Haegeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraalle (Duur), ayaa ka waramay caqabadihii ka hor yimi iyo  duruufaha nabad-gelyo ee soo waajahay mudadii uu xilka hayay. Mr. Duur wuxuu  sidaa  ka sheegay hadal  uu

maanta ka jeediyay fadhigii Golaha Wakiiladda oo uu hor-tagay. Fadhigaa wasiirku hadalka ka jeediyay  oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).
Wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlayay xaalada dalka wuxuu yidhi,  “Xaaladda guud ee dalka marka aynu maanta eegno waxaan odhan karaa dalku waxa uu ku sugan yahay nabad marka laga reebo deegaanka Buuhoodle oo xoogaa shaqaaqa ahi ka taagan tahay, Taasna waxaan odhan karaa ma jiro wadan caalamka boqolkiiba boqol nabad ah,”ayuu yidhi Wasiirka daakhiligu.
Wasiirku wuxuu sheegay inay dhex dhexaadin ka galeen shaqaaqooyin uu xusay inay muddo rafanayeen waxanu yidhi “Markaan ka haddlo shaqaaqooyinkii ka dhacay dalka tan iyo intii aan xilka hayay waxa ka mid ahaa magaaladda Ceerigaabo oo ay ka dhaceen xoogaa is ka hor imaadyo ah taasi oo ay sababeen xaaladdo mudooyin badan soo rafanayay balse waxa aanu ku guulaysanay inaanu ka galno dhex dhexaadin siddii loo dhamayn lahaa waxyaabaha ay kala tabanayaan deegaankaasi. deegaanka Seemaal oo iyana ay ka dhaceen xoogaa shaqaaqooyin ah taasi oo keentay in beelaha deeegaankaasi ay isku hub urursadaan balse xukuumaddu ay ka hawl gashay sidii xal looga gaadhi lahaa waxana laga gaadhay xal nabadeed oo dadkii lagu aanaynayay falkii ka dhacay deegaankaasi wax isugu jiraan dad la qabtay iyo dad maqan waxana aaanu ku rajo weynahay inaanu horkeeno maxkamadda dadkii falkaa loo aanaynayay ee deegaanka seemaal.”
“Deegaanadda Sool iyo Buuhoodle oo ay iminka ka taagan tahay xaaladda ugu culus ee iska hor imaadka sababay, iska hor imaadkaas oo u dhaxeeyay ciidmadda qaranka iyo maleeshiyo deegaankaas ka soo jeedda waxaanu rajeynaynaa in ay xaaladaasi ku dhamaan doonto wadda hadal oo aanu jirin wax qori caaraddii lagu dhamaynaayaa,”ayuu yidhi Md. Duur.
Wasiirku wuxuu sheegay inay qori doonaan 500 askari oo cusub oo loo qaadan doono ciidanka Booliska, waxaanu yidhi “Waxa aanu ku rajo-weynahay inaanu 500 oo dhalinyaro ah aanu Ciidan Boolis ah qorno kuwaas oo aanu ku xidhayn shuruudaha askariga cusub lagu xidho, kuwaas oo ah inuu keeno qori direys iyo wax lamid ah, balse anagu xukuumad ahaan aanu ka bixin doono jeebkayga waxana 500 ee dhalinyaradda ahi u kala bixi doonaan qaar qabta shaqaddii askaranimadda iyo qaar loo tababaro saraaakiil.”
Wasiirka daakhiliga oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxana jirra inaan qoray waraaqo aan ku codsanayo tobabar saraakiilnimo ah inala siiyo kuwaas oo aan jawaabtoodiui sugayo”. Wasiirku isaga oo hadalkiisa sioi wata waxa uu yidhi “Sanadkii hore aan la wareegay xilka waxa uu sanadkani kaga duwan yahay waa sanad aan qortshaheedda lee yahay inaan dajisto wax badan, wax badana waan ka badali doonaa.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *