Burco(ANN)Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland  C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylicii) ayaa maanta Booqday askartii ciidanka qaranka ee ku dhaawacmay dagaalkii todobaadkii hore  ka dhacay deegaanka Sool-joogto oo ku yaala duleedka magaalada Buuhoodle,  Kaas oo

halkaa ku dhexmaray  Ciidanka  qarnka Somaliland iyo Malayshiyada ku dhuumaalaysta deegaanka Buuhoodle.
Madaxweyne ku xigeenku wuxuu cisbitaalka magaalada Burco ku Booqday 37 askari oo ah dhaawacyadii ciidamadda qaranka iyo  3 (sadex)  maxbuus oo  iyagoo dhaawac ah  laga soo qabtay maleeshiyada Buuhoodle.
Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu 37ka askari gudoon siiyay midkiiba  1 milyan oo shilin oo u dhiganta 150 Dollar, halka uu sadex maxbuus ee dhaawacana gudoon siiyay 500 oo kun oo shilin oo u dhiganta 90 dolar.
Md. C/raxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) wuxuu dhaawacyadii uu booqday ILAAHAY uga baryay inuu shaafiyo, waxaanu tilmaamay in dhaawacyada dalka waxba loogu qaban kari waayo loo diri doono meeshii la geyn karaba, wuxuuna  isagoo arrintaa  ka hadlaya  yidhi,  “Waxa Ugu muhiimsanaa ee aan maanta u imiday inaan Soo Dul joogsado dhaawaca ciidanka qaranka Hadaanu nahay masuuliyiinta Qaranka si aan u tusno in dalkan iyo dadkan ay u dhaawacmeen oo dhibtuna ay iyag u gaadhay difaaca iyo heeganka ay qaranka u ahaayeen.”
Madaxweyne Ku xigeenka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi,  “ILAAHAY ma hadii waan soo wada maray dhaawacdooduna inta badan waa uu sahlan yahay marka laga reebo sadex afar ay dhaawacyadoodu halis yihiin. kuwaasi oo haddii xaaladooda caafimaad waxba lagaga qabankari waayo gudaha dalka aan diyaar u nahay inana geyno wadamadda jaarka ah iyo meel kasta oo adeeg caafimaad loogu fidinayo.”
“Waxaanan ciidanka qaranka u sheegaynaa waxay hayaan waa hawl qaran hadaanu madaxdii qaranka nahayna waxaanu u sheegaynaa in mar walbana aan daba joogno dhibta soo gaadhana ay tahay qaranimadda u soo gaadhay,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.
Madaxweyne xigeenka Somaliland  C/raxmaan Saylici waxa kale oo uu ka hadlay shirka London waxaanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland wuxuu todobaadka soo socda u ambo-bixi doonaa ka qeyb galka shirka London waxaanu hoggaamin doonaa wefti balaadhan oo Goleyaasha qaranka iyo xisbiyada ka kooban kuwaasi oo ka qeyb galaya shirkaasi si ay qadiyadeena iyo garnaqsigeena u taageeraan.”
Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay inuu ka xun yahay dagaalka ay koox qurbo-joog ah ka wadaan deegaanka Buuhoodle, waxaanu tilmaamay in dadkii dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay ka soo wada jeedaan Somaliland. Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu xusay in xukuumadiisu ay mar kale ku celinayso baaq nabadeed iyo in wada hadal xal lagaga gaadho shaqaaqada ka aloosan Buuhoodle.
Madaxweyne xigeenku wuxuu maantaba dib ugu laabtay magaalada hargeysa oo uu saaka ka boqoolay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *