Hargeysa (ANN)- Laba Urur-siyaasadeed oo kala ah Rays iyo Wadajir, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay midoobeen si ay u yeeshaan cudud miisan culus oo ay kaga qaybgalaan doorashadda golayaasha deegaanka Somaliland oo la filayo inay bisha April ee

 

sannadka 2012 dalka ka qabsoonto.
Sidaana waxa lagaga dhawaaqay xaflad masuuliyiinta labada urur-siyaasadeed maanta  ugu qabteen xafiiska ururka RAYS ee magaalada Hargeysa, waxayna masuuliyiintaasi shaaciyeen in labada urur-siyaasadeed midoobeen, isla markaana ay jiraan urur-siyaasayeedyo kale oo wadahalo u socdaan si ay cududooda isugu biirin lahaayeen.
Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Rays Mr. Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) oo halkaas ka hadlay, ayaa ku wargeliyey dadweynaha reer Somaliland iyo taageerayaashoodaba in labada urur ee Rays iyo Wadajir si rasmi ah u midoobeen. Sidaa awgeed ay la socodsiinayaan inay taageerayaashooduna sidaa u midoobaan.
“Waxaannu rabnaa in aanu dadweynaha reer Somaliland gaadhsiino in labada urur ee Rays iyo Wadajir ay midoobeen si ay u xoojiyaan awoodooda ay kaga qaybqaadanayaan doorashadda golayaasha deegaanka, waxaanan taageerayaasha ka dalbanaynaa inay sidaa u ogaadaan oo taageeradooda mideeyaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Rays, isaga oo halkaa ka sheegay inay garabka haweenka ee dalka Canada u magacaabeen Layla Maxamed Nuur.  Mr. Gaafaadhi waxa uu xusay inay wixii kale ee la xidhiidha hawlohooda midawga labada Urur  ay la sugayaan shirweynaha, balse ujeedada kulankoodu yahay inay  si rasmi ah u muujiyaan in Rays oo isagu diiwaangashanaa iyo Wadajir oo aan weli is diiwaangelin ay midoobaan, maadaama ay saacado kooban inaga xigaan xidhitaankii waqtiga loo cayimay diwaangelinta Ururada cusub, taas macneheeduna aanay ahayn inuu Rays ku biiray Wadajir, ama Wadajir ku biiray Rays, balse ay go’aansadeen sidii la doono haloo dhigee inay midoobaan labadoodu.
Waxa isaguna halkaa ka hadlay Guddoomiye-ku-xigeenka urur-siyaasadeedka Wadajir Mr. Saleebaan Axmed Guuleed oo sheegay in guddoomiyihii ururkooda Mr. Aadan Cilmi Dhoolayare uu xilligan dalka dibadda kaga maqan yahay, dhawaana soo laaban doono, isaga oo xusay in labada urur muddo ka shaqaynayeen sidii ay u midoobi lahaayeen. kuwaasi oo sheegay inay ku faraxsan yihiin, isla markaana soo dhawaynayaan midawga labada urur-siyaasadeed ee Rays iyo Wadajir.

“Munaasibadani waxay ahayd in la mideeyo labada urur ee Rays iyo Wadajir oo in muddo ahba soo socotay, laakiin hadda ayaa si rasmi ah loo caddeeyeey inay midoobeen, waxaana jira ururo kale oo wadahadalo noo socdaan oo la doonayo in la mideeyo, guushuna waxay ku timaad xoogga iyo taageeradda oo la isku daro oo la mideeyo,” ayuu yidhi; Guddoomiye-ku-xigeenka urur-siyaasadeedka Wadajir ee ay midoobeen ururka Rays.
Waxa kale oo iyaguna munaasibadaa ka hadlay Ibraahin Cali Axmed oo ka mid ah saraakiisha Wadajir iyo Raxma Maydal iyo Raxma Xiis Axmed oo ka kala socday garabada haweenka labada urur ee midoobay ee Rays iyo Wadajir,

Dhinaca kale Gudoomiyaha Rays oo la weydiiyay  ururada kale ee ay sheegeen inuu wadahadal u socdo, ama ay rajaynayaan inay kusoo biiraan, waxa uu sheegay inaanay waqtigan diyaar u ahayn inay magacyo halkan ka sheegaan. Sidoo kale mar uu ka hadlayay  qodob ka mid ah shuruudaha tartanka oo sheegaya  in laga rabo Urur kasta 1000, qof oo ka diwaan gashan gobolkasta oo uu taageradooda haysto iyo sida taas lagu ogaankaro mar haddii meesha laga saaray diiwaangelintii, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Qodobkaasi waa mid mihiim ah, waxaynu ognahay in la tuuray diiwaangelintii, markaa waxaanu arrintaa kala hadalnay gudida diiwaangelinta iyo komishanka doorashooyinkaba, mana hayno ilaa hada jawaab macquul ah iyo sida lagu ogaanayo dadka xeerku ku xidhay Ururada ee gobolada.” Ayuu yidhi Gaafaadhi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *