Nairobi(ANN) Shabakadda ku caan baxday faafinta siraha dawladdaha ee Wikileaks, ayaa fashilisay siro uu si qarsoodi ah wadanka Maraykanka u sii jiray Maxamed Cumar Carte oo shalay urur-siyaasadeed la yidhaahdo Damal kaga dhawaaqay magaalada Hargeysa. Xogaha Wikileaks faafiyey ee Maxamed
Cumar Carte siin jiray dawladda Maraykanka xilligii uu ahaa la-taliyaha arrimaha siyaasadda wasaaradda daakhiliga Somaliland oo nuqulo ka mid ah Jamhuuriya helay waxay la xidhiidhaan warbixino iyo siro uu ka bixiyey dawladdii Daahir Rayaale Kaahin ee uu la shaqayn jiray, kuwaasi oo uu si joogto ah u siin jiray safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Sida Wikileaks fashiliyey kulan 12 December 2009 dhexmaray qunsulka arrimaha Soomaalida u qaabilsan safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi Bob Patterson iyo Maxamed Cumar Carte oo
wakhtigaas ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo uu wasiir ka ahaa Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayuu Maxamed Cumar Carte ku bixiyey xogo badan oo la xidhiidha madaxweyne Rayaale iyo shakhsiyaadkii maamulkiisa ka tirsanaa ee aadka ugu dhawaa, iyada oo mudadaasna muran ka taagnaa qabsoomida doorashadii madaxtooyadda ee aakhirkii dalka ka dhacday 26 June 2010. Qunsulka arrimaha Soomaalida u qaabilsan safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi Bob Patterson sida warbixin uu kulankaas ka diyaariyey ku sheegay in Maxamed Cumar Carte yahay shakhsi muddo dheer macluumadka siin jiray safaaradda Maraykanka ee Nairobi, isla markaana lagu kalsoonaan karo xogaha uu bixiyo, maadaama uu aad ugu dhaw yahay Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo xilligaas ahaa wasiirka arrimaha gudaha.
“Safaarado muddo dheer ayey Maxamed Cumar Carte xidhiidh la lahayd, wararkiisuna waa looga qaateen, maadaama uu aad ugu dhawyahay wasiirka arrimaha gudaha awooda leh (wasiirkii hore ee daakhiliga Cabdillaahi Cirro),” ayuu yidhi qunsulka arrimaha Soomaaliya u qaabilsan safaaradda Maraykanka ee Nairobi, sida lagu sheegay warbixinta Wikileaks faafiyey.
Xogaha Mr. Maxamed Cumar Carte uu sin jiray Maraykanka ee uu ka bixin jiray dawladdii Rayaale ee uu la shaqayn jiray, waxa ka mid ahaa in Daahir Rayaale uu samaynayo waxkasta oo uu tallada dalka ku haysanayo, isla markaana aanu doonayn inay doorashooyin dhacaan, isaga oo xusay in sida qudha ee Daahir Rayaale loogu khasbi karo inuu doorasho qabto ay tahay iyada oo cunaqabatayn iyo xayiraad la saaro shakhsiyaad qoyskiisa ka mid ah iyo masuuliyiin dawladdiisa ka tirsan oo aad ugu dhawdhaw, kuwaasi oo Rayaale ku caddaadin kara inuu doorasho qabto. Waxaanu Maxamed Cumar Carte xoggaas bixin jiray isaga oo haya shaqadda uu dawladda u qaabilsanaa, kuwaasi oo aanu dadka reer Somaliland u soo bandhigi jirin ama aanu ilaa hadda kaba hadal.
La soco caddadka Jamhuuriya ee beri magacyada shakhsiyaad dawladdii Rayaale ka tirsanaa ee uu Maxamed Cumar Carte xogahooda u gudbiyey dawladda Maraykanka si xayiraad iyo cunoqabatayn loo saaro.
Xigasho Jamhuuriya

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *