Hargeysa(ANN)Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB ahna Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku tilmaamay gef iyo dacaayad loola jeedo xisbiga UDUB go’aankii shalay ay gudiga diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada

Somaliland ku daadefeeyeen musharaxnimada Cali warancade iyo Axmed Xaaji Daahir oo ay u qorsheeyeen inay u tartamaan marka la gaadho doorashada madaxtooyada Somaliland 2015.

Daahir Rayaale Kaahin oo daba socday go’aan shalay Gudida Diiwaangelinta Ururada iyo ansixinta axsaabta, ayaa waraysi kooban oo uu maanta siiyay Idaacada BBc-da ee Laanta Af-soomaaliga ku sheegay go’aankaa mid ay gudidu ku deg-degeen, iyagoo aan waxba kala socon hawsha xisbigooda.
Gudiga ayaa waxa ay shalay go’aan ku gaadheen inay laalaan xubnaha ay xisbiga UDUB u soo sharaxeen inay u tartamaan dooraashada madaxtooyada marka la gaadho.
Laakiin Daahir Rayaale oo ka jawaabayay go’aankaasi wuxuu ugu horreyn ka hadlay sababta uu ku diidanyahay go’aanka gudiga diiwaangelinta ururada siyaasadda, isagoo ku dooday inay arrintaasi ahayd mid uu  ku tilmaamay gef iyo dacaayad loola jeedo xisbiga UDUB, wuxuuna ku sifeeyay mid la doonayo in lagu xumeeyo sumcada xisbigiisa, sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay gudida inay ka war sugaan inta ay u gudbinayaan wax ka bedelka ay ku sameeyeen xeerka xisbiga oo ay dhowaan u gudbinayaan.

sidoo kale Daahir Rayaale oo la weydiiyay khilaafka weli xisbiga ka dhex aloosan, ayaa ku dooday in khilaafku aanu ahayn wax cusub ee ay axsaabta oo dhami soo maraan oo aanu wax mushkilad ah u arkin. balse sooma hadal qaadin wararka maalmihii u danbeeyay isa soo taraya ee sheegaya inay masuuliyiin uu hormood u yahay musharaxa Cali warancade ku biirayaan Ururka WADDANI.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *