Hargeysa(ANN)Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mr. Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Dheere), ayaa markii u horreysay si cad uga garnaqay sharciyadda lacago dibadaha ka soo galay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha oo khilaaf cirka isku shareeray ka dhex abuuray wasiirrada Maaliyadda iyo Macdanta Eng Maxamed Xaashi Cilmi iyo Eng. Xuseen Cabdi Ducaale.

 

waxaanu shaaca ka qaaday inaanay jirin wax lacago ah oo Wasiirka macdanta iyo biyuhu duwaday.Hantidhawre Maxamuud Dheere oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa maanta, waxa uu si cad u difaacay sharcinimada lacago Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu ka heshay shirkado ajanebi ah oo ay la gashay heshiisyo ku saabsan baadhisda shidaalka ku duugan dhulka Somaliland, isaga oo caddeeyey in aanay Wasaaradda Maaliyaddu wax shaqo ah ku lahayn farogelinta lacagahaas oo uu sheegay in ay yihiin dhaqaale loogu talogalay tayeynta iyo horumarinta adeegyada kala duwan ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, isla markaana ay baadhitaan lagu sameeyey ku hubiyeen in kharashaadkaasi mareen nidaam sax ah oo ku qotoma heshiiska Wasaaraddaasi la gashay shirkadaha ajanebiga ah.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa horraantii toddobaadkan ku amray Hantidhawraha Guud ee Qaranka inuu baadhitaan degdeg ah ku sameeyo lacago shirkado ajanebi ah ka soo galay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, kadib markii khilaaf culus oo ka dhashay dalab Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ku codsaday in lacagahaas lagu shubo khasnadda dhexe ee dawladda si loogu daro miisaaniyadda, balse waxa dalabkaas si adag uga horyimi dheggiisa Macdanta iyo Biyaha Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, iyadoo is-maandhaaf adag oo labada wasiir ka dhex oogmay gaadhay shirka Golaha Wasiirrada oo cod loogu qaaday lagu taageeray mowqifka Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, go’aankaas golaha oo sii kordhiyey cadhadii Wasiirka Maaliyadda oo ku dhawaaday inuu xilka iska casilo.

Haseyeeshee, kulan Madaxweynuhu labada wasiir ee khilaafku ka dhex aloosmay uu Jimcihii toddobaadkan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada waxa uu ku qanciyey in uu lacagaha ay isku khilaafsan yihiin kaga go’aan qaadan doono natiijada baadhitaannada uu Hantidhawrka ku amray inuu ku sameeyo lacagaha lagu muransan yahay ee soo galay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha.

Haddaba, Hantidhawraha Guud Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim ayaa u soo bandhigay saxaafadda natiijada uga soo baxday baadhitaanidaas Madaxweynuhu ku amray oo taageeraya mowqifkii Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu ku diidanaa in lacagahaas lagu shubo khasnadda dawladda dhexe.

“Waxaan jecelahay in aan halkan ka caddeeyo baadhis noo socotay oo aannu ku wadnay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, taas oo saxaafaddu aad wax nooga waydiisay warar badanina ka baxeen, gaar ahaan baadhis ku saabsan lacago wasaaradda ka soo gaadhay laba shirkadood oo ajanibi ah. Markii aannu arrintaa baadhnay, lacagahani waxay ka dhasheen heshiis dhexmaray Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha oo xukuumadda Somaliland metelaysa iyo shirkadahaasi, runtii heshiiskaasi wakhti hore ayuu ahaa ilaa sannadkii 2009-kii, hase ahaatee dib ayaa loo soo nooleeyey oo Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu dib ayuu ula soo heshiiyey shirkadihii, kuwaas oo hawlo gaar ah inay halkan [Somaliland] ka qabtaan ama ka eegaan ahayd, sida nidaamku yahay waxa weeye in ay marka hore ee ay imanayaan ee waddanka waxa ka jira ay doonayaa in wax ay ku soo galaan uu jiro kaas oo ah heshiiska dhexmara iyaga iyo dawladda,” ayuu yidhi Hantidhawraha Guud.

Mr. Maxamuud Dheere waxa uu faahfaahin ka bixiyey mabaadi’da heshiiskaasi xambaarsanaa, qadarka lacagteed ee uu xambaarsanaa iyo sifaha loo kala qaatay.

Isagoo arrinmahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa jirta shirkad la yidhaa ASANTE oo dhinaca shidaalka ku shaqo leh oo 2009-kii heshiiska lala galay, balse dib loo cusboonaysiiyey 14 September 2010-kii, shirkadaasi hawlaha ay waddanka ka qaban doonto in aanay u soo cago-dhigan waxay wasaaradda la gashay heshiis ku saabsan waxqabadkeeda. Waxay wasaaradda kula heshiisay inay ka caawiso tayeynta hawsha wasaaradda (capacity building) ha noqoto tababarrada shaqaalaha wasaaradda, dhinaca isgaadhsiinta ama gaadiidkaba.

Weli shirkaddu dalka soomay degin, balse sida uu heshiisku sheegayey oo ah in saddexda sanno ee 2009, 2010 iyo kan aynu ku jirno 2011 wixii caawinta tayada ah ee ay wasaaradda kula heshiisay inay bixiso.”

Hantidhawraha Guud ee Qaranku waxa uu sheegay in wasaaradda macdanta iyo biyuhu shirkadaha shidaalka ee ay heshiiska la gashay ka heshay lacag gaadhaysa $175 kun oo dollar, lacagtaasi oo uu xusay in lagu shubay akawn ay gaar u leedahay wasaaradda macdanta iyo biyuhu, isagoon caddayn in lacagtaasi ku dhacday qasnadda dawladda oo ah halka wasiirka maaliyaddu la doonayey inay ku dhacdo qasnadda dhexe ee dawladda si loogu daro misaaniyadda qaranka.

“Baadhitaankii aannu samaynay sida ka soo baxdayna way bixisay lacagtii, taas oo ku timi jeegag ay ku qoran yihiin magaca Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu, mar haddii jeega lacagtu ku qoran yahay magaca wasaaraddana waad garanaysaa in aannu ahayn wax laga wadahadli karo. Waxay ahaayeen saddex jeeg oo lacagta ku qorani isku noqonayso 175 kun doollarka Maraykanka ah, kadib Wasiirka Wasaadda joogaa tallaabadii u horreysay ee uu qaaday waxay ahayd in uu jeegagii u gudbiyey Bangiga Dhexe ee Somaliland. Jeegagii waxa qabtay Guddoomiyaha Bangiga Cabdi Dirir oo waata halkan taalla marag-muujintii, markaa masuuliyadii waxa raacday bangigii mar haddii uu lacagtii qabtay waana halkii ay ahayd in ay tagto lacagtaasi halkii meel kale laga sarrifi lahaa, Guddoomiyaha waanu ku darnay baadhitaanka waxay xidhiidh la leeyihiin baanan caalami ah habkii buu la maray oo jeegagii wuu soo sarrifay, waxaanna lacagtii lagu shubay xisaab Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha u furan, taas oo baadhistii aannu ku samaynay $50,000 (konton kun oo doollar) ay ku jiraan xisaabtaas oo iyada oo kaash ah ayey taallaa, intii kalena kharashaadkii ay ku baxday waanu haynaa, waxaanay ahayd si waafaqsan heshiiskii lala galay laba shirkadood oo la kala yidhaa ASENTA OIL Ltd UK iyo OPHIR OIL Ltd UK.”

“Runtii lacagta ay caawinta tayada qorsheeyeen may ahayn mid wasaaraddu inay wada isticmaasho ugu talogaleen ee waxay ahayd lacago iyaga laftoodu markay yimaaddaan meelaha ay gayn lahaayeen iyo waxaa la socdaan, markaa lacagtaasi xisaabteedu si fiican bay ku dhammaatay manay wada bixin ee badh baa baanka yaal iyaguna (shirkadaha) way u imanayaan oo lacagta wax bay ku leeyihiin.

Lacagtan warar badan baa ka baxay, annaguna waxaannu ummadda u caddaynaynaa in lacagtaasi u soo gashay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha si waafaqsan heshiiskii ay wada galeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadahaasi, inta baxdayna u baxday si waafaqsan heshiiskaasi.

Lacagta wasaaradda Macdanta iyo biyuhu heshay waa lacag shaqaalaha wasaaradda lagu tababarayo ee maaha lacag cashuur ah, lacagta liisamada ee wasaaradda Macdantu sanadka xeraysay waa 173,000,000,000 (boqol iyo saddex iyo toddobaatan bilyan) shillin Somaliland ah oo dhammaanteed ku xerootay khasnadda dawladda, lacagtaasi ay shirkadaha ka qaaday qaybi liisamada ayey ahayd oo waata xerootay, laakiin lacagta tayeynta iyo shaqaalaha wasaaradda loogu tallogalay sidii heshiiska ayaa loo raacayaaa ee maaha dakhligii wasaaradda Maaliyadda,” ayuu hadalkiisa ku gebageabeeyey Maxamuud Dheere.

Intaa kadib su’aalo suxufiyiintu weydiiyeen Hantidhawraha Guud, waxa ka mid ahayd mid la xidhiidhay khilaafkii u dhexeeyey Wasaaradda Maaliyadda, waxa uu ku jawaabay, “Wasaaradda Maaliyadu waa halbowlaha dhaqaalaha dalka. Waa run waanu iska hornimi, wayna fiicnayd inaanu iskaga hornimaadno oo aanu hawlaha isku qabano, murankii na dhexmaray waanu dhammaysanay si fiicana waanu u wada shaqaynaa. Laakiin aniga cid xidhan (u xidhan Wasaaradda Maaliyadda) oo i soo gaadhay ma jirto kamana jawaabi karo.”

Mar la waydiiyey halka uu ku dambeeyey baadhitaankii Hantidhawrku ku waday dawladda hoose ee Hargeysa iyo dadka eedahooda u xidhan muddada dheer, waxa uu yidhi, “Dawladda hoose ee Hargeysa muddo dheer baanu baadhaynay xisaabaadkooda, waad ogayd tallaabooyin qaarkood aannu qaadnay waxba ku noqon maayo, haddana baadhistu waxay noo maraysaa heer gebogabo ah, kana hordhici maayo.

Annaga qofku waxa uu noo xidhnaadaa 45 maalmood oo aanu ku dhammaystirno dacwaddiisa oo aannu gudbino. Dacwado socda hadda way jiraan oo kuwii Burco way socdaan. Haseyeeshee, waqtiga waxa qaata qofka oo difaac dheer diyaarsada iyo annaga oo dood dheer keena iyo marag muujin, laakiin haddii uu nagu muddo-dhaafo qofka xidhan dibada ayuu u soo baxayaa,” ayuu yidhi Hantidhawraha Guud ee Somaliland.

Dhinaca kale Warbixinta hantidhawrka guud ee Qaranka Somaliland  ayaa soo baxday maalmo ka dib markii muran iyo khilaaf aan si cad looga warqabin oo ku saabsan lacago ay ku murmeen wasiirka macdanta iyo biyaha iyo wasiirka maaliyadu suuqa soo galeen, iyadoo w sheegeen in Wasiirka Maaliyadu ku eedeeyay wasiirka macdanta  iyo Biyaha inuu lunsaday lacag aan cadadkeeda si rasmi ah loo sheegin, balse jaraa’idka qaarkood ku sheegeen $ 500, 000, taas saxaafadu si weyn u qaadaa dhigtay, balse natiijada hantidhawrka guud soo saaray ee la xidhiidha muranka lacagahaa lagu eedeeynayay wasiirka macdanta ayaa aad uga duwan wixii hore loo hayay, isla markaana waxay warbixinta hantidhawrka qaranku  waji gabax ku noqonaysa wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, taas  oo beeninay eedihii uu u jeediyay wasiirka macdanta Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *