.
Wixii kasoo kordha warkaa kala soco arawelonews.com
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *