Landon(ANN)Aqalka Daaraasaadka iyo Cilmi-baadhista dalka Britain ee loo  yaqaan  Chatham House ayaa Warbixin dheer oo ay kasoo saareen oo shirka Dawladda Ingiriisku u qabanayso Somalia waxay  ku muujiyeen sababta keentay In Somaliland culays lagu saaro ka qayb-galka shirkaas, doorka

 

ay leedahay ee mustaqbalka qadiyada madaxbanaanida Somaliland iyo sida ay tusaale u noqon karto Somalia inteeda kale.
Warbixintaa  oo laga soo dhiraandhiriyay shirar iyo wadda tashiyo tan iyo badhtamihii sannadkii ina dhaafay lagu lafo-gurayay xal u helida dalkii fashilmay ee laysku odhan jiray Somalia , waxa  ka muuqda natiijadda la doonayo inay kasoo baxdo shirka ay dawladda Britain qaban-qaabinayso oo ah in lagu falanqeeyo  qaab-siyaasadeed cusub oo lagu waajahayo xalinta dhibaatada ka taagan Somalia ee bulshada caalamku ku jaah wareertay  labaatankii sanadood ee lasoo dhaafay, isla markaana xal loogu heli  lahaa mushkilada Somalia oo khatar weyn ku ah dhaqaallaha iyo nabadgelyada aduunka. 
Warbixintan waxaa lagu bilaabay isidan:- “Bishii July sanadka 2011, uu Chatham House qaban qaabiyey kulan ay ka qeyb galeen mufakiriin Soomaali ah oo ka kala yimi Somalia iyo qurbajoogta si ay falanqeeyaan halka loo guurayo ka dib dhammaadka muddada kala guurka ah ee dawladda ku meel gaadhka ah oo dhammaanaysa bisha August sanadka 2012.”Kulanku wuxuu lahaa saddex ujeeddo oo waaweyn:
In uu faham ka sii wanaagsan ka helo maamul goboleedyada jira iyo kuwa soo baxayaba; waxa ay tiigsanayaan, awoodahooda iyo daldaloolladoodaba; sida ay dadka Soomaaliyeed u arkaan iyo weliba sida ay beesha caalamku ula shaqeyn karto (haddiiba ay la shaqeyneyso).
In laga wada hadlo sida ay maamul goboleedyadani u waafaqayaan ulajeeddada dheer ee helitaanka dawlad Soomaaliyeed, mushkiladaha iyo faa’iidooyinka ay u yeelan karaan wada shaqeyn uga timaada dibadda iyo xidhiidhka ay la leeyihiin mashruuca federaalka – oo hadda 7 sano jirsadey.
In laga hadllo in la caawiyo iyo sida Soomaaliya loo siin lahaa caawimadda beesha caalamka iyada oo aan waxba u dhimeyn dadaalka deegaannada iyo helitaanka dawladda Soomaaliyeed ee heerka qaran Soomaaliya oo madax bannaan.” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta.

Waxaana hordhac looga dhigay, dedaalka Ay Somaliland oo aan ciddi caawin iyo maamul goboleedka Puntland ka sameeyeen dhinacyo badan, iyaddoo lagu xussi kala duwanaanta dhinaca mabaadida, maadaama Somaliland gooni isu taagtay, dimuquraadiyadda, awoodda, mudada ay jireen iyo arrimo kale oo badan. Sidoo kale waxaa lagu tilmaamay damaca beesha caalamku ka leedahay maamul-goboleedyadda kalla duduwan oo baddi magac ahaan uun u jirra. Taasoo warbixintu muujisay in ujeedada laga lahaa ay tahay in Soomaalidu yeelato maamulo hoosta ka soo dhismay ee aan dibadda laga keenin. Balse ay taas ayaa  horseeday in Beel-waliba ama jilib Jilib la’isugu magacaabo maamulo iyo khatarta in mar kale ay soo celliso dagaallo qabileed oo markan magac ahaan sitta maamul-goboleedyo. Sidoo kale waxa warbixintu muujisay in weli bulshadda caalamku ku jaha-wareersantahay Fahamka Soomaaliya. Waxaana ay bandhigtay sawirka guud ee noocyada maamuleed amaba xukuumadeed ee ka jira Soomaaliya. Waxana ay Somaliland ka tidhi sidan: “Xukuumadda Somaliland waxaa ay lafteedu isu soo bandhigtaa in ay tahay dawlad heer qaran, oo ka go’day dalka intiisa kale. Waxaa ay u haysataa in xidhiidhka rasmiga ah ee ka dhexeeyey Soomaaliya inteeda kale uu kala go’ay sannadkii 1991 iyo weliba in madax banaanideeda lagu ansixiyey afti dadweyne oo la qabtey sanadkii 2001. Balse madax bannaanida Somaliland dunidu ma aqoonsana, si kasta oo ay u tahay maamulka Soomaaliya ka mid ah oo fidiya adeegga ugu hufan ahna kan ugu dimuquraaddisan. Somaliland waxaa ay isu haysataa in wadahadallada Soomaaliya aanay khuseyn mana ka qeyb gasho wada hadallada ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya. Haddii nabadgelyo la isku halleyn karo ay ka soo baxdo Soomaaliya inteeda kale waxaa markaa degdeg noqoneysa su’aasha ku saabsan xidhiidhka ay Somaliland la yeelaneyso.” “Maaddaama ay weli tahay mid aan la aqoonsan, dad ayaa ku doodaya in Somaliland ay iyaduna u shaqeyso si dawlad goboleed maadaama ay Puntland kala mid tahay awoodaha dowladeed. Balse xukuumadda Somaliland fikir kaa ka duwan ayay ka qabtaa mustaqbalka Somaliland.” ayaa lagu yidhi mar laga hadlayay dhibaatadda maamuladda waxaa qormaddu xustay SSC.
“Tusaalaha kooxda cadaadiska siyaasadeed ee Sool, Sannag iyo Cayn (SSC) ayaa la soo qaadey si loo muujiyo in mowjadda cusub ee maamul goboleedyadu ay keeni karto kala qeybsanaan hor leh. – arrintan oo ah maamul cusub oo ka go’aya Somaliland. SSC waxaa ay ka soo horjeeddaa gooni isu taagga Somaliland waxeyna dooneysaa in ay maamul goboleed ka sameyso bariga Somaliland, dhul ay isku hayaan Somaliland iyo Puntland. SSC waxaa ay hadda dooneysaa maamulkeeda oo ku hoos jira Soomaaliya oo mideysan si ay u matesho danaha laf-teeda qabiil. Arintanina waa dhaqan socda oo keeni kara in qabiil kasta amaba dan kasta oo mar wax ka dida in ay sameystaan maamulkooda u gaarka ah intey nidaamyada la wadda dejistey wax ku xallisan lahayeen dantoodana ku gaadhi lahaayeen.”
Warbixintan waxaa lagu xusay in ujeedada ka danbaysa shirka Ingiriiska qayb ka mid ahi tahay in la dhiiri-geliyo maamul-goboleedyo ka dhisma Koonfurta Somaliya, iyaddoo laga taxadarayo inay horseedaan khatarta dagaalo ka dhex-dhaca iyo maamul beelo ka yimi. “Khibradda Somaliland iyo Puntland ayaa ah in geeddi-socod ay hoggaaminayaan dadka deegaanka oo ka guuleysi badan mid ay hogaamiso dawladda dhexe amaba shisheeyaha; taa macnaheedu waa in la sugo amaba la dhiirri geliyo in awoodaha kala duwan ee ka jira koonfurta Soomaaliya laga dhigo dawlad goboleedyo.
Balse si ay dariiqadani u shaqeyso waxaa laga doonayaa in dhaqanka dawladda ku meel gaadhka ah iyo beesha caalamkuba is beddelaan.”
Qodobka keenay ka qayb-gelinta Somaliland ee Shirka London ayaa isna waxaa lagu yidhi. “Somaliland waxaa ay diiddan tahay ka qeyb galka wada-hadalka nabadda ee Soomaaliya; waxaa ay Soomaaliya u aragtaa arrin khuseysa waddan shisheeye. Balse marka laga eego beesha caalamka waxaa muuqata faa’iido ku jirta in maamulkan sida dimuquraaddiga u haysta oggolaansho sharciyadeed in laga qeyb geliyo sidii xal waara loogu heli lahaa Soomaaliya.
Kala doorashada adagi waa in la helo waddo lagu keeni karo khibradda Somaliland iyo faa’iidooyinkeeda oo saameyn wanaagsan u keeni kara Soomaaliya inteeda kale isla markaasna aan wax u dhimin guusha ay Somaliland lafteedu gaadhey. Waxaa adag in la is tuso in ay Somaliland aqbaleyso ka qeyb gelistan iyada oo aan la siin tanaasul la taaban karo oo ku aaddan raadinta ay raadineyso madax bannaani iyo gooni isu taag.
Somaliland ma hayso waddo cad oo ay ku gaadho aqoonsi caalami ah, si kasta oo ay u saxan tahay amaba ay u khaldan tahay waxaa hubaal ah in aanay dunidu aqoonsaneyn Somaliland ilaa ay ka aqoonsadaan Midowga Afrika iyo Soomaaliya lafteedu. Waddo dastuureed oo; ballan qaadaya in aan la baabbi’in xaaladda Somaliland ee hadda; Somaliland-na siinaya xaqa in ay kala doorato in ay Soomaaliya ka mid ahaato amaba ay ka go’do ka dib marka ay in mudo ah ku wada jireen nidaam federaal ah ayaa noqon karta tanaasul wada caawin kara dhinacyada oo dhan.
Dhicintaanka arrin noocan oo kale ah waa mid fog, marka laga eego xasaasiyadda sareysa ee dadka Somaliland ay ka qabi karaan aragti u muujineysa in ay dhaawaceyso madax banaanidooda. Balse fikirka noocan oo kale ah ayaa waxaa uu xal u keeni karaa su’aasha arrinta Somaliland.” ayaa lagu yidhi
Gabagabadii warbixintaas oo aad u dheer waxaa lagu yidhi. “Farriinta aasaasiga ah ee ka soo baxdey kulankii Chatham House waxey aheyd xukuumadaha ka jira Soomaaliya, ha ahaadeen kuwa qaranka amaba maamul goboleedyada, waa inay ahaadaan marka ugu horeysa kuwo ay la xisaabtamaan dadka ay sheeganayaan in ay matalaan. Haddii maamullada soo baxaya ay ku guuleystaan in ay dhisaan iskaashi nabadeed ayna billaabaan in ay nabadgelyada u keenaan dadka markaa taageero beesha caalamka ah oo laga fiirsadey oo taxaddar leh ayaa ah mid wax anfaceysa. Balse taageero lagu degdegey oo la siiyo maamulo aan la tijaabin oo ku shaqeynaya nidaam ka baxsan qaab-qarameedka ayaa noqon kara mid dhibaato soo kordhisa.” ayaa lagu yidhi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *