New york(ANN)Wargeyska lagu magcaabo Security ee ka faallooda arrimaha amaanka dunida, ayaa  lagu daabacay warbixin dheer oo ka hadlaysa arrimaha  Ammaanka ee Bariga Afrika, taas oo si gaara loogu faaqiday arrimaha gobolka loolanka wadamada mandaqada gaar ahaan Uganda iyo

 

kenya ee ku hirdamaya Somalia iyo sidoo kale xaalada amaanka ee labadii sananood ee u danbeeyay dhinaca Somaliland.
Warbixintaa oo lagu daabacay Wargeyskaa dorraad, isla markaana soo xigganay warbixin uu madaxa xafiiska hay’adda badbaadada iyo ammaanka u qaabilsan qaramada midoobay ee UNDDS Mr. Grogory Starr, kaas  oo warbixintaa  u gudbiyey xafiiska xoghayaha guud ee qaramada midoobay wuxuu si qoto dheer ugaga waramay xaaladda ammaanka ee mandaqadda geeska Afrika.Mr. Starr ayaa warbixintiisa  kaga hadlay xaaladaha iyo isbedelka xawliga ah ee ka  socda Mandaqada iyo  kuwo  kasoo  cusboonaaday mandaqadda Beriga Afrika, wuxuuna si gaar ah u taabtay xaaladda ammaanka ee dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in xaaladda Soomaaliya ay yeelatay waji laba gees leh, waa wajiga hore eh iyadoo xaaladda Soomaaliya ay ka soo raynayso sidii ay ahayd ayuu warbixinta ku yidhi laba sannadood ka hor oo ayuu yidhi magaalooyinka Soomaaliya ay gacanta ugu jireen kooxaha xagjirka ah ee Alshabaab oo xidhiidh la leh Alqaacida.
Mr. Gregory Starr warbixintiisa wuxuu sheegay in wajiga labaad ee xaaladda Ammaanka Soomaaliya ka soo cusboonaday ay leedahay khatarteeda taasi oo ayuu yidhi ah mid saamayn laxaadleh ku leh gobolka Geeska Afrika oo dhan, Mr. Starr wuxuu warbixintiisa hoosta kaga xariiqay dagaalo iyo hirdan siyaasadeed iyo mid military oo uu sheegay in dalalka la dariska ah Soomaaliya ay u kala baratamayaan degenaanshaha iyo maslaxadda ka soo cusboonaatay dalkaasi, Mr Starr oo sii faahfaahinaya warbixintiisu wuxuu sheegay in dalka Kenya oo ciidamadiisu ay gudaha Soomaaliya galleen sannad ka hor ay hadda cayaarayaan waji kale oo ayuu yidhi ay doonayaan inay saamayn ku yeeshaan hogaanka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, warbixintu waxay sheegtay in dalka Kenya oo aan ka tirsanayn ciidamadda AMISOM ee Soomaaliya jooga ay haddana saamayn ku yeesheen siyaasadda dhinaca Soomaaliya.

sidoo kale Mr. Starr wuxuu warbixintiisa ku sheegay in dalalka Kenya iyo Uganda ay hirdan weyn oo siyaasadeed iyo mid Milateri  ugu jiraan siyaasadda dalka Soomaaliya, isagoo   yidhi,  “dalka Ethiopia fara-gelintii siyaasadeed ee ay ku hayeen dalkaasi ay sii wiiqantay ka dib ayuu warbixinta ku yidhi Mr. Starr xanuun in muddo ahba la qarinayey oo Ra’isal wasaarahii Ethiopia Zenawi uu la daala-dhacaayey taasi oo aakhirkii keentay ayaa warbixinta lagu yidhi inuu u geeriyooday.

Warbixinta waxaa lagu xusay in dalka Ethiopia  ay soo waajahday  welwel dhinaca ammaanka iyo kala qaybsanaan siyaasadeed oo ku dhacda dalkaasi laga cabsi qabay ka dib geeridii Ra’isal wasaarahii dalkaasi Zenawi, waxaana warbixintu sheegtay in ay dunida iyo qaramada midoobayba masiibo horleh ku noqonayso Ethiopia oo carqalad siyaasadeed ka dhacda waxaanay warbixintu digniin u dirtay dalalka waaweyn ee reer galbeedku inay gacan weyn ku yeeshaan sidii ay degenaanshaha dalka Ethiopia qayb laxaadleh uga qaadan lahaayeen.Warbixinta Maxay Somaliland Ka Tidhi

Warbixintani uu Madaxa haayadda ammaanka iyo badbaada qaramada Midoobay u qaabilsan u gudbiyey xafiska xoghayaha guud ee qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in labadii sanadood ee ugu danbeeyey ay xaaladda Somaliland ammaankeedu noqday mid aan la isku hallayn karin, isagoo sheegay in haayadaha qaramada midoobay ay cabsi weyni ka soo gaadhay gobolada dhinaca beriga oo la sheegay in kooxahii argagixisada ahaa ee Alshabaab ay xarumo ka samaysteen.

qaybta ugu cajiibsan ee warbixinta lagaga hadlay ayaa ah xidhiidhkii dhinaca wada shaqaynta amaanka ee Somaliland la lahayd dalalka reer galbeedka iyo dalalka dariska gaar ahaana dhinaca ammaanka iyo sirdoonka oo gabaabsi ku yimid, waxaana ay warbixintu si gaar ah carabka ugu dhufatay boqolaal ka mid ah xubnahii ka hawl-gali jiray haayadaha nabad sugidda Somaliland oo dalka ka haajiray ka dib ayaa lagu yidhi warbixinta markii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tallada la wareegtay oo ay awoodi wayday inay ilaaliyaan ammaanka iyo macluumaadka xubnahaasi oo in muddo ahba usoo shaqaynaayey Somaliland.

Warbixinta waxaa lagu yidhi waxay taasi keentay in shaqaalaha caalamiga ah ee Somaliland ku sugan iyo hawlahii shaqada ay cabsi weyni la soo daristay waxaana ay warbixintu tusaale usoo qaaday in dib loo hakiyey xarun caalami ah oo qaramada midoobay ka furan lahayd Somaliland horaantii sannadka 2012 oo laga soo raraayey dhinaca dalka Kenya taasi oo ahayd xarunta hawlgalka xafiiska horumarinta caalamiga ah.

Warbixintu waxay odorostay isla markaana taabatay xogo haayadaha ammaanka gobolku ay bixiyeen oo ku saabsan xubno ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo aan warbixinta lagu sheegin xubnahaasi oo warbixintu sheegtay in cabsi weyn laga qabo inay kooxaha xagjirka ah u fududaynayaan inay Somaliland usoo wareegaan.” ayaa lagu yidhi warbixintaa oo lagu daabacay Wergeyska Security iyo wergeyska kale ee African Intelligence.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *