Warbixin Daaha Ka Fayday Taya-xumadda Addeegga Shirkaddaha Isgaadhsiinta Somaliland Iyo Cabashooyinka Isticmaala Internetka
Wiil dhalinayaro ah oo magaciisa ku sheegay C/raxmaan Cabdullaahi ayaa u sheegay weriyayaasha warbixinta ururinayay in uu saacado badan isticmaalo Internetka, balse aanu isagu ahayn dadka ku shaqeeya ee xirfadohoodu ku xidhan yihiin isticmaalka addeegaa, wuxuuna ku dooday

in uu la kulmo mararka qaar cilado soo noq noqda. Laakiin aanu u arkin sida ay  qaybtii hore ee warbixinta ku sheegeen qaar badan oo ka mid ah dadka xirfadohooda shaqo ku xidhan yihiin isticmaalka adeega Internetka.

Inkasta oo  C/raxmaan ku dooday in uu xawaaraha dhinaca Internetka isticmaalka shirkaddaha Isgaadhsiinta u arko mid meel dhexaad ah, balse waxa uu isagoo ka jawaabaya sida uu u arko     xayaysiisyadda shirkaddaha addeegga Internetka iyo Telefoonadda  ee warbaahinta laga sii daayo  iyo muuqaalada xayaysiisyadu yihiin kuwo dhab ah, wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Runtii muuqaalada xayaysiiska ee shirkaddaha Isgaadhsiintu maaha mid sax ah oo ka turjumaya xawaaraha addeega ay bixiyaan, umana arko mushkilad  oo ganacsigooda ayay xayaysiinayaan, sababtoo ah waxan u arkaa in ujeedada keliya ee ay leeyihiin tahay mid ay dadka kusoo jiidanayaan.” Ayuu Cabdiraxmaan.

Sidoo kale Xamse Ibraahim Cabdullaahi  oo ka mid ah dhalinyarada isticmaala addeega internetka ayaa isagu ku dooday in aanu ahayn dadka inta badan isticmaala Internetka ee xirfadohoodu ku xidhan yihiin, balse uu si caadi ah u isticmaalo, isla markaana wuxuu xusay inay jiraan mushkilado  xawaaraha adeega ah oo saaxibadii mararka qaar ka cawdaan, kuwaas oo sida uu xusay  laga gudbi karo.
Dhinaca kale warbixin dhowaan lagaga hadlay mushkiladaha hortaagan horumarka koboca dhaqaalaha Somaliland ayaa lagu xusay in addeega Internetka dhinaca  Somaliland yahay mid ka mid ah dhibaatooyinka haysta ama qayb weyn ka ah horumarka  dhaqaalaha dalka.

Arrimahaa iyo kuwo kale oo la xidhiidha khiyaamooyin shirkaddaha bixiya addeega Internetka Somaliland iyo isgaadhsiintu isticmaalaan, waxaynu kusoo qaadan doonaa qaybaha danbe ee warbixintaa oo qoto dheer uga hadlay arrimahaa.
La soco—————-
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *