Madaxweyne Siilaanyo Magcaabay Wasiirka warfaafinta, Wasiir Ku Xigeen, Afhayeenka Madaxtooyada Iyo xilal Kale

Muqdisho(ANN)Gudiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay magacyada xubnahii soo buuxiyay sharuudaha laga doonayay qofka u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya. kadib markii ay maanta dhamaatay mudada kama danbaysta ah ee loo qabtay dadka

 

danaynaya inay ka qaybgalaan tartanka.
magacyada musharixiinta buuxiyey sharuudaha musharaxnimo, ayaa tiradoodu tahay 25 xubnood, kuwaas oo  ay caawa fiidkii  shaaciyeen gudiga doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Musharixiinta oo ay ku jiraan masuuliyiin hore Raysal wasaarayaal uga soo noqday Dawladihii loo dhisayay Somalia labaatankii sanadood ee lasoo dhaafay, kuwo xilal kasoo qabtay iyo qaar ku cusub saaxada siyaasada, isla markaana tiradooda rasmiga ahi tahay  25 ayaa kala ah sidan:-

1. Xuseen Khaliif Jaamac
2. Maxamed Axmed Saalax
3. Salaad Cali Jeele
4. Ibraahim Cali Xuseen
5. Saciid Ciise Maxamuud
6. Cismaan Maxamed Gacal
7.Maxamed C/laahi Oomaar
8.Maxamed C/Weli sheikh Yuusuf
9. Maslax Maxamed Siyaad

10. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

11. C/raxmaan Baadiyoow

12. C/waaxid Cilmi Goonjeex

13. C/laahi Axmed Cadoow

14. C/weli Maxamed Cali Gaas

15. Maxamed C/laahi Farmaajo

16. Axmed Ismaaciil Samatar

17. Xasan Sheekh Maxamuud

18. Shariif Sheekh Axmed

19. Yuusuf Garaad Cumar

20. Cumar Salaad Cilmi

21. C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi

22. Bashiir Nuur Bidaar

23. Xaaji Maxamed Yaasiin

24. C/qaadir Cosoble

25. C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Shuruudaha laga doonayay dadka u tartamaya xilka madaxtinimada ayaa kala ahaa:

  • Inuu Soomaali yahay.
  • Inuu caafimaad qabo.
  • Inuu afartan sano ka weyn yahay.
  • In xukun danbi maxkamadeed aanu lku dhicin
  • In codsiga madaxtinimada uu soo gudbiyo.
  • Inuu ku soo lifaaqo 10 kun oo Dollar oo diiwaan gelin ah.
  • Inuu soo gudbiyo barnaamijkiisa siyaasadeed.
  • Inuu heysto warqadda aqoonsiga in uu Soomaali yahay ama baasaboor Soomaali ah.
  • In labaatan xildhibaan ay u soo saxiixaan in uu musharax yahay qofka tartamaya.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la qabto 10 bishan Sebtember., iyadoo laba maalmood ka horna musharaxwalba baarlamaanka ka sheegayo barnaamijkiisa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *